Xiddigtu waa jir caruna (plasma) oo dhalaal badan oo aad u weyn,
waxaana isku haya oo isku meel isugu keena cuf-jiidkeeda (gravity). Xiddigta ugu dhow
dhulka waa qorraxda, mase aha tan ugu weyn. Xiddigaha kale waxaa laga arkaa
dhulka hameynkii, iyagoo u muuqda dhibco dhalaal badan oo taagan, sababtuna waa
fogaanta tirada badan ee ay indhaha dhawraya ka fog yihiin. Xiddigaha ugu door
roon waxaa loo kooxeeyay bahweyn-xiddigood ama buruuj (constellations) iyo
bahyar-xiddigood (asterisms), waxaana
xiddigaha ugu dhalaal badan la siiyay magacyo-cilmiyeed loogu magacdaray hadba
sida uu muuqaalkoodu yahay. Xiddig-yahannada waayaha cusub waxay cirka u
qeybsheen ilaa 88 bahweyn-xiddigooda oo wada leh xuduudo ama seerayaal.
Ugu yaraan
qeyb kamida nolosheeda, xiddigtu sababta ay la iftiintaa waa qarax-unugeedka haydroojiinka oo u rogma qaraxaas kadib heliyuum, falkaas oo ka dhaca ubucda
xiddigta, wuxuu sii daayaa tamar tiinbata gudaha xiddigta, kadibna ku baahda
hawada bannaankeeda. Marka uu dhammaad ku dhow yahay haydroojiinkii ubucda
xiddigtu, dhammaan walxaha ka culus heliyuumka ayaa samaysma waxaana sameeya
hab-sancadeedka qarax-unugeedka gaarka (stellar
nucleosynthesis).
Xiddigaha ka yar qorraxda markii ay gaboobaan oo ah markii shidaalkii dabshidkaas weyn hurinaayay uu dhammaado way dhintaan ama bakhtiyaan. Xiddigta le’eg qorraxda
marka shidaalku ka dhammaado jirkeedii baa is fidiya, kadib cuf-jiidkeedii baa
si aada ugu soo cesha walxihii ka kala tagay ubucdii xiddigta. Markii walxahaas
isu yimid ay si aada isugu kuusmaan, waxaa kordha cufnaantii waxyaalahaas.
Cufnaantaas xooggan waxay samaysaa qarax lixaad weyn oo keena kaah saabta
hab-tusmeedka cirkeenna oo dhan. Kaahaasi dhawr toddobaad ama bilood buu
baahiisu socdaa, waxaana loogu yeeraa Cusub-sare (Supernova). Bilahaas ama
toddobyadaas kadib wuu dhammaadaa kaahii weynaa waayo is-fidintii weyneyd baa
dhammaata. Markaas kadib, waxyaalihii firdhay oo ka koobnaa walxaha dhulka iyo uunka kalaba ku abuuran meel walbay aadaan, waxaase ubucdii xiddigta ku hara wax xiddigtii kamida oo aad isugu cufan si
aadana u dhalaalaaya oo loogu yeero Dhaglays ama Biglays (pulsar), waxaana magacaas loo
siiyay, sida wadnaha ayey dhaglaysaa iyadoo bikaacinaysa iftiin xoog leh oo bigleynaaya.
Sannadkii 185 MD baa dalka Shiinaha waxaa laga diiwaangeliyay
xiddig dhalaal badnayd oo si kadis ah cirka uga muuqatay, waxaa loo qaatay inay
tahay xiddig cusub oo dhalatay, waana sababta loo siiyay Nova oo Laatiinka ku ah; cusub. Sida la
xusay xiddigtaas kaaha weynayd waxay dunida iftiiminaysay 8 bilood, kadibna waa
qarsoontay. Tan iyo waagaas waxaa la diiwaangeliyay dhawr dhacdo oo ku saabsan
xaaladdda "Supernova" xilligii ugu dmbeeyay wuxuu ahaa sannadkii 1604
MD.
Haddii xiddigtu ka weyn tahay
qorraxda oo shidaalku ka dhammaado qarax-unugeedkiina joogsado, waxaa bartamaha
xiddigtii ka samaysma cuf-jiid awood badan leh, wuxuuna soo jiitaa dhammaan
walxihii xiddigta ee hareeraha, kadibna waxaa dhaca qarax tahan-dhaafa oo aan
la malayn karin, markaas kadibna xiddigtii oo dhan waxay isu rogtaa goob madow
badan oo loogu yeero Hogga Madow (black hole). Hoggaas madow wax kasta oo ka
soo ag dhawaada wuu liqaa, xitaa wuxuu liqaa baa la yiri iftiinka ama xiddigaha
kale, mana jiraan baa la yiri wax ka badbaadi kara ama ka soo noqon kara. Cilmiga saynisku hogga madow inuu jiro mooyee, wax intaas dhaafsiisan ka ma oga, waxaana halkaan ku istaaga xeer kasta oo culuunta la xiriira. Qaar baa yiri; waa illinka koon kale oo aan ahayn kan aan ku nool nahay, qaarna waxay
yiraahdeen hogaggaas madow ee aan wax ka soo noqon, waa irridihii ama albaabadii aakhiro, Weynahaase ogaal badan.
Xiddiguhu si joogta ah bay u dhashaan, waxayna ka dhashaan
waxyaalaha hawooyinka sare ku firirsan oo markii hore ka abuurmay alkumaddii u
horreysay ee uunka ee loo yaqaan Bugtii Weynayd (Big Bang). Aagga ay xiddigtu ka samaysanto ama ka abuurato waxaa loogu
yeeraa Daruuro (Nebula).
Cusub-Sare (Supernova) |
No comments:
Post a Comment