Thursday, November 15, 2012

Murtiilaha Maanta


Seddex meeshay kugu galaan waa laga tagaa:
1-    Taliye jiitaa ah (waa hoggaamiye aan dadkiisa talada la wadaagin).
2-    Talfan naag ah (waa naag erayley ah oo yulqan badan).
3-    Tuuro shabeel ah (waa goobo shabeelku ku badan yahay ama wixii kaloo dhib ah).


Geel iyo ragba meeshay ka didaan, dib uma maraan.
·       Doqon gabowday caaqil baa la moodaa.
·       Dudumo ciid bay u dhammaataa.
·       Hantaa la iska dhacaaye, hibo Eebbe habayn ku siiyay la iskama dhaco.
·       Reero murmaaya haddaad aragto, reer baa teeladii seegay.

·       Anfac yar iimaan baa kaalmo u ah, aqli yarna edeb baa kaalmo u ah.


Xanaf la soo maray haddii, loo xulbado bixiyo
Xusullo geeljiray nagu noqon, lamana xallin doono

No comments:

Post a Comment