Wednesday, October 2, 2013

Goor Maynnu Derisnaa (hees)

Wiilka:
Sida damal barwaaqa
Webi dacalka kaga yaal
Oo ay dushii sare
Daruuruhu hareeyeen
Dayuxuna dhankaa bari
Kaaha uga soo diray
Dooggiyo caleentuna
Ka dadeen hareeraha
Oo aan dabayshiyo
Duufaan u soo gelin
Dugsigiyo gabboodkuna
Hoostoodii dadan tahay

Waad i deeqday anigoo
Dumar kaa jeclaystee
Goor maynnu derisnaa?

Gabadha:
Doqon baa ammaan iyo
Faan kuugu darartee
Da'day kama qab weyniye
Dadka hayga saarine
Adoon duurka soo xulin
Waxaad uga dan leedahay
Da'daaduba ha maqashee
Dildillaaci hadalkoo
Halkay doog ku leedahay
Maxaa heedhe kuu daran
Goor maan dab kugu shiday
Dabayluhu ku qaad qaadeen?

Hay daalin adiguna
Anigoon wax kuu diran
Dawo kuu ma noqonine

Wiilka:
Dadka kaa ma saarine
Waan kuu dan sheegtee
Iga daacad weeyee
Deel-qaaf ha moodine
Dirirkoo hillaaciyo
Sida hogal da'aysaa
Duhurkiyo hameynkii
Lay kaa dul keenaa
Lama dago jecaylkiyo
Doorkiisa caashaqa
Ha damqine ka daayoo
Aan is daadahaynnee

Waad i deeqday anigoo
Dumar kaa jeclaystee
Goor maynnu derisnaa?

Gabadha:

Allaylehe daleel iyo
Dibad baad ordaysaa
Dibindaabyo iyo hawl
Ha ku doonan lugahee
Adoo duud shareer liyo
Deggan dooxo iyo rays
Damac yuu ku qaadine
Waad dinniigsan doontaa
Imminkaba is dabo qabo
Deyr ha iska sii ridin
Dabna ha isku sii shidin
Yuu ku dilin jecaylkuye!

Hay daalin adiguna
Anigoon wax kuu diran
Dawo kuu ma noqonine




No comments:

Post a Comment