Saturday, November 10, 2012

Wuxuu Sabanno badan Geelu.... (hees)


Wiilka:
Wuxuu sabanno badan geelu
 Saynta u ruxaa
Mar uun baad Sasabaniyo
Siyow ka cabbi doontaa
Anna waxaan saqaafaha
Iyo sahanka caashaqa
Saymaha u marayaa
Waa si aannu u kulannee

Jaceylkii sacabbo furan hooyaa!
Ayaankeen barisamaad helayey
Aroos-keennii sal dhigayey
Sidaas ku garoo la soco eey

Gabadha:
Waxay sabi ilmaha hooyadu
Gosha ugu siddaa
Sakaar loogu koriyaa
Abaal laga sugaayee
Annaa waxaan sidoo kale
Caashaqa sasabiyo
Samir ugu dhaqaayaa
Wuu i san dulleeyee

Jacelkii ma sidig irmaan hooyaa
Saadaashu ma guul allaa heellayoy
Arooskii ma saaddambaa yey
Sidaa u gartaye ka soco eey

Wiilka:
Waxaa subagga iyo heenka
Senge loogu shubayaa
Hubka loo sifeystaa
Sikatiga colaadeed
Anna waxaan la salalaa
Saqda dhexe u toosaa
Sawdkii jaceylkaa
Samada iiga yimide

Jaceylkii sacabbo furan hooyaa
Ayaankeen berisaamd helayey
Aroos-keennii sal dhigayeey
Sidaas ku garoo la soco eey

Gabadha:
Waxaa sarsarka adag reerka
Sarmaan loogu oodaa
Saan tuug gurguurtiyo
U soo marin dugaagguye
Seddex boqol maalmood
Iyo tiro sagaashana
Sidka geelu weeyee
Ma soo gaaray caashaqu?

Jaceylku ma sidig irmaan hooyaa
Saadaashu ma guul allaa hellayoy
Arooskii ma saaddambaa yey
Sidaas u gartaye ka soco eey

Erayada:
1- Sasabane; Siyow: waa laba ceel oo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed.
2- Saqaafe: marin; meesha la maray.
3- Saymo: meel dagaal xun ka socdo.
4- Heen: dufanka fuudka kor ka saaran; dufanka lafaha geela.
5- Senge: neef lab oo la dhufaanay.
6- Sikati: baqdin; cabsi.
7- Salal: hurday oo argagax la soo booday.
8- Sarsar: xeyndaab; deyr 
9- Sarmaan: geed qodax leh
10-Sid: inta hooyadu ilmaha uurka ku waddo.

No comments:

Post a Comment