Wednesday, October 30, 2013

SHIN (Shen)

SHIN (Shen)

Kartuuje
Shin
Af Soomaali:
1-     Xilliga ama goorta aan kala dhimmanayn ee ahaantoodu sugnaatay.
2-     Sidka uurleyda ee ebyada intii abuurriin ahaan loogu tala galay. Waxaa la yiraahdaa ilmihii dhashay ma dhammaysan shinkiisii ama bilihiisii. Sidaas darteed, shinku asal ahaan waa wixii dhammays ah oo aan kala dhimmanayn ama aan si qumman oo ebyoon u qaabaysnayn.

Dhulkii Fircoonnada (Kemet):
Masaaridii hore uma aysan arag uunku inuu yahay waxyaalo la isku kabay oo sidaas ku ahaaday uun ama adduun, waxayse u arkeen adduunku inuu ka soo jeedo walax qaybsamay, walaxaas oo markii hore ahaa wax si aada u midaysan ama isugu cufnaa. Waxay qabeen in waxyaalaha jira oo dhan ay ka yimaadeen hal wax, markii dambana wax kastaba wuxuu dhalay waxyaalo kale, sidaasna waxaa ku ahaaday sii-qeybsankii waxyaalaha. Tusaale ahaan, waxay rumaysnaayeen in mugdiga uu dhalay iftiinku, dhulkuna dhalay cirarka. Marka lagu eego aragtidaas waayaheedu aadka u fog yihiin aragtiyada cusub, waxaan arkaynnaa in fikirkii Reer Kemet ahaa, isla fikirka maanta la qabo ee ah; Bugtii Weynayd (Big Bang). Bugta Weyn oo ah aragti aan da’ weynayn waxaa lagu rumaysan yahay in uunku markiisii hore ahaa hal walax oo aad iyo aad isugu cufnaa, kadibna uu dhacay qarax baaxaddiisu aad iyo aad u weynayd, markaas kadibna wax walba oo maanta uunka jiraa ka samaysmeen firirkii Bugtii Weynayd. Haddaba sheekaada abuurriinka ee dadkii Kemet waxay ka bilaabataa ahaade aad u baaxad weyn, kaasoo isku soo koobay in le’eg mugga aadanaha.  Arrinku wuxuu la mid yahay ma-dhammaatada (infinity) casriga ah, taasoo ah in xubinta wax walba ugu weyn aan lagu jimayn karayn tiro, weynaanta tahan dhaafka awgeed.
Farta summadleyda (The hieroglyph) xubinta wax walba ugu weyn waxay ahayd “Shen- Ring” ama Garangarta Shinka, taasoo meelo ka mid ah qoraalladii Xabaal-Magguureedka (Pyramid) lagu tilmaamay qaab wareegsan oo laga sameeyay xarig si laba laaban loo galoolay oo afafka la isku xiray, kadibna sameeyay diillin toos u jiidan oo ku xiran goobaabadii ama xariggii la galoolay. Macnuhu wuxuu ka soo jeedaa dhammaan inta qorraxdu goobaabto ama xayndaabto. 

Qormadii ugu horreysay waxaa lagu arkay dhari khamriga lagu shuban jiray oo ku beegan waayihii Boqortooyadii Bilawga  oo ku aaddan 3,100 MH. Laga soo bilaabo waayihii Boqortooyadii Afraad ee xilligii Boqor Sino-fure (Sneferu (2575tii ilaa 2575tii), waxaa qoraallada loo adeegsaday garangar la kala jiiday ama la dheereeyay oo loogu yeero Kartuuje “cartouche”. Waxaa loogu tala galay garangartaas la dhuubay in lagu xardho magaca boqorka, mar dambana waxaa loo adeegsaday ku-xardhidda labo ka mid ahaa magacyadii shanta ahaa ee boqorka. Mid ka mid ahaa labadaas magac waxaa dhaqan ahayd in lala xiriiriyo Eebbe qorraxeedkii Re.
Garangartaan ku meersan magaca waxay muujinaysay in boqorku yahay tusaale-qorraxeed nool isla markaasna uu maamulo dhammaan inta qorraxdu ku meersan tahay oo macnuhu yahay wixii jiroo dhan.
Waxay kaloo loola jeeday Garangarta Shinka ahi inay ka dhawrto magaca boqortooyada iyo boqorka laf ahaantiisaba mugdiga iyo qaska ma-jirayaasha ka baxsan goobaabinta qorraxda. Arrinkaani wuxuu ka dhigan yahay sida waayahan loo rumaysan yahay in noloshu kaliya ka jirto gudaha meel xayndaaban sida maqaarka ama darbiga unugga, kaas oo nolol-laha unugga ka ilaaliya waxyeellada dibadda ka imaan karta. 
Ilaalin-faleedkaan duugga ahi si wacan bay u shaqaysay, waayo waxay dhawrtay magacyadii markii horaba loogu tala galay inay dhawrto. Waxaa goobaabooyinka la yiraahdo Kartuuje lagu arkay qeyb kasta oo ka mid ah dhagaxa qormooyinka ee la yiraahdo “Rosetta Stone”  waana taas midda u fududaysay wax-baarayaashii kala ahaa Åkerblad (1802dii) ee Reer
Iswiidhan, Thomas Young (1814tii) ee Ingiriiska ahaa, iyo aqoon-yahankii Jean François Champollion (1822dii) ee Faransiiska ahaa, inay helaan furayaashii far-astaameedkii caanka noqday. Waxay arrintaan dambe horseedday in la garto falalkii fircoonnada iyo waxyaalihii jiray waayahoodii. 

Marmar, marka uu ducaynaayo qof waayeel ah oo Soomaali ah, waxaa erayadiisa ka mid ah; Balo ka xayndaaban, haddii ducadaas lagu muujiyo sawirna, waxay noqonaysaa in wixii loo ducaynaayay goobo la dhex geliyo. Sidoo kale, erayada xero, sarsar iyo xayndaab waxay muujinayaan isla ujeeddadii Reer Kemet waayo hore ka tageen.

No comments:

Post a Comment