Thursday, April 11, 2013

Mas-ciideed (hees)

Wiilka:
Muuq-dheer cadceddoo
Markaas soo baxaysiyo
Waxaad tahay man iyo doog
Mareerkoo bislaadiyo
Miraha canab
Mayeygaa cirkiyo
Mooddaa galbeed
Meel uga egeey

Waxaad tahay mas-ciideed
Maarriin dhalaal xiga
 Midabka akhdar-jabiska

Gabadha:
Raggu magaca guud iyo
Magta waa ka siman yahay
Malkada ugu horreysiyo
Waxaad tahay ma-dhaafaan
Muunadkiisa,
Muunays subaxiyo
Maaxda ceelkaba
Meel-meel uga ekow

Garta macallinkeediyo
Waxaad tahay ma-garatada
Maskaxda u jihaysee

Wiilka:
Miyi iyo magaalaba
Inta xiran mar iyo dhixir
Kolley aniga maankay
Marwadoodii baad tahay
Masna dumar
Mullaax qurac iyo
Miidda subag
Meel uga egeey

Waxaad tahay mas-ciideed
Maarriin dhalaal xiga
Midabka akhdar-jabiska

Gabadha:
Maanayaha colaadeed
Maalintii rag kala baxo
Miidaanka geesiga
Waxaad tahay mucda u gala
Ma-baaqdaha
Magoolkii dhirtiyo
Maar uu roob helay
Meel-meel uga ekow

Garta macallinkeediyo
Waxaad tahay ma-garatada
Maskaxda u jihaysee

No comments:

Post a Comment