Monday, April 7, 2014

Wa Muctasimaa!(War Muctasimoow!)



Wa Muctasimaa!(War Muctasimoow!)

Sida lagu xusay buugga la yiraahdo al-Kaamil ee uu qoray nin la oran Ibnu Asiir, wuxuu ahaa al-Muctasim boqor ama amiir muslin ahaa oo ka soo jeeday Reer Banu Cabbaas.

Al-Muctasim-Billaah (Kii Xarigga Eebba Qabsaday) wuxuu ahaa wiil uu dhalay Khaliif-kii Muslinka ee Haaruun al-Rashiid ee Khilafaddii Cabbaasiyada. Al-Muctasim-Billaah oo ahaan jiray dagaal-yahan, ammaanduule ah wuxuu taladii khilaafadda ka dhaxlay walaalki al-Ma’muun. Al-Muctasim wuxuu taliyay intii u dhexaysay 833-842dii MD wuxuuna ku caan baxay soo-qoritaankii ciidammadii Turkiga ahaa ee la magac baxay al-Mamaaliik ee markii dambe hareeyay  Khilaafaddii Cabbaasiyiinta.

Waxaa la yiri; ciidammo ka tirsanaa boqortooyadii itaalka weynayd ee Room baa qabtay haweeneey muslin ahayd waxayna ku tureen xabsiga. Markaas kadib baa waxaa la sheegay in boqorkii Roomaanku laf ahaantiisu uu haweeneydaas si kajana ugu yiri: “waligaa halkaan ka ma tagi doontid ilaa boqorka muslimiintu isaga laf ahaantiisu kaa furo silsiladahaan kugu xiran.” Wuxuu kaloo ku daray; “Waligi kuu ma imaan doono si uu kuu badbaadiyo, inuu soo fuulo ablaq (waa faras leh midab madow iyo caddaan isku dhafan) mooyee, isaga oo warkaas ula jeeday inaysan marna dhici doonin inuu badbaadiyo boqorkii muslimiinta ee waagaasi. Markaas kadib bay tiri haweeneydii: “Wa Muctimaa oo macnuhu yahay; War Muctasimoow”

Nin muslin ahaa oo qayladii iyo habar-wacadkii haweeneyda maqlaayay baa inta orday u sheegay dadkii muslinka ahaa arrintii haweeneydii la xumeeyay iyo siday u calaacashay.

Waxaa markaas kadib maqlay dhacdadii boqorkii muslimiinta ee ahaa al-Muctasim, wuxuuna abaabulay ciidan lixaad leh oo dhammaanti fuushan fardihii ablaq ee lahaa midabbada isku dhafan ee caddaanka iyo madowga. Isaga laf ahaantiisii wuxuu soo fuulay faras ablaq ah, wuxuu ku dhawaaqay oraahdii caanka noqotay: “Marka askariga ugu horreeya ciidankayga uu gaaro dhulka Roomanka, waa marka askarigii ugu dambeeyay uu naga ambabaxay (wuxuu ula jeeday ka tagay bartii taliskayaga).

Sida la wariyay wuxuu ciidankii baaxadda lahaa ee muslimiintu gaaray dhulkii Roomaanka wuuna qabasaday. Boqorkii al-Muctasim baa inta galay xabsigii ay ku xirnayd qoftii dumarka ahayd ka gooyay silsiladihii. Markii xargihii lagu qoofalay laga jaray bay tiri muslimaddii; War ku maad tahay? Isna wuxuu yiri: “Waxaan ahay al-Muctasim”

In al-Muctasim la wareego dhulkii Roomaanka waxaa boorriyay dhacdadii muslimaddii la bah dilay, la xiray oo catawday.

Dumarka Soomaaliyeed ee maanta lagu bah dilaayo Kenya ayaa mudan in lala xiriiriyo dhacdadii iyo sheekadii “Wa Muctasimaa”. Waxaan aragnaa maalin noolba dumar Soomaaliyeed oo ku saynsaaban astaamihii islaanimada oo askarta Kenya ee muhanniga ahi ay ku rarayaan baabuurta ciidammadooda oo inta dumarkii tahli waayeen fuulitaanka baabuurtaas ay askartii qaararkooda dambe maraaciyayaan, iyagoo isu muujinaaya inay fuulinayaan dumarkaas. Muuqalladaas argagaxa iyo uurkutaallada leh waxaa u horseeday maxasta Soomaaliyeed kuwii dabka galiyay guryahoodii ee dumiyay dawladdii balagga u ahayd qaranka Soomaaliyeed idilkiis. Ma-naxdada ku habsatay xaruntii qaranka ee dhawrka iyo labaatanka Sano ku maran hantidii iyo taladii qaranka baa saldhig u ah hoogga hoysta ummadda Soomaaliyed. Cid ay gabadha Soomaaliyeed u catawdo ama u habar wacato oo sidii al-Muctasim galiilyooda oo guntiga u giijiya babaadinta sharafteeda ma muuqato maanta. Hase yeeshee  wali ka ma idlaan Soomaali geesi u kaca danteeda iyo dawgeeda.

Waxaa u xil saaran badbaadinta gabadha Soomaaliyeed ee gunta madow fagaarayaasha Nayroobi ku bah dilayso dhammaanteen ama inteenna damiirka fayow leh. Qofka ka dambqan waaya sawirrada qalbi-xanuunka badan ee la soo tabinaayo waa gargarki-gabe dayuus ah. Waa dayuus oo waa kaan ka damqan ama ka dhiidhiyin wax-xun-kufalka walaashiis, hooyadiis iyo marwadii isaga u dhaxday.

Kuwa u qaba in ciidammada shisheeye ee dalkii iyaga laga difaaci jiri maanta dhex mardaadinaaya inay badbaado u wadaan ha xusuustaan oraahdii: “Ninkii qorraxda kugu hoos gawray, hoos kuu ma jiido.”

No comments:

Post a Comment