Saturday, July 6, 2013

Ma Sal Guuro Caashaquye (hees)

Ma sal guuro caashaquye
Ani sibiq ma igu galay
Intuu samada ila tagay
Saxar-qaadaha fooraha
Dul sabbee ma igu yiri
Dhalanteed ma igu sabay
Soojeede maqanoon
Seexanayn ma iga dhigay?

Ma sal guuro caashaquye
Ani siriq ma ii dhigay
Intuu soortii iga jaray
Suun adag ma igu xiray
Ma i saaray heegada
Waxaa sanceeya Mawlee
Saaka ma igu weyn yahay
Suxulladana ma ii dhigay?

Ma sal guuro caashaquye
Ani salaw ma igu riday
Sambabadiyo feeraha
Intuu surimmo kala baxay
Ma ku soofay xididdada
Seeddiyo lafihiyo
Wadnihii ma sarayoo
Halistii ma suran yahay?


No comments:

Post a Comment