Friday, November 9, 2012

Ma Inaad Kalgacalka Laashaa? (hees)

Lahashada jaceylkiyo
Lahashada naftaydaa
Qalbigay lurayoo
Laamaddoodi waayee
Waxay laabtuu doontaa
Innagoo lammaaniyo
Laba nolol wadaagtoo
Kala leexan noqonnee

Ma inaad laba seef ahaataa
Ma inaad kalgacalka laashaa
Ma inaad lumiso aqoontaa
Ma inaad libidhoon ku waayaa?

Lallabaha hayaankiyo 
Lugtu socod ma daysee
Waxaa layga baaqaa
Looliga Galduure
Waxaan wali ku laalnahay
Halkii laydha caashaqa
Leexadu i geysee
Soo laabmi waayee

Ma inaad labo seef ahaataa
Ma inaad kalgacalka laashaa
Ma inaad lumiso aqoontaa
Ma inaad libidhoon ku waayaa?

Lullumihii biyaha galay
Abaar kuma lihiime
Aniguna liskiisii
Caashaqa ladaabtee
Waxaan labo legdoodoo
Kaligay lignaadaba
Sidaan ahay lammaan Xiid
Leyl dhexe dhawaaqee

Ma inaad labo seef ahaataa
Ma inaad kalgacalka laashaa
Ma inaad lumiso aqoontaa
Ma inaad libidhoon ku waayaa?

Erayada:
1- Laamaddood: hurdo yar ama gami'id kooban.
2- Laashaa: fogeysaa; meel fog geysaa.
3- Libdhay/Libray: qarsoomay; daahsoomay. 
4- Lallabo: loo kaco; loo jeesto. 
5- Looli: dalcad; dhul foocsan; korreeya.
6- Galduur: dhul-daaqsimeed ku yaal Soomaali Galbeed.
7- Lullume: nafley yaryar ah oo biyaha ku dhex nool.
8- Lihiin: liil; meecaad; adkaysi leh; waxtar dambe leh.
9- Lis: wax kasta oo la soo liso sida caanaha iyo dhiinka miraha. Halkaan dhiggiisii.
10- Ladaab: ku-noqnoqoshada cunnada, biyaha iwm.
11- Labo legdood: ku-galgalasho; gami'waa.
12- Lignaan: likaysan; liqdaaran; waxaan laabmeyn oo tigtigan.
13- Xiid: shinbir habeynkii mirta oo inta badan labalabo u socda. 

1 comment: