Waxay
ku bilaabatay boqortooyada al-Sucuud hoggaaminta qabiil yar oo degganaa Najad
qarnigii 18-aad waxaana bilaabay Maxammad bin Sucuud, isagoo markaas
hoggaaminaayay magaalada Dirriyaha oo ku tiil aagga Riyaadda maanta. Is la
waayahaas buu Maxammad bin Sucuud la galay heshiis is-bahaysiya Maxammad bin
Cabdil Wahaab, kaas oo ahaa yagleelihii dariiqada diiniga ee al-Wahaabiya.
Labadaas xoog oo is kaashanaayay baa bilaabay olole dagaal sannadihii 1786-dii
ilaa 1816-kii, waxayna qabsadeen inta badan dhulka maanta loo yaqaan Sucuudi
Carabiya oo ay ku jireen Maka iyo Madiina.
Waayahaas
waxaa jirtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo dhulalka muslimiinta u talin
jirtay. Haddaba Suldaan Mustafa IV oo markaas talada hayay ayaa diray labadiisii
wiil ee ka la ahaa Tusun Baashaa iyo Ibraahim Baashaa si ay uga hortagaan
jabhaddii Sucuud iyo Wahaabiyada, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan
awooddoodii sannadkii 1818-kii.
Wuxuu
Sucuud taladii ku soo noqday sannadkii 1824-kii, laakiin markaan dambe
taladiisu waxay ku koobnayd degaankiisii oo ahaa Gobolka Najad. Si kastaba ha
ahaatee, intii ka harsanayd qarnigii 19-aad waxaa dhulkaan Sucuudiya Carabiya
hadda la yiraahdo ku dagaallamaay xoogaggii ay hoggaaminaysay qolodii
al-Rashiid ee ka soo jeedday magaaladii Haa’il ee gobolkii Najad iyo xoogaggii uu hoggaaminaayay Sucuud. Sannadkii
1891-dii waxay qolodii al-Rashiid ka adkaatay xooggii Sucuud iyo
is-bahaysigiisii, waxayna u qaxiyeen dalka hadda la yiraahdo Kuwayd.
Sannadihii
1914-kii ilaa 1918-kii waxaa soconaayay Dagaalkii Weynihii Kowaad ee Adduunka,
waxayna xoogaggii Ingiriiska iyo Faransiisku dagaal ba’an ku la jireen
Khilaafaddii Islaamka ee Cusmaaniyiinta. Haddaba, xoogaggaas oo adeegsanaayay
sarkaal Ingiriisa oo la oran jiray Lawrence
of Arabia, waxay bilaabeen dhagar ay isga horkeenayeen Dawladdii Islaamka iyo
dadyowgii carbeed. Maadaama barta muslimiintu wada xurmayso ay ahayd Maka, waxay dhagartii ka bilaabeen xaruntaas iyo Asharaaftii maamuli
jirtay meelahaas oo uu markaas hoggaaminaayay Shariif Xuseen bin Cali oo Maka
fadhigiisu ahaa. Waxaa carab laga dhaadhiciyay inay ka xoraabaan Turkiga oo
muddo dheer u talinaayay, samaystaanna hal boqor oo carabiya oo dhan u taliya.
Arrintaas carabi waa u guuxday, waxaana la abaabulay ciidammo badan oo hubaysan
oo la dagaallama Cusmaaniyiintii. Dhaqdhaqaas waxaa loo yaqaan Kacdoonkii
carabta (Arab Revolt). Kacdoonkaasi wuxuu qeyb weyn ku yeeshay jabintii awooddii
Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta, waxaana nasiib-darro carbeed noqotay dawladiihii
reer Yurub ka ma dhabayn ballantii ahayd in carab xorowdo oo hal boqor yeelato,
balse waxaa laga dhigay dawlado yaryar oo la wada gumeysto.
Sannadkii
1902-dii buu Cabdilcasiis bin Sucuud ka soo noqday Kuweyd, wuxuuna dagaallo hor
leh la galay al-Rashiid, wuxuuna qabsaday Riyaad. Wuxuu sii waday ololahii ilaa
uu ka aasaaso 1932-dii Boqortayada Sucuudi Caraabiya ee maanta. Cududdii uu
dalka ku qabsaday waxay ahayd xoogaggii Wahaabiyiinta ee ay ka la
hoggaaminaayeen Suldaan Bin Baajad al-Cutaybi iyo Faysal al-Duweysh.
Markii
hore xoogaggii Sucuudigu way ka gaabsadeen Maka oo uu markaas boqor ka ahaa
Shariif Xuseen bin Cali, laakiin Ingiriiskaa sannadkii 1923-kii taageeridii ka
la noqday Boqorkii Maka, markii dambana waa lagu duulay Maka iyo boqorkeedii,
duullaankaas oo aad u xoogganaa waxaa hoggaaminaayay Khaalid Bin Lu’ay iyo
Suldaan Bin Bajaad, wuxuuna colkaasi guulaystay sannadkii 1925-kii. Sannadkii
1927-kii wuxuu Cabdilcasiis is ku magacaabay Boqorkii Xijaas iyo Najad, wuxuuna
ka koray jagadii hore ee suldaannimada.
Markii
xoogaggii is bahaysatay ku guuleysteen qabsashadii dhulalkii oo ay ku jirtay
Makadii la dhowri jiray, waxay damceen xoogaggii Wahaabiyiintu inay sii wadaan
ololahadii qabsiga dhulalka Carbeed gaar ahaan, Ciraaq iyo Kuweyd, waxaase ka
horyimid Boqor Cabdilcasiis oo ka yaabay in arrintaas uu Ingiriisku ka caroodo.
Markaas kadib waxaa dhacday goobtii dagaal ee Sabiilla, halkaas oo si xun loogu
jabiyay Wahaabiyiintii.
Sida
aan ka garan karno, taariikhdaas kooban ee Boqortooyada Sucuudi Caraabiya waxaa
lagu dhisay daadinta dhiiggii muslimiintii ku noolaa Jasiiradda Carabta iyo
gaashaanbuursi ay mar walba la lahaayeen xoogaggii duullaanka ku ahaa ummadda
islaamka.
Qorshe
kasta oo ka soo fula taliskaas, ha ahaado mid siyaasi ama diiniye wuxuu ku
salaysan yahay cabburinta ama baabi’inta xoogagga muslimka, waxayna u la
jeedaan in qoyskaas awoodda ku haysta dhulkaas dhawrsan ay khatartiisu kaliya
ka imaan karto dadka muslimka . Sidaas darteed, waxay mar walba uga kalsoon
yihiin dawladaha iyo bulshooyinka muslimka kuwa aan muslimka ahayn.
Maalmahaan,
waxaan aragnaa is-bahaysi ay hoggaaminayso Boqortooyada Sucuudiga oo kadhan ah
dalka Qatar. Cunaqabaynta dalkaas yar iyo ceejinta tahan-dhaafka, waa dhaqan
soojireena, waayo waxay ugu badisaa baabi’inta dadka muslimka.
Soomaaliya:
waxay madaxda Soomaaliyeed khilaafka oogan ee uu Sucuudigu abuuray ka istaageen
dhinac dhexdhexaada. Go’aankaasi waa midka ugu fiican ee qof damiir leh uu
qaadan karo. Hase yeeshee, marka aad ummad hoggaaminayso go’aanka aad
qaadanayso waa inuu ku salaysan yahay ka-fiirsasho qoto-dheer, waana in aad
tixgelisaa danta guud ee ummadda aad hoggaaminayso. Waa inaad si fiican uga
baaraan-degtaa dhibabka uu go’aankaagu u keeni karo dadka aad madaxda u tahay
iyo faa’iidooyinka uu keeni karo.
Labada
dal ee Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo xaqdarro isku bahaystay waxay maanta
karaan inay waxyeello baaxad leh u geystaan dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed,
horana waa ugu geysteen. Waxaan hubaa inaysan ka gabbanayn tirtiridda magaca
Soomaaliyeed oo dhan, hadday dan ka arkaan. Haddaba, waxaa la gudboon madaxda
Soomaaliyeed inay muslim-qalatadaas bahalnimadooda ka gaashaantaan, hadday si
kale waayaanna iyaga raalli geliyaan, illeen waa tii hore loo yiri: “dantaada
maqaar eyna, waa loogu seexdaa”.
No comments:
Post a Comment