Amakaagyada Qur’aanka
Qur’aanku
waa weedhii Eebbe, waana tiirka ama makaabka ugu door roon diinta islaamka, ahaantiisuna
waa amakaag, ashqaraar ama shaamareer. Qur’aanka waxaa si talantaalli ah, ku
soo dul dejiyay Nabi Maxammad (NNK) Malagga Jibriil. Mar hadduu Eebbe yahay
weynihii waligiisba jiray, haddaba Qur’aankuna waligiis waa jiray, xag Eebbuuse
ku kaydsanaa kahor intaan nabigii suubbanaa lagu soo dejin.
In Qur’aanku
yahay amakaag (mucjiso) aan cidina hal abuuri karin waxaa loo cuskadaa seddex
arrimood:
1-
Sarraynta
Dhanka Afka: Qur’aanka waxaa lagu soo rogay Afka Carabiga, waayahaas la soo
rogayna, suugaanta afka carabigu waxay maraysay meeshii ugu sarreysay aad baana loo
tix gelin jiray aftahannimada iyo tixaha maansada. Wuxuu Eebbe Qur’aanka ku soo
beegay, mararkaas tixgelinta aftahannimadu meekhaanka sare lahayd, wuxuuna Qur’aanka ka dhigay kan ugu wacan erayo hore loo yiri
ama loo oran doono wuxuuna ahaaday mudanka murti mudan oo idil. Sidaas darteed, waxaa
Qur’aanku ahaaday lama-gaaraan aan cidina haweysan karin halabuurnimada
dhiggiisa ama isagoo kale.
2- Amakaagga
Qur’aanka Ee Dhanka Sayniska: Waxaa Qur’aanka lagu xusay siyaalo badan oo la
xiriira qeybaha aqoonta sayniska sida; abuuritaanka (creation), xiddigeysiga
(astronomy), taranta aadanaha (human reproduction), aqoon badeedka
(oceanology), aqoonta nafleyda (zoology), aqoonta uurreyda (embryology),
biyaha iyo qaar kaloo badan.
Xilli aan sidaas u fogayn baa waxaa soo ifbaxday aragtida Bugtii Waynayd (Big Bang). Waxaa aragtidaas lagu sheegay in
uunku markiisii hore ahaa walax yar oo aad iyo aad isugu cufan, kadibna uu dhacay
qarax aad iyo aad u xoogganaa, markaasna walaxii isku cufnaana baa si weyn u firdhay, wax
kastoo ah noole ama ma-noole oo uunka jiraana ay dhacdadaas ka beermeen. Haddii
dhanka cilmiga sayniska aragtidaas la bilaabay in lagu rumeysto waa aan fogayn,
waxaa Qur’aanka lagu xusay kun iyo dhawr boqoloo sano kahor: “ Miyaysan kuwa
aan rumayn ogeyn in cirarka iyo dhulku ahaayeen hal cad oo isku yaal, kadibna
aan kala kixiynnay oo aan wax kastoo nool saldhig uga dhignay biyaha? Miyaysan haddaba
rumeynayn? Qur’aan
21:30
Waxaa
xagga sayniska lagu ogaaday waa aan dheerayn in hawada sare (atmosphere) tahay
mid dhawrta oo ka ilaalisa noolaha dhulka fallaaraha qorraxda ee wax-dhimaalka
leh ama sunta, waxaase Qur’aanku xusay arrinkaas waa hore: “Waxaan cirka ka dhignay
ilaaliye, dhawraa ah sidaas oo ay tahay way ka jeensteen astaamahayagii” Qur’aan
21:3
Waxaan
maanta ku og nahay sayniska in dhulka iyo meerayaasha kalaba ku ag wareegaan
qorraxda. Sidoo kale waxaan og nahay in dayaxu ku ag wareego dhulka, hase
yeeshee, Qur’aanku mar horuu xusay: “Isagu waa kii abuuray habeynka iyo
maalinta, iyo qorraxda iyo dayaxa, mid walba oo iyaga ka mid ihina marin
wareega buu ku sabbeeyaa” Qur’aan
21:33
“Waqti
baa loo asteeyay sheegitaan kasta, waxaadna ku ogaan doontaan mid walba waqtigeeda”
Qur’aan 6:67
Tuducaas
ama aayaddaas baa culimada qaarkeed ku qeexeen in waxyaalaha ku daahsoon Qur’aanka
lagu ogaan doono cilmiga sayniska, ogaanshahaasna lagu beegi doono waqti loogu
tala galay.
3- Sheegitaannadii
Soobeegnaa: waayihii Qur’aanku soo degaayay waxaa dunida ugu itaal roonaa
labadii xoog ee kala ahaa Roomaanka iyo Beershiya (Iran). Waxaa labadaas xoog
ka dhexeeyay loollan adag, waxayna muslimiintu jeclaayeen in Roomaanku adkaado,
marba hadday Injiil rumaysnaayeen (dadkii kitaabka), waxaase Roomaankii qeybtoodii Biisandiin
(Byzantine) lagu jabiyay goobtii dagaal ee Antioch ee 613kii M.D. Goobtaas
dagaal kadib, waxay Beershiyaanku la wareegeen gobolladii muhimka ahaa ee kala
ahaa; Suuriya, Qudus, Armiiniya iyo Masar. Arrinkaas muslimiintu way ka
xumaadeen, waxaase soo degay aayadahaan: “Roomaankii dhul aan dheerayn baa lagu
jabiyay, hase yeeshee, dhawr sano gudahood bay ku guulaysan doonaan. Ilaahay
isagaa hor iyo gadaalba taliye ah, maalintaasna kuwa rumeeyay way farxi doonaan”
Qur’aan
30:2-4
Markaas
kadib, waxaa dhacday goobtii dagaal ee Issus ee 622dii M.D oo Beershiyaankii si
xun loogu jabiyay, waxaana sidaas ku dhabawday wixii uu Qur’aanka Kariimaka ahi
xusay.
“Waxaan
ka gudbinnay qoladii Reer Israa’iil badda, waxayna Fircoon iyo ciidammadiisii
colka ahaa oo talada adkaa daba galeen iyaga. Kadibna, markii uu hafanaayay,
buu yiri: Waxaan rumays nahay inuusan Eebbe jirin aan ka ahayn kii Reer Israa’iil
rumaynaayeen. Waxaan ahay mid ka tirsan muslimiinta. ‘Ma, hadda! Markii aad
hore u maagatay oo aad ka mid ahayd kuwa wax musuqmaasuqa? Maanta waxaan dhawri
doonnaa jirkaaga si aad tusaale ugu noqoto dadka gadaashaaa imaan doona. Dhab
ahaantii dad badan baan dheg u jalqin tusaalooyinkayaga” Qur’aan 10: 90-92
Waxaa
la rumaysan yahay in fircoonka aayadahaas lagu sheegay uu ahaa Ramesses II ama
wiilkiisii Marneptah. Ilaa xilligaan la joogo waxay labadii fircoon jirarkoodii
ku keydsan yihiin Matxafka Qaahira ee Masar. Sidaas darteed, ballanqaadkii Eebbe
ee lagu sheegay Qur’aanka waa fulay, waxayna muujisana sida Qur’aanku uu run
yahay oo uu u yahay warkii Eebbeheen.
Wuxuu kaloo Eebbe Qur’aanka ku xusay; inuu ka
dhawri doono ama ka ilaalin doono isla Qur’aanka musuqmaasuqa ama qasidda; “Si adag, baan u muujinnay Xusuusiyaha (Qur’aanka), waxaanna si adag, u
daryeeli doonnaa isaga (musuqmaasuqa baa laga daryeelayaa)” Qur’aan 15:9
No comments:
Post a Comment