DUMISTII SOOMAALIYAA MAXAA LOOGU DAWGALAY?
Sidaan
marar hore u xusnay waxay ummadda S/liyeed ka soo jeeddaa bahweynta kuush oo
dhawr kun oo sano kahor u unuktay dunidaan waxyaabo badan oo ay maanta dheefsato. Waxaa ka mida birta
oo lafdhabar u ah sancada horreysa ee dunida maanta iyo farshaxanka sida;
dhagax-qorista ama tan qoriga. Waxaa reer kuush weerarro ku hayay uumankii kale oo u
hanqal taagayay barwaaqadii ay heysteen. Markii
la jabiyeyna waxay u kale qaxeen goonyaha dunida oo u kale firdheen. Si loo
ugaarsado oo awooddada loo sii wiiqana waxaa lagu sooci jiray astaamihii gaarka
u ahaa sida, bir-aqoonta iyo farshaxannimada. Sidaas awgeed waxay ka fogaadeen
barihii magaalooyinka waxayna qaayibeen xoolo dhaqasho. Waa sababtaas tan
keentay baa la filayaa inay maanta dadka reer kuush badi yihiin raacato. Sidaas
oo ay tahay waxaa tirmi waayay farsamooyinkii ay yaqaanneen qaarkood sida;
bir-aqoonta, kabo-tolista iyo wax-xararka.
Xoogaggii
colka ku ahaa reer kuush waxay keeneen aragti kale oo sii wiiqaysa maskaxdii
halabuuri jirtay, waana in la yaso dadka farsama yaqaanka ah. Sidaas baa waxaa
ku hirgalay dhaqan foolxun oo lagu la dagaallamayo waxyaqaankii saldhigga u ahaa
horumarka iyo ilbaxnimada. waxaana
wali ka sii jira S/liya dhaqankaas oo sii heeraya waxtarkeedii.
Waxaa
kale oo ka dhex bilawday S/liya hawlo ka dhan ah waxgaradkii u taagnaa toosinta
ummadda. Waxaa falalkaasi bilaabmeen waayihii uu gumeystuhu ku habsaday
dhulalkii S/liyeed. Gumeystuhu wuxuu watay hannaan uu la yimid oo uu ku
sandulleynayay dadka. Dhanka uu ka cabsi qabay mar walbana wuxuu ahaa
halyaqaanki S/liyeed ee awoodi lahaa in dhaayaha dadka loo furo, laguna hago
dh/dhaqaaq kadhan ah hannaanadii doolka ahaa. Si ayna taasi u dhicinna wuxuu
gumeystuhu qaaday olole af iyo addina oo uu kale dagaalamayay waxyaqaankii
S/liyeed. Wuxuuna bixiyay magacyo uu ku magac dilayo waxgaradkii. Waxaa tusaale
noqon kara “MAD MULLAH” ama “Wadaadkii Waallaa” oo uu u baxshay Ingriisku
halyeygii weynaa, abwaankii, Sayid Maxammad Cabdulle Xasan.
Waxaa
xigtay marxalad kale oo bilaabantay xilliyadii maamullada iyo ururradii
siyaasadeed dalka ka jireen. Hannaanadii siyaasadeed ee maxalliga ahaa waxay ku
socdeen tubtii iyo tabtii dawladihii galbeedka Yurub ama waabka bariga Yurub.
Hababkaas dalka lagu waday waxay ku dhisnaayeen qaabab uu ku qalooday shacabka S/liyeed,
kumana lahayn cod yeelis ama diidmo ah.
Waxaa
lagu sandulleeyay dadka S/liyeed waxayna sinji iyo sawrac midna u lahayn. Waxaa
loogu daray loona abaabulay inay raacaan wax aysan nuxurkooda aqoon. Waxaa lagu
dhex waday in la tinguro ay-yaqaankii kala garan lahaa habboonaha iyo
ma-habboonaha. Waxaa lagu dhex waday in la magac dilo abyaqaankii garan ogaa
danta dadka iyo dalka. Waxaa lagu
dhex waday cabburinta cod kasta oo ka duwanaa kan maamulka ama madaxda sare. Waxa
kaliya ee laga rabay dadka waxay ahayd taageero aan weyddiin lahayn. Waxaa lagu
dirqiyay shacabka S/liyeed inuu madiiddin u noqdo danta ama damaca hal qof amase koox yar.
Waxay siyaasadihii jiray dhex galeen hab-dhaqameedyadii guunka ahaa ee
qolooyinka S/liyeed ee kale dambeynta soo-jireenka lahaa, waxaana loo rogay ururro
ku loollama siyaasado aysan hidde u laheyn. Oday dhaqameedkii xulkiisa tolku
muddo ka baarandagi jiray oo garaadkiisa la dhudhumin jiray, waxaa lagu xulay
sida uu u taageersan yahay hoggaanka siyaasadeed ee markaas jira ama taageerada ay ka rabaan kooxo dano gaara leh. Sidaas waxaa ku
hirgalay afgambi gun iyo baara oo ku dhacay hab-dhaqameedyadii sooyaalka ahaa.
Sidaas waxaa ku qarsoomay codkii waxgaradka, sidaasna waxay ku noqotay bulshada
S/liyeed midaan lahayn garaad wax toosin kara,
meel walbana waxaa is qotomiyay qataarro loogu dawgalay danta guud iyo
tan gaar ahaaneedba.
Haddii
markab gaambinaya badweynta, uu ka xumaado Jiheeyuhu “Compass”, wuxuu ku habaabaa badaha, hadduu iska socdana
waxaa dhammaada shidaalkii, wuxuuna noqdaa mid wakiya oo mawjaduhu hadba dhan u
waldaamiyaan. Waxaa sidaas u ekaatay ummadda S/liyeed markii uu ka lumay
garaadkii hagi jiray oo kale hagaajin jiray.
Sidaas
darteed, waxaa Soomaaliya dumiyay la-dagaallankii waxgaradka ee sida habeysan
loo burburinayay muddada dheer. Waxaa
burburiyay ku-biimeyntii ummadda hadba ayjad aan la hubin waxtarkeeda ama wax-dhimaalkeeda.
Miriqshaanleyntaasi waxay kentay in shacabka S/liyeed galo jaahwareer la kale
sooci waayo xumaha iyo samaha. Jaahwareer la kale sooci waayo qummanaha iyo
qaldanaha. Waxaa lumay xeer kasta oo ay ummaddu wax ku beegi jirtay. Waxaa
lumay tixgelin kasta oo la siin jiray samawadaheeda.
Wuxuu
eebbaha weyni marar badan noo sheegay in dadka intiisa badan aysan aheyn
waxgarad, wuxuuna ku toosiyay eebbuhu hadalkiisa dadka intiisa waxyaqaanka ah
(ulil albaab) ama basiirada leh.
Sidaas
waxaan ku garan karnaa in haddii dadka laga dhex waayo waxgaradkiisa, aysan
jirin doonin cid laga la hadlo. Ummad laga waayay cid laga la hadlo , waa sidii
waxaan jirin, waana sidii axad nool oo aan madax ku ool!
No comments:
Post a Comment