Wednesday, September 4, 2013

Waa Bixiso Odayoo (hees)

Heesaha iyo maansada kale ee aan boggaan sida taxanaha ugu soo ban dhigno, waxaan ula jeednaa dhadhansiga macaanka suugaanta ka sakow, in erayda afka aan noolaynno si aan loo halmaamin, sidaas awgeed waxaa inoo ballana barashada iyo weynaynta afkeenna qadanka.

Waa bixiso odayoo
Adoo bari guntii jira
Fad galbeed ka baahiyo
Inuu biligta Karameed
Inta beer ku qaado
Aad boqoolka geeddiga
Banan dayri dhaaftiyo
Meel baaxad-soora
Beesha u horseeddee
Adoo baahi oon qaba
Yaan hogasha beenta
Baaqeedu kula tegin
Naftu biligta dhalanteed
Biyo kuugu sheegin
Buur kuu tilmaamin
Sow baqashii noqotee
Fardo beri la miratee
Barkoodii is mooddiyo
Hadal kugu bannaan iyo
Bayuur inay ku raacdaa
Baga lagu yiraahdaa

Haddii saban barwaaqa
Cidda meel baraariyo
Balli doogle lagu furo
Oo baahi-laawa
Batarkiyo dhaantada
Cugashada barbaartiyo
Bilow baashigii iyo
Baloolleey madiixaba
Inuu bara-caddaa oday
Aarankii la bururo
Soo laba bogleeyaa
Waa baatir bixisee
Adeeroow da'daa bogo

In kastuu billaan jiray
Magac beri lahaan jiray
Senge baratankii gabay
Buuxsamay shinkiisii
Baydari ha jiifshee
Ku ma baahi tiirshee
Waxba hay balweynoo
Hay qaadin Beer-lula

Haddaad Sheeko-baraleey
Baabkeeda moog tay
Boqorkaad ku marataan
Waa hore is barannoo
Ballan inoo dhexeeye
Suxul baad ku bilataye
Yaan sharadka booddada
Boholyowgu kula tegin

Baradkaan xusuustiyo
Ku dheyaayay boogtii
Badankaan dejinayaa
Intuu soo baraarugay
Laxawgii butaacada
Ballaysimo iigu yimid
Baal dabeyli sidatiyo
Waxaan ahay badweynoo
Baaxaa degaysee
Allahayow jid ii bixi

Erayada:
1- Fad: daruur
2- Karan: roob da'a xagaaga qaarkiisa dambe oo dayrta ka horreeya.
3- Banan: wadarta ban waana meesha aan lahayn geed koraadka ama aan dhirba lagu arag.
4- Baaxad-soore: bartamaha xilli ama meel sida baaxad-sooraha guga.
5- Hogasha: daruur da'aysa ama hoortay.
6- Biligta: wax meel fog kaaga bidhaama ama iftiin hal mar big yiri.
7- Bayuur: ceebaal weyn; jiciir; jac.
8- Aaran: ubadka geela oo aan wali gaarin qaalmo. Halkaan waa dhallinyarada.
9- Baatir: qaalin geela oo weynaatay; abeer.
10- Baydari: qofka ugaarsiga iyo tabaha loo ugaarsado aad u yaqaan; hargaanti.
11- Barad: qof wax-barashudu bilaw u tahay; arday.
12- Ballaysimo: sida ama meesha loogu soo horreeyo.

1 comment:

  1. Sxb waa dadaashay lkn qaladaad badan baa ka booxa qoraalka. Erayo badan baad khalad fahantay.

    ReplyDelete