Wednesday, November 7, 2012

Waayaha Adduunka (hees)


Waayaha Adduunka

Waayaha adduunka 
Ku wax qaadan mayside
Ruux walaal ku moodaa 
Haddii uu ku wehashado
Ood wacad ka diiddaa 
Warankaad ku tuurtaa
Kugu weecan doonee 
Jacayl kuma waraystee 
Waygu waa bariistee
Halbowluhu ma wado dhiig 
Wadnahana ma siiyee
Wadkaygii ha noqonnine 
Haddaad maanta wacan tahay
Ma ku waari doontaa? 

Sidoon waalanahay baa 
Laygu wiirsadaaye
Wegar tiri lataliyahaa 
Waanadiisa diiddoo
Adigaa i wiiqee 
Haddaad adigu wacan tahay
Anay wadhi i raacdee
Gacma wada jirkooday 
Wax ku goyn karaane
Midna geed ma waabteen 
Waaxid kali ahaane
Weedhaa u fiirsoo 
Arrin aan wadaagnee 
Waa yahay aan kaa helo 

No comments:

Post a Comment