Monday, November 12, 2012

Waxaan Galabsadaa La Iga Goynayaa (hees)



Goor iyo ayaan
Socod dheer galoo
Intaan daal gab iri
Tillaabada gabee
Meelna gaari waa 
Geeddigaan wadoo

Waxaa iga gadmaday
Oon gees ka maray
Gubad roob heloon 
Galabta haybiyaa

Godob sidaan qabaan
Gama' diidayoo
Dhulkii lay goglaa
I guhaadiyee
Cirkan gaafsanina
Way gabagaboo

Waxaa iga gadmaday 
Oon gees ka maray
Gubad roob heloon
Galabta habiyaa

Geyi waaqle oo
Laga guuray baan
Raad goobayaa
Anna goor dambee
Garashiyo wanaag
Anaa gees maroo
Nabsi guurayaa
Gondaha i jaroo
Waxaan galabsadaa 
Layga goynayaa 

No comments:

Post a Comment