Tuesday, October 1, 2013

Xiddig-Yahow (hees)

Xiddig-yahow adoo waa
Xeryosamo ku nool baan
Isku xiiso bururnoo
Xaqiiq isu jeclaannee
Xiskeennii is rabay baa
Xaggaygiyo xagaagaba
Xasiliyay kalgacalkee
Dadka xumo-tashiilkii
Xanta yaysan kaa helin

Waxaad xero ku leedahay
Wadnahayga kuu xalanoo
Waan kugu xamdinayaa

Xiddig-yahow xarragadiyo
Xeel-dheeri garashadii
Dadku kugu xushmeeyaad
Xulkaygii ku noqotee
Ragannimo la soo xulay
Oo aan xisaab layn
Adaa lagugu xoojee
Ku xurmeeyay sidii waalid
Ku Xafiday sidii ubad

Waxaad xero ku leedahay 
Wadnahayga kugu xiranoo
Waan kugu xamdinayaa

Dhulkan xareed xarfanaysiyo

Cirkan fadad ku xeeran 
Xilli barwaaqo dayaxii
Nuurkiisu igu xiray
Adaa qurux xiriir la leh oo
Dal xilli-tiriyadii xalay
Kaa waaya meel xune
Xiisahaagu igu beeran
Xusuustaadu igu badan

Waxaad xero ku leedahay
Wadnahayga kuu xalanoo 
Waan kug xamdinayaa

No comments:

Post a Comment