Wednesday, November 14, 2012

Waa Naas Adduunyadu (hees)

Nabar halista gaariyo
Naftii cudur ku raagtaa
Ku ma naaxdo soore
Ninkii tabar darraadaa
Nacas lagu tilmaamaa
Naannaab habaabee
Ku ma nicine adigaa
Naafeeyay taladoo
Waqtigii nugleeyee

Niyaddaan ku xiray meel 
Soo noqonba weydee
Anigiyo nasiibkay

Waa naas adduunyadu
Ruuxba maalin nuugoo
Ninna loo ma daayee
Adoo saaka nabad qaba
Naxdin galabta kuu timid
Nolosheeda weeyee
Ma nastoo ayaan qura
Intaan hawl ka neefsado
Nafta meel ma hariyee

Niyaddaan ku xiray meel 
Soo noqonba weydee
Anigiyo nasiibkay

No comments:

Post a Comment