Tuesday, August 22, 2017

Xaaji Faarax Xirsi-Akaal Cabdille Khalaf (Dabcasar)


11082506_10153449851269523_3944442749066862162_n


Xaaji Faarax oo ku-caan ahaa Dabcasar (AUN) wuxuu ahaa nin-door, lagu yiqiin halgan dheer oo xagga noloshiisa, karti, waxqabsi, waddaninimo iyo deeqsinnimo tahan-dhaaf ahayd. Wuxuu ahaa nin koriya carruurta aan daryeelka haysan, waxayna oran jireen waayihiisii: "Daduuna dhalin daadihinayow, Dabcasar dhaha".


Faarax aabbihiis waxaa la oran jiray; Xirsi Cabdille Khalaf Warfaa Ugaas Diini, wuxuuna ahaa hoggaamiye ka tirsanaa dhaqdhaqaaqii daraawiishta ee Sayid Max'd Cabdille Xasan hormoodka ka ahaa. Intii uu socday halgankii dheeraa ee daraawiishta buu Sayid Max'd, Xirsi ku naanaysay "Kalxaale". Waxaa la yiri, wuxuu naanaystaas ku mutaystay, iyadoo kooxo daraawiishta ee uu markaas Xirsi Cabdille ka tirsanaa gaajo iyo oon la dirgan la' yihiin, jiilal daranna ay tahay, buu Xirsi si uu ku helayba subag u qeybiyay daraawiishtii, isagoo adeegsanaayay kalax (koob weyn), taas oo maalintaas badbaadisay kooxihii daraawiishta ahaa. Maalintaas baa Sayid Max'd u duceeyay una bixiyay "Kalxaale". Xirsi-Kalxaale ama Xirsi-Akaal, waxaa lagu dilay goob ay isaga horyimaadeen xoogaggii daraawishta iyo xoogag kadhan ahaa, goobtaas oo ku taal gobolka hadda Mudug la yiraahdo. Sayid Max'd, wuxuu Xirsi-Kalxaale ku xusay tixdiisii, Daraawiishta Saalixiya: 


Dakankii maqnaa yaa lahaa, sow la deyi mayo

Sow danabbadeennii la dilay, loo dubnixi maayo
Ma dameer la raray baynu nahay, didiba sow mayno

Yaa dani ka haysaa raggii, Doollo lagu laayay

Nimankii daldalay Waafir. sow loogu dudi maayo
Dubbihii Xirsiyahaa ma waan, loo danqanahaynin

Halgankii dheeraa ee daraawiishta waxaa ku rogmaday qoysas badan oo xigtadii Xaaji Dabacasar ka tirsanaa, Reer Cabdille Khalafna waxaa ka haray isagoo cunug yar ahaa iyo dhawr gabdhood. Haddaba, agoontii ka hartay qoysaskii Reer Cabdille Khalaf waxay u dagaagtay/daaduuntay Berbera oo markaas xarun u ahayd gumeystihii Ingiriiska ee goabolladii waqooyi ee Soomaaliya ka talinaayay. Halkaan, buu Faarax Xirsi Cabdille oo agoon, rajaya ahaa ka bilaabay iskorin, isagoo da' ahaan aad u yaraa. Sida la wariyay wuxuu shaqo ka bilaabay maqaayad uu u dhaqi jiray weelasha. Waxaa la siin jiray baa la yiri 1 Senti ama Dhururq oo ahayd qaddarkii ugu yaraa lacagtii markaas laga isticmaali jiray gobolladaas waqooyiga Soomaaliya. Daasad buu inankii Faarax Xirsi Cabdille u samaystay sentigii la siin jiray, wuxuuna daasaddaas ku aastay dhulka. Sentigii uu ku aruurin jiray daasaddaas baa waa dambe oo uu qaangaaray u noqoday lacag uu ganacsi ku bilaabo. Waayahaas, uu ahaa inanka yar oo iskoriska buu mar raaci jiray baa la yiri, ciidan Ingiriisa oo Rakuubley ahaa. Ciidankaas awrtu gaadiidka u ahayd, wuxuu Faarax Xirsi u raaci jiray baa la yiri, ajuuro ama mushqaayad ay siin jireen awgeed, isaguna wuxuu u ahaa gacanyare, markay dagaan xaabada u soo gura, shaahana u kariya. Maadaama, askartii Rakuubleyda ahayd ay degi jirtay gelinka dambe, galab walba ama casar walba, inankii Faarax wuxuu askartaas u shidi jiray dab, waa halkaan meeshii ay ka raacday naanaystii DABCASAR.

Markii uu qaangaaray Faarax Xirsi wuxuu Berbera ka furtay maqaayad, wuxuuna noqday nin isku filan oo dadka kalana waxtara. Waayahaas uu maqaayadda lahaa baa waxaa dhici jirtay baa la yiri, in qof inta wax ka cuno maqaayadda, haddana isagoo been sheegaya, yiraahdo; Xaaji lacagtii waa bixiyay. Xaaji Faarax waxaa halhays u ahayd inuu ku yiraahdo qofkaas beenlowga; 'is ka tag, labada daarood (aakhir iyo adduun) mid bay galiye'. Halhayskaasi wuxuu noqday mid aad caan u ah.

Waa dambe, oo ku beegan 1940-aadkii buu isagoo ganacsade ah, carruur iyo xaasasna leh u soo guuray degaanka Doollo loo yaqaan, gaar ahaan Wardheer. 1959-kii markii magaalo ahaan loo yagleelay Caabudwaaq buu iyada u soo guuray, wuxuuna kamid noqday asaasayaashii ugu horreeyay ee magaaladaas. Wuxuu C/waaq ka furtay maqaayad, ogaalkay wali maqaayaddaasi waa furnayd. Xaaji Faarax, waxaa dhaqan u ahayd inuu maqaayaddaas ka quudiyo dadka danyarta, waxaana fiidadkii, maqaayaddiisa horteeda laga maqli jiray, isagoo leh; "war kii baahanow igu soo leexo, mid dhargay i ma rabee". Arrintaas ah in dadka cunno loo naadiyo waayahaas ma sahlanayn, laakin Xaaji Dabcasar wuu sameyn jiray, waxayna ku tusaysaa siduu u ahaa, deeqsi naxariis badan. Waxaa maqaayaddii Dabcasar ku koray dhallinyaro badan oo markii dambe horumar samaysay.

Waxaa ka loo hab-dhaqan u ahayd Xaaji Faarax Xirsi-Akaal quudinta shinbiraha, wuxuuna la hoos fadhiyi jiray masaf misaggo/galley ah geed weyn oo maqaayaddiisa horteeda ku yiil. Markii uu geeriyooday 1970-aadkii waxaa hareeyay meydkiisii shinbiro tiro badan oo dul heehaabayay intii loo sii waday qabriga, arrintaas oo la-yaab ku noqotay dadkii maalintaas, goobtaas joogay.   

  

No comments:

Post a Comment