Thursday, October 17, 2013

Goormaan Ka Dhigannaa? (hees)

In kastoynnu garab iyo 
Gaashaan ahaynoo
U godolnay caashaqa
Haddii aan garaadkey
Wacadkii ku gees maray
Geenyadaan jaraystiyo
Ila gaabi faraskii
Waana garashadaydee

Imminkana gafkaygii
Inan yahow adoon gocan
Iga goynin waxaan galay
Aannu guri yagleelnee
Goormaan ka dhigannnaa?

Sida gaydha roob iyo
Igu noqoy gufaacoo
Gooha iga baxayiyo
Gurxankayga maqashee
Adiguna gar qaadoo
Gacalnimo walaal iyo
Farxaddeennii garo oo
Jacaylkana ha gaagixin

Imminkana gafkaygii
Inan yahow adoon gocan
Iga goynin waxaan galay
Aannu guri yagleelnee
Goormaan ka dhigannaa?




No comments:

Post a Comment