Wednesday, April 23, 2014

Waraar Iyo Jar Dheer (hees)

Wan la qalay sidii saad
Hilibkaygii waratoo
Waaxyahayga go'an baad
Waraabaha ugu baaqdoo
Wadar habar-dugaag baad
Wacdayoo u yeedhoo
Ku wiirsaad lahayd
Noloshaba ha weydee
Aniga un baan wadkaygiyo
Waqtigaygu geline
Waxba ila maad harin

Wabiga i sitaa
I walwaalayaa
Xaggee igu wadaa
Weyddiiya oo
Wad waa loo dhashee
Wax-ka-daran miyuu
Miyay warinayaan
Waraar iyo jar dheer
Waadiga xargaga
Ha iga weecinoo
Ha iga waabin kolna

Imisaan Walwaal iyo
Ceel Wardheer
Kaga baxay wadaan
Imisaa Waaheen
Iyo Wabi soo rogmaday
Igu dareen bad-weyn
Waxna aanan noqon

Adoo walacsanoo
Waabay cabbaa
Waa kuu beryaa
Wiriiriga haddii
Wad lagaaga dhigo
Ma og tahay waqtiga
Lama waabin karo
Waceen jiriyo
Wehel baynnu nahay
Wanaaggaan qabana
Waad ka weyraxdaa

Waan ku waaniyaa
Wacdigaad dhegaha
Weydaarisaa
Wanaag baan sidaa
Jacayl baan wadaa
Anoo waafiyaad
Weyddiin kartaa

No comments:

Post a Comment