Tuesday, November 13, 2012

Gocosho iyo Ciil


GOCOSHO IYO CIIL

Sidaan ka barannay maansoyahanka S/liyeed loomo tiriyo tixda muraad la’aan. Haddii ay dhacdana maansadaasi ma yeelato muggii ku habboonaan lahaa ama milgada inta badan loo muujin jiray suugaanta hodonka ah ee S/liyeed. Waxaa si wanaagsan u cabbiray gabyaagii yiri;

Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami' kaa keenin
Ama olol jaceyl iyo xanuun, kugu ijbaareynin
Afka un baad ka leedee erayadu, arar ma yeeshaan

Haddaba maansada hoos ku qoran baan maanta u sharraxan in la qiimeeyo, waxaana u deynaynnaa akhristaha. Maansadaan waxaa curiyay kan qoray erayadaan;

Haddii gacalkaa la weeraro
Guluf aan naxeyn iyo
Hadduu gabagabeeyoo 
Uu galo col gaamuray 
Guuyadoo la qaadiyo
Garcastoo la laayiyo
odoyadoo la gawraco
Gabannada carruurta ah
Gambooley la dayneyn
Gambiga iyo dhibaatada
Galaayuuska dumarkiyo
Gurdanka iyo qaylada
Gamaskoo la boobiyo
Waa tii la guran jiray
Gaalleefta iyo warankee
Gurmadka iyo raacdadu
Waa tay gucle iyo orod
Imaan jireen goor hore

Maxaa gooni kaa dhigay
Ka reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?

Haddii guri walaalkaa iyo
Gaaridii uu qabay
Geenyaduu lahaan jiray
Heensaheeda gaarka ah
Gayaan kale dookhu bado
Ardaageeda soo galo
Intay xumo guddoonshaan
Gabbashoo xarootiyo
Lala gudo hameynkii
Gardarrada iyo maggaas
Gunnimada iyo ceebtaas
Waa in laga gadoodaa
Gama’ iyo hurdana daa
Guntigaa la giijaa
Gumuc iyo rasaas baa
Iyo gaan tolkaayaa
Sida geeshkii oo kale
Garammooda la dhoobaa
Guubaabo iyo dhaar
Dagaal lagu galaayoo
Gobaad lagu dhacshaa

Maxaa gooni kaa dhigay
Kaa reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?

Anigoo gudboonaa
Garaadoo nin rag ah
Aqoonteyda guud iyo
Tayadaydu gaar tahay
Gubniyadii ka soo baxay
Waa taan gu’yaal badan
Samaheenna gooboo
Gabbal dhaciyo waabari
Sida gaar ilaala ah
U go’naaday hawshee
Markii uu gabraatuhu
Igu ganay fallaartii
La ila goobay maartii
Aan gabayoox cidla
Sidii aarkii Ceel-Gaab
Kaligey aan gayllamay
Hiillo iyo gargaar baan
Kaa dhawray geellow
Gadiid maalin oo idil
Geestaada eegee
Haddaan go’ walaalow
Ama gaasir ahaadaba
Garabkaa bannaanaa
Waa adigaan gabbanayee
Maxaad guula ood heli?

Maxaa gooni kaa dhigay
Kaa reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?


La gundhigay adduunkaan
Carro-edeg galoolneyd
Marka geesi uu kaco
U gargaaro kii daran
Deeqdiisu gaadhaba
Goohiisa wacan iyo
Guuxiisa maqalnaba
Giiryaale fulay baa
Geestiisa joogoo
Doqon geeso weyn baa
Waligeed ku gaarnayd
Maantana geddii baa
Guryaheenna taaloo
Gaadmadii shisheeyaha
Golxadkii sokeeyaha
Gaallaysyo badan baa
La ii gaaciyaayoo
Waa la igu goobtee
Adiguna goobbilow
Sidii goraygii Baal-Taag
Garraar sare ka fuushoo
Gaallisada ciyaartee
Haddaan guuro oo tago
Geeddi dheer aan galo
Foore iyo geyraa
Buulashada galiyoo
Gocasho iyo ciil baad
Guhaad iyo xanuun baad
La gandoodsan doontaa
Gabbaad kale miyaad heli?
Mise garashadaadaa
Dib u gaallineysoo
Guniddii daboolneyd
Kaa deyran gaannow


Maxaa gooni ka dhigay
Ka reebay garashada
Misna gaabis kaa dhigay
Gabbacyeyntu waa maxay?

No comments:

Post a Comment