GEDO IYO SANAAG WAA LABO GOBOL OO S/LIYEED OO KALA GEESA OO ISU
GEDO DHAW
Labada
gobol ee Gedo iyo Sanaag waxay ka mid ahaayeen 3dii gobol oo S/liya ugu waaweynaa.
Waxaa labadooduba eebbe ku mannaystay dagallo dabeecado kala jaada leh oo wada
carrasan ah. Kan hore wuxuu dhacaa koonfta galbeed ee dalka, kan dambana wuxuu
dhacaa waqooyiga bari ee isla dalka. Labadaas
gobol oo la oran karo waa kuwa ugu billicsan S/liya waxaa ka mida dhalannadooda
kala jaadka ah:
GEDO:
1-Gawraar: waa dhul kaymo leh oo meesiyada S/lidu raacato ku dhaqmi og yihiin
2-Diirhara: dhul ciid cas oo raamo leh amase cammuud. Dhulkaan waa dhul hawd ah oo xoola dhaqatadu ammaanto, wuxuuna door weyn u leeyahay geela oo Gedo si weyn looga dhaqdo loogana tixgeliyo.
3-Shaway: Bannaano iyo buuro gaagaaban oo arigu ku
dhaqmi og yahay
4-Adabla' ;
Darar/Saro; waa dhul leh buuro waaweyn oo
qaarkood leeyahay dul fidsan oo la dagi karo oo loogu yeero Dullo. Dhulkaani
waa mid bilicsan oo haddii la hormariyo ku habboonaan kara dalxiiska, oo dunida
maanta noqon kara il dhaqaale oo wacan.
5-Daawo:
waa dhul leh geed hoosaad iyo kaymo goosgoos ah, waxaana si wacan ugu dhaqmi
kara xoolaha nugulka ah, wuxuuna noqon karaa dhul beereed.
6-Garbo:
waa dhul dooxooyin ah oo biyo leh, wuxuuna ku wacan yahay Ariga iyo beeraha.
7-Gogol:
waa dhul fidsan oo biyuhu ku soo aruuraan, kuna wanaagsan beerashada.
8-Gubbo:
waa dhul risku ku badan yahay oo Idihu si wanaagsan ugu dhaqmi karaan.
9-Farcaddo:
waa dhul cadduun didib ah leh
SANAAG
1-Sool:
waa dhul oommane ah oo meesiyada la raacdo ku dhaqmi karaan.
2-Xadeed:
waa dhul bannaano ah oo risku ku badan
yahay, waana dhul idiha si xooggan loogu dhaqo.
3-Dhagax-labagood:
waa dhul dooxooyin iyo buuro goosgoos ah leh, wuxuuna ku wacnaan karaa duunyada
iyo dalagyadaba.
4-Gebi:
Dhulkaani waa mid wacdaro gooniya leh, waa dhul boholo aad iyo aad u waaweyn
leh oo haddii aad gasho maalmo ku socon karto. Boholakani waxay leeyihiin biyo
durdur ah, waxaana la yaab leh in inta hoos loogu dhaadhaco hogaggaan la degi
karo, iyadoon dadka dusha sare marayaa ku arki karin. Sow ma noqon karo dhul ku
wanaagsan in mararka colaadaha iyo musiibooyinka kalaba ay jiraan laga dhigto
gabbaad?
5-Booxaar:waa
dhul guuyadu ku dhaqanto.
6-
Bocaado: waa dhul biyo leh oo tayo wacan leh oo beer iyo duunyo dhaqashaba ku
habboon.
6-Buur:
dhulka buuralayda ee Sanaag waa dhul bilicsan oo indhadaraandar leh, waxaana ka
mida buurta Daalo iyo fiiqa ugu dheer Soomaaliya oo idil waa Suurad e.
Buurahaasi
waxay leeyihiin dabeecad-dhuleedyo kale geddisan, waxaan ka mida magacyada loo
yaqan; Macag iyo Madar oo ah meelo biyuhu ku soo hoobtaan, Aaroor, Cayow iyo
Raacin.
Dhulka
Sanaag waa dhul taariikhiya oo tolka degaa uu si wanaagsan uga muuqday taariikhda s/liya. Wuxuu tolkaas ugu badan
degaankaas leeyahay taariikh isimeedka ugu dheer tolalka S/liyeed (sidaan u
maqallay). Waxaa ka taliyay ilaa iyo afar iyo labaatan isin, oo uu ugu
horreeyay Xasan Dhiidhiin, uguna dambeeyay isinka maanta ka taliya oo ah
Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Max’uud.
Waxaa
ugu caansan isimaddaas Suldaan Max’d Cali Shire Cawl oo la yiri gumeystihii
Ingriisku wuxuu u soo jeediyey inuu noqdo Suldaanka guud ee gobollada Waqooyiga
S/liya. Waxaa kaloo dhulkaas mar ka soo baxay nin hal adag oo horjooge ka
noqday qolo ka mida tolka Warsangaliga oo la oran jiray Dhahar oo nin alle
caasiya oo malaha haladeygga ninkaasi ka yaabiyay yiri:(wixii Dhahar yiri; allaa
yiri).
Sidoo
kale gobolka Gedo oo inta badan uu dego tolka Sade Daarood, waxaa uu taliyay
isimo magac ku leh hab beeleedyada S/liya, oo uu ka mid ahaa uguna caansanaa ugaas Xirsi ugaas Max’d oo waayihii dawladdii Talyaanigu dalka S/liya ka
arriminaysay ku koolkoolisay ugaaska ugaasyada, waxaana ilaa maanta jira
madallo dalka Talyaaniga ah oo ugaaskaas sawirkiisu suran yahay. Gedana ma Dhahar la’ayn!
No comments:
Post a Comment