Waa baa waxaa la yiri, waxaa hayaantay dagmo
reer guuraa ahayd, iyadoo u roob-raacday dagallo roobsaday. Jiidaashii dheerayd
ee ay ku yeelnayd baa waxaa ku habaabay labo doqon oo degmada ka tirsanaa,
waxayna ku ambadeen dhul omosoore ah. Waxay hadba dhinac foolka saaraanba, way
dhanqalmeen kadibna waxay ku hoos dhaceen geed harkiis. Muddo hadday
nasanaayeen, baa midkood yiri; hebalow balligii meel-hebla ku yiil soo fiiri in
biyo galeen. Kii la diray baa kacay oo aaday dhankii loo sheegay, saacado badan
buuna ku maqnaa sahankii loo diray. Goor dambe ayuu ku soo noqday doqonkii kale
ee diray geedkii buuna ku soo hoos dhacay isagoo aad u sii dhanqalmay. Kii
horoo diraa yiri; balligii ma tagtay? Suu ye; haa. Su’aal kaluu ku celiyay;
biyo ma galeen? Suu ye; maya ee waa qallalnaa. In yar kadib, baa waxaa kacay
kii markii hore doqonkii kale diray oo iska luuday, markaasaa kii haray yiri; hebalow
xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan soo fiirinayaa in biyo galeeen.
Markaasaa kii kale yiri; oo hebalow, balligii anaa soo arkoo waa qallalnaaye
maxaad ka dooni? Suu ye; waa ku soo quusanayaa. Kii harsanaa baa isna inta
kacay iska dabo-galay kii kale. Kii la dabo-galay baa inta ku soo jeestay yiri;
oo adigu xaggee u socotaa? Suu ye; balligii baan kugu la soo quusanayaa!
Cibrada sheekada ku jirtaa, waa in caqligu
yahay kan qofka haga oo ku duwa waddada toosan, haddiise caqli suubban la
waayo, qofku wuxuu noqdaa mid habaaba oo hadba dhinac aan waxba jirin ku ambada.
Waxaa sheekadaan oo kale ah; Wasiirka Kowaad
ee Xukuumadda Soomaaliya ee maanta. Sida naloo sheegay wuxuu WK ku salaysan
yahay hab-qeybsigii qoleedka ahaa ee Soomaaliyeed, waxaana loo qoondeeyay
tolweyne Soomaaliyeed, haddana waxaa muuqata in loo adeegsaday bahdilidda iyo
biindhaynta dhinicii la yiri, waa lagu maamuusay.
Waxaa kadhigan doqonkii yiri; balligii baan
kugu la soo quusanayaa, kan og wixii lagu falay raggii doorka ahaa ee dhiggiisa
ahaa oo ka horreeyay oo haddana u heellan inuu meeshiisii buuxsho, iyadoon la
maarayn ama laga maarmin xarunimada Muqdishow-da noqotay xas bahal-galeena.
Waxaan kale oo xusuusin lahaa xikmad-laawaha
talada dalka murginaaya erayadaan laga soo xigtay murtidii doorka ahayd ee
Khaliifkii Afraad ee Islaamka:
Ka digtoonow:
“Inaad kan wanaagsan bahdisho, inaad caaqilka
cilladayso, inaad xumaalaha wanaajiso, inaad doqonka la kaftanto, iyo inaad
gogol-dhaafaaga (dhillayga) la dhaqanto.
Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax kastoo
fiican, wax caaafimaadka ka fiican waan waayay. Waxaan dhadhamiyay dhammaan wax
kastoo qaraar, inaad u baahato dadka wax ka qaraar waan waayay. Waxaan qaaday
bir iyo dhagax, wax deynta ka culus waan waayay.
Waxaad ogaataa in dunidu tahay labo maalmood;
maalin adaa leh, maalinna waa lagaa leeyahay, haddaad leedahay ha isla weynaan,
haddii lagaa leeyahayna ha caroon, samir labaduba waa kooban yihiine".
Imaam Cali Ibnu Abuu Daalib (Eebbe ha ka
raalli noqdo)
No comments:
Post a Comment