IYO
DABEEBIHIISII
Suugaanta S/liyeed waxay caan ku tahay quruxda erayada loo adeegsado
iyo miisaanka loo yeelo meerisyada maansada. Waxaase dhammays ka dhigi kara ujeeddada loo curiyay iyo sida
maansadaasi qasadkii ugu tiraabtay. Waxaan aragnay maansooyin qaab wacan leh oo
erayo quruxsan loo kaashaday, hase yeeshee aan lahayn qasad toolmoon. Waxaa jira maansooyin dhan kastaba ka dheellitiran oo inta dheeh
wanaagsan loo yeellay, haddana qasad weyn loo marshay. Waxaa ka mida
maansooyinkaas tan aan halkaan ku faaqidaynno oo uu tiriyay nin la dhihi karo
marka la dhuuxo tixihiisa waxaa dheeri u ahaa fikir falsafadeed ka xeelad
dheeraa ficii waayihiisa noolaa iyo in badan oo waayihii ka dambeeyay
hal abuurtay. Ninka aan ka hadlayno waa Aadan-Dinix Xasan Kooshin Ugaas Diini oo
aabbaaraha noolaa labo qarni kahor, wuxuuna ku noolaa dhulkii
Ximan la oran jiray oo maanta ka tirsan gobolka Galgaduud ee Soomaaliya. In
kastoo ay luntay badi maansadiisii qoraal la’aanta iyo xilli-fogaanta awgeed,
tuducyo jarjaran oo laga hayo baa halbeeg ugu filan abuurta ninkaas iyo
baaxadda garaadkiisa iyo waliba culayska tixihiisa.
DAGAAL SOKEEYE IYO AADAN-DINIX:
Jifadii Aadan iyo Jifo ay dad isu xigeen baa collowday oo uu dhex maray
dagaal muddo dheer socday. Muddadii colaaddaasi socotay Aadan wuxuu u taagnaa
afhayeenka jifadisii, waana siduu ahaan jiray maansayahan kastaba. Haddaba Aadan oo galay sannad 80-aad oo timihu deeb ka caddaadeen,
dhabarkuna gotay, dhaqaaquna gaatin-socod yahay, dhegihiina cuslaadeen, jirkuna
haryuubmay, indhihiina arag gaabsheen oo tukubaya, socotana ahaa baa ku soo
baxay degmo dagtay dhawaan. Wuxuu jeedaaliyay geed dahara oo raggii degmadu ku
shirsan yahay. Xaggii geedka buu u daqaqamay. Markuu geedkii gaaray buu dareemay in degmadu tahay tii utuntu ka
dhexaysay oo aan is-bixini waayahaas dhex ool. Aadan wuxuu garwaaqsaday inuusan
cago meel ku gaarayn, sidaas awgeed waxay dani tiri inuu geedkii gees ka
fariisto. Ragga geedka gabran waxay u badnaayeen barbaar hanaqaadday intii
colaaddu jirtay oo maysan garanayn muuqaalkiisa, waxaase dhallaankuba ku
hadaaqayay magaciisa iyo gabayadiisii. Waxaa geedka wax ka fadhiyay nin waxgarad ahaa abbaanduulana u ahaa
jifadiisa waa Cali-Baso Ducaale Warfaa oo si wacan u garanayay Aadan-Dinix iyo
culayska garaad iyo dadnimo ee uu meesha la fadhiyo. Cali wuxuu ka codsaday
dhallintii la joogtay in odoga biyo iyo caano loo geeyo. Markii uu biyihii
cabbay, caanihiina dhamay baa Cali-Baso hadal bilaabay oo isagoo xiganaaya kaftan
hore looga soo wariyay Aadan-Dinix oo ahaa: haddii nala qabto ciddayadaan
sheegannaa, haddiise ilma adeeraday la qabto qolooyin kalay ku tawawacaan
baqdin darteed yiri: Aadanow maanta yaad sheegan lahayd? Aadan wuxuu la soo
booday: waxaan sheegan lahaa inaan ahay Aadan Xasan Kooshin Diini
(Aadan-Dinix). Dhallintii umalka colaaddu gubaayay oo ashqaraartay, filanna wayday
odaygii ugu weynaa cadawgoodu inuu iska fadhiyo geedkii ay waabteen, baa Si habi-la’aana u la soo hanfaday hootooyinkoodii, waxaasee hor-istaagay Cali-Baso oo yiri: ninkii awowgi dili lahayow, dil maanta Aadan-Dinix.
Cali-Baso tawaan buu u lahaa bixinta Aadan, wuxuuna foodinayay waxaysan
dhallintu foodinayn. Markay dhallintii hakatay baa la sooyaamay, waxaa la
dareemay in Aadan giddigood awowe u yahay, colaaddu reerka ay dhex taallana
sullankood yahay. Waxaa bilaabmay muusannow, qoomamo iyo calaacal. Xaaladdii
geedku markay xasishay baa Aadan laga codsaday inuu tiriyo tix tolka asaayuhu
dhex yaal ku heshiiyo. Aadan-Dinix oo garwaaqasanaa dhallinta gabran geedku inay tahay mid
caan ku ah kaftanka iyo ka-maadeynta golayaasha baa ka yar maagtay codsigaas,
asaagoo leh nin la qabtaan ahay waxaan maanta ku hadlaa waa taawo fulay oo
ididiiladiisu tahay ha lagu baxsho.
Haddii la dooc doociyay laguna celceliyay codsigii baa Aadan tiriyay
tix jabaqdeedu gabi walba ka yeedhay, waxaana ka mid ahaa meerisyadaan:
Nin toogtay nimay toogtiis qaddayiyo, nimay u toostaaba
Ninna looga ma turahayn, warmihii Riibi noo tumaye
Intii wiil dhashaa tabar galaa, taaha la hayaaye
Haddii aan tol ina kala qabtiyo, taamo gacal weynay
Isku tiinbannoo haddaan, tima-dhaw joognaaye
Laba toolin baa taagan, ari tubti abidkoode
Taabkii gadaan oon lay is la qaban, loo ma
taag helo e
Tusmadii maran waxaa ka la taga, bahalkii
taagnaaye
Dhul tarraray rag waa toli karaa, taako labadeede
May is tufnaa waa innagii, tiirriga ahayne?
Markuu tiriyay tixdaas gabayga ah baa dhallintii geedka gabranayd
qosol jagac la tiri iyagoo ku minqaxaaya; “ odagu waa baqay”, waa tii uu ka
dabeebanayaye, markiiba Aadan wuxuu la soo booday:
Inaan tawawacayiyo haddaad, taawo fule moodday
Nafta tacaddigeedaan arkiyo, agabli'day taale
Tubtu ilallaahi haddaan, toobad soo celine
Si kastaba ha ahaatee, tixdaas uu Aadan-Dinix tiriyay baa colaaddii
tolkii isku ibtiloobay ku dhammaatay.
Mar kale oo Aadan ka dareemay qolo la siman qoladiisa madaxtaag iyo
tookh buu tiriyay tix mudan in lagu xardho darbiyada sharafta kowaad ee
maansada S/liyeed, waxaana ka mid ahaa tuducyadaan:
Marka hore Turgi, turuqyo weyn maahi
Ha yeeshee haddii lay isu tago, lay ma tabar dhaamo
Culimmada tanbiihiga weynee, tahajudka maahi
Ha yeeshee kulaan salaad tukado, toobad ma illaawo
Gobannimo haddii loo tartamo, tiikso ma iraahdo
Ha yeeshee haddii la abtirsado, ku takoor maahi
Warmahayga inaan dhiig ka tiro, u ma tumaalaysan
Ha yeeshee nimaan ii tureyn, ka ma taxniigoodo
Mar kale oo Aadan uu u quus dhabayey qolo kale oo ifafaalo colaadeed
ka muuqday wuxuu tiriyay tix aan ka haynno meerisyadaan:
Dadka yaad dhoob u fisheen, keesa dhagaxa
Yaan dhiig hillaaciyo lahayn, dhibicyo soo daata
Kan dheer haddii la is la dhaco, yaan u dhimanaynin?
AADAN-DINIX IYO BAROORDIIQ:
Raacatada S/liyeed waxaa caado u noqday nin la dilay iyo nin loogu
aaro. Haddaba Aadan tixdaan wuxuu tiriyay mar la dilay rag xigtadiisa ka mid
ahaa oo siduu ku ahaa uu ku muujiyay maansadiisa:
Daarood Ismaaciil miyaa ku ballamay, inuu na kala boobo
Biciidyahan Ibraahim miyaa, waran bilawgii leh
Beeraha miyaa lagu jarjaray midaan, ku beer haadnay*1
Xaggana ma bakaar kalaa, baabah laga yeelay*2
Awal baan biciidyo ahaa, ina bah gooniyaade
Tonbaakh bunjiya kuma helin, badashaadii Diini……
…………………………………………………………………………………………………
Reer Khalaf burgoow waa innagii, baarranka ahayne
Wax dhan baan baarqabkiin qabannoo, bixin u siidaynnay
Inaad haadka noo baatushaan, waa abaal ba’aye
Wallee bilaash nooga baxe, labada buurbuuran
Ama kuwaan baroortood la dayn, Baqalyada u loognay
Markuu Aadan tiriyay tixdaas baroordiiqda ah baa jifadiisii duullaan bixisay oo waxaa la galay degmadii dakanaha qabtay. Waxaa la wariyay in degmadaas laga dilay rag badan, lo’ badanna laga soo qaaday, kadib Aadan wuxuu tiriyay gabay digasho ahaa:
Ama kuwaan baroortood la dayn, Baqalyada u loognay
Markuu Aadan tiriyay tixdaas baroordiiqda ah baa jifadiisii duullaan bixisay oo waxaa la galay degmadii dakanaha qabtay. Waxaa la wariyay in degmadaas laga dilay rag badan, lo’ badanna laga soo qaaday, kadib Aadan wuxuu tiriyay gabay digasho ahaa:
Halkii gulufku sookaha ku maray, Dhuqur ma seexdeene
Waa sidaan ahaa markaan sidsiday, Yuusuf iyo Nuure
Ku sawlaxa ragoow wiilkuu, waa saxalkiiye
……………………..
Warma suubanleeyey markay, godol siyaaxaysay
Asii geeseheedii sinnaa, samansabdha aad moodday
Maxammuud Saleebaan hadday, qaylo wada saabtay
Sacna idinkaan wadin asaan, nabad salaamoobin
Saan-dibeec haddaad uga tagteen, waa site hagaagay…….
Tixdaas oo la yiraahdo Sitaaley waxaa la wariyay inay ka badnayd 30
bayd, ha yeeshee in kooban baa laga hayaa.
Hakaaleey:
waxaa la wariyay inuu Aadan ogaaday jifadiisii oo ku tashatay inay
dhacdo qoysas laga itaal roonaa oo degmada Aadan la yiillay. Arrintaas gabyaagu waa ka gadooday oo si aada buu isugu dayay inuu hor-istaago, waase laga dhego-adaygay. markuu tabar kale waayay buu kaashaday dabeebihiisii wuxuuna yiri;
Lix hal oo hako ah oon arkay
Baan la hawo gaabsaday
Hako waa walaalo is-huray
Oon haybna wada sheegan
Oon loo harreemeyn
Ninkii yaraha heeshooba
Hako waa haleelada dhashay
Oo hiinsi laga waayay
Oon loo hambeyneyn
Ninkii bidixda haaneeday
Hakana waa wallaahida
Hirta iyo hibada loo yeeshay
Oo wiilka hooyadi ka go’in
Ku hillin naaskeeda
Hakoo waa arlada hoolantay
Oo haragga weydeed ah
Oon meel loo hiraadiyo
laheyn ……………… (ma dhamma)
Aadan-Dinix iyo Wiil uu Adeer u ahaa:
Maalin baa Aadan iyo wiil uu adeer u ahaa wada raaceen geeloodii. Maalintaas waxaa lugu guda jiray bil-soon. Haddaba wiilkii baa wuxuu adeerki u
soo xigay hal oo caanihii u keenay. Aadan wuxuu wiilkii u sheegay inuu soomman
yahay. Wiilkii oo malaha aan wax wara ka heyn soon wuxuu yahay, baa yiri; adeeroow
soon muxuu yahay? Wuxuu Aadan wiilkii u sheegay in soonku yahay tiir ka mid ah
diinta islaanka. Wiilkii wuxuu haddana yiri; adeeroow maxaa laga helaa soonka?
wuxuu kolkaas Aadan yiri; jannadaa lagu galaa. Wiiklii baa su’aal ku ceshay oo
yiri; adeeroow maxaa jannada laga helaa? Markaasaa Aadan ku yiri, waxaa laga
helaa caano iyo biyo qabow ( malaha waa siduu ku fahamsiin karay)
Wiilkii baa su’aal kale ku ceshoo, wuxuu yiri; adeeroow caanaha
jannadu, miyay ka macaan yihiin caanaha hasheenna Qadow?
Aadan kolkaasuu tiriyay tix ay intaani naga soo gaadhay:
Qiso nimaan laheyn Faaraxow, qawlki baa ba’aye
Qurqurada macaan caanaha, kula qaboobaaday
Naftu quudka waa jeceshahay, waa la qoonsadaye
Qadadii bil-soon la cunay, qoomamaa xigiye
Qaddarullaahi maantay dhacdoo, la is qabriyo iilka
Waa la isu soo qubi naflihii, kala qarsoonaaye
Waa la qaawan yahay oon wax baa, la isku qabaneyne
Qorraxdaa la soo dhigahayaa, qaanso boqonkeede
Dhididkii ka soo qubanayaa, qariyay uunkiiye
Qarannimo ma joogtiyo, anaa qolo leh maantaase
Qaaddirow jannada ha iga qadin, kuu ma qiil dhigane
Aadan tixihiisu
waxay u badnaayen dabeebo ku dhisnaa caqliyayn, tix kasta oo uu tiriyayna waxaa
laga dareemayaa garaad ifaaya. Inuu ahaa
sama-doone u dooda wanaaggana waxaa laga garan karaa tuducyadaan ka mid ah
gabay uu tiriyay Faarax Xasan-Dhiillo Cali (Afcad):
Ina Karaar sow ka ma duddayn, Doh iyo Laasoole
Wuxuu sii durkaba Reer Warsame, sow Heema ka ma daadan
Docmo sow ma tagin Aadan-Dinix, wuxuu dabeeb-taaba
Aniguna dabbaashii bartoo, doontu ii xirane
Dafo sow ma cunin heemiskii, la isku daba joogay?
Dafo sow ma cunin heemiskii, la isku daba joogay?
*2- Ragga la jaray waa toddobo nin oo isku jifo hoose ahaa oo si xul ah loo dilay, waxaana ka mid ahaa Nuur-Xaad Cabdille Xasan iyo Yuusuf-Orod-dheer Cabdille Xasan
No comments:
Post a Comment