WAAYIHII SOOMAALIYA/
BARAAWE
Baraawe waa magaalo guun ah oo ku taal dhul
xeebeedka koonfureed ee Soomaaliya. Magaaladu waxay ahaan jirtay magaalo
horumarsan oo barwaaqaysan iyo xarun door ah oo ka mid ah xarumihii waaweynaa
ee Geeska Afrika. Waxay dad badan qabaan inay u ahaan jirtay geyiga oo dhan
xarun ganacsi waxayna si weyn ugu tiirsanaan jirtay dalagyada beeraha iyo
kalluumaysiga.
Socotadii Shiinaha iyo waayahannaba waxay
dhigeen qoraallo kooban oo ku saabsan magaalooyinkii xeebaha Koonfurta Soomaaliya sida
Cadale, Baraawe, Kismaayo, Marka, iyo Muqdishow. Waxay waayahannadu isku
raacsan yihiin in laga soo bilaabo sannadkii 1400 M.D/A.D ay raxan maraakiib
ahi imaan jirtay marsooyinka koonfureed ee Soomaaliya Sida Baraawe.
Sida laga soo xigtay socotadii Shiinaha
waxaa magaalada dhinac walba uga wareegsanaan jiray xayndaab. Waxay kaloo
sheegeen in guryaha dhismahooda loo adeegsan jiray dhagax iyo laban. Safarradii
Shiinuhu waxay keeni jireen badeecooyin sida; dharka xariirta ah, agabka
cunnada, bariis, iyo jaadad kale duwan oo dhar ah. Waxay safarradaasi la
noqon jireen badeecooyin macaash badan lahaa sida; haragga shabeelka, haragga libaaxa, foolka
maroodiga, xabko iyo hu’ ka samaysan maqaarka duurjoogta.
In kasta oo aan si fiican loo hubin
yagleeliddii Magaalada Baraawe haddana waxaa lagu hayaa taariikh-afeedka in
markii ugu horreysay uu degay meeshay hadda magaaladu tahay nin la oran
Aw-Cali iyo qoyskiisii oo ka soo guuray dhulka miyiga ah. Aw-Cali wuxuu degay meel kayn ah oo u
dhexaysay dhulka carro guduudda iyo deexda.
Horraantii sannadkii 900 M.D/A.D kahor
intuusan Aw-Cali degaanka samaysan wuxuu sahamiyay dhul ballaaran oo u
dhexeeyay Goobweyn iyo Baraawe. Aw-Cali
wuxuu goobaayay dhul ku habboon degaanka reerkiisa. Wuxuu la dhacay neecawda
macaan ee xeebta Baraawe, wuxuuna isla markiiba hawlgeliyay xigtadiisii.
Sidaas baa Aw-Cali ku geedqaaday degalkii noqday markii dambe magaalada
Baraawe. Waxaa kaloo taariikh-afeedka lagu xusaa in kahor yagleeliddi Aw-Cali
ee Baraawe uu Tolka Tunnida ah oo Aw-Cali ka soo jeeday degganaa dhulalka
miyiga ah ee ku dhaw Baraawe. markii Aw-Cali qummaati u degay Baraawe
waxaa ku biiray degmadii kooxo kale oo Tunni ah kuwaas oo ka soo guuray
dhulalka miyiga iyo xeebaha.
Qolo kale oo la oran jiray Gaala
Warday oo uu u talin jiray boqorkii Baraawit ayaa ahayd kooxdii labaad oo ku
soo guurta Baraawe. Waayahanno badan baa rumaysan in magaca Baraawe ka soo
jeedo magacii boqorkaas. Labadii qolo
ee Tunni iyo Gaala Warday waxay wada galeen heshiin meelmar ahaa ilaa 300
sano.
Inkastoo si weyn loo rumaysan yahay in
kooxdii ugu horreysa ee degta Baraawe ay ahayd Tunnida haddana waxaa kaloo la
rumaysan yahay in iyaga laftoodu markii hore ka soo hayaameen Adari (Harar)
kuna soo furteen Qaraw oo u dhawayd Wabiga Ganaane. Waagaasi wuxuu ku beegan
yahay abbaaraha 891 M.D (Masiixiga Dabadi). Intaysan ku furin Baraawe waxay
degeen meel la yiraahdo Kooyaama oo Kismaayo u dhaw. Waxay isla markiiba bilaabeen geeddigii
dhanka Baraawe, waxaase waayahannada qaar leeyihiin; Tunnidu waxay aagga
degganaayeen kahor sannadkii 800 M.D. Kahor geeddigoodii dhanka Baraawe waxay
ku hakadeen meel lagu magacaabo Jaamboo waxayna u kale jabeen labo kooxood. Kooxdii
kowaad oo ka koobnayd jifooyinka Goygaal iyo Daktira waxay goosatay inay
dhinac qaaddo badweynta Hindiga. Kooxdii labaad oo ka koobnayd jifooyinka
Daafarad, Werile, iyo Hajuwa waxay go’aansadeen dhabbayaasha dhulalka gudaha
ah.
Kadib markii ay ku wada noolaayeen
xasillooni muddo 300 oo sano ah, labadii qolo ee Gaala Warday iyo Tunnida wax
ka dhex bilaabmay dagaallo, waxayna dagaalladaasi socdeen muddo dheer. Mar
dambe ayaa labadii qolo waxay heshiis ku gaareen Jumbo oo hadda Goobweyn ah. Waxaa
la isku afgartay in Tunnidu degto dhanka galbeed ee wabiga, Gaala Wardayduna
degto dhankiisa bari. Labadaas aag waxaa la oran jiray Diillin Tunniyeed iyo
Diillin Gaaleed. Waxaa kaloo dhulka loo sii kala qeybiyay seddex aag; aagga
Gaala Warday, aagga Tunni iyo aagga aan la kala lahayn oo loo daayay
daaqsatada. Sidaas baana degaanku u habaysnaa ilaa la soo gaaray xilligii
gumeystayaasha.
Sida uu qabo Gerullo oo dhawr buug ka qoray taariikhda dhulka Banaadir,
Tunnidu waxay ahayd dadka ugu badan aagga.
Horraantii 1281 M.D ayaa qoloda Biidda
doonyo uga soo hayaantay Jasiiradda Carabta oo degtay Baraawe. Labadii qolo
ee Tunnida iyo Gaala Wardaydu way soo dhaweeyeen. Si bulshada cusub isu
afgarato waxay wada meelmariyeen afka la yiraahdo Chimbalasi oo erayadiisu ka
kooban yihiin lahjadaha Tunnida, lahjadda Maay, iyo Maxaa. Wuxuu afkaani ku
dhaw yahay afka Sawaaxiliga ee looga hadlo meelo bariga Afrika ah.
Biiddada waxaa ku xigay qolada Xaatimi oo
iskeentay 1481 M.D. waxay qolodaan dambe ka soo hayaantay Yeman. Waxay Xaatimigu markii hore u jeedeen Andulus oo ku tiil Isbayn, waxaana ka dhashay
shiikhii caanka ahaa Sheik Muhidiin
Bin Arabi Tai iyo Mohamed
Bin Sa'eed Bin Muslim oo wiilkii Muxyadiin ahaa.
Sannadkii 1506 M.D ayaa ciidan dhan 1000
nin oo Bortuqiis ah duullaan ku soo qaadeen Baraawe iyagoo rabay inay
qabsadaan magaalada. Dadkii degaanku waxay si adag u difaaceen
magaaladii wuxuuna dagaalku socday seddex maalmood. In kastoo Bortuqiisku ku
dagaallamaayay hub cusub haddana reer gurigii dhulku isago ku dagaallamaya
mindiyo, fallaaro, iyo waraf buu iska caabbiyay nacabkii soo tallaabay. Waxaa
la rumaysan yahay in reer gurigii dalka dagaalkaas uga dhimatay ilaa 1500 oo
nin. Ciidammadii Bortuqiisku waxaa la wariyay inay haweenkii degaanka ku sameeyeen kufsi baaxad leh.
Sannadkii 1673 M.D ayaa koox kale oo la
yiraahdo Asharaaf ka soo guurtay Muqdishow degtayna Baraawe. Waxaa kaloo
jiray qolo la yiraahdo Omar Baa
Omar oo iyana ka soo hayaantay Yeman oo soo degtay magaalada. Waxaa
soo raacay qolooyinka aan xusnay oo iyana aagga wax ka deganaa qolooyin
Baantuu ah oo isla sidii wali Wabiga Shabeelle jiinkiisa ugu sugan.
Qolooyinkii Xaatimi iyo Biidda waxay ku
bahoobeen magaca Labada Tol, waxayna la sii bahoobeen Tunnida. Waxay Tunnidii
iyo Laba Tol wada samaysteen isbahaysi xooggan ilaa ay si weyn u xidideen. Biiddadu
waxay isku jaal noqdeen Jifada Goygaal ee Tunnida, Xaatimiguna Jifada Daktira.
Waxaa halkaan ku mudan in lagu xuso inaysan
Baraawe ahayn meel hal qolo deggan tahay, balse waa magaalo ay degeen dadyow
meelo kala duwan ka yimid, kadibna samaystay Afka/Lahjadda Jimbalaasi
(Chimbalazi), waxayna isu yaqaannaan Waatuu Wa Miini ama Dadkii Baraawe oo
qeyb waxtara ka ah Qaranka Soomaaliyeed.
Sannadkii 1873dii, Baraawe waxay hoostimid taladii Sultan Barqash Bin Said. Waxaa
suurtogeliyay arrinkaan odoyaashii degaanka oo oggolaaday taladii Barqash. Suldaan
Barqash wuxuu u magacaabay guddoomiyaha Gobolka Sansibaar nin wadaad ahaa oo
reer Baraawe ahaa oo la oran jiray Sheik
Mohidin Bin Sheik Abdullah.
Sannadkii 1874tii ayaa Khidwiyin/kii
Masar qabsaday Baraawe iyadoon dhiig ku daadan, hase yeeshee,
waxaa xukunkiisii magaaladu ku ekaa seddex bilood iyo toban maalmood. Waxaa qabsashadaan
gadaal ka riixaayay Ingiriiska oo doonaayay inuu joojiyo ka-ganacsiga
addoonta ee Barqasha oo ka jirtay Bariga Afrika. Waqti ku beegan Ciid-Al-Adxaa
ayaa barqash dib ula wareegay magaaladii kadib markii Khidwiyin banneeyay.
Sannadkii 1893dii ayaa Baraawe waxaa la wareegay Dawladdii Talyaaniga kadib wadahadal jiitamay oo dhexmaray Duqowdii Banaadir,
Suldaankii Sansibaar iyo Talyaaniga. Isla sannadkaas baa Sheik Faqi Bin Haaji Awisa Hassan
Al-Dacfaradi aaday Sansibaar, wuxuuna soo saxiixay heshiiskii
Talyaanigu kula wareegi lahaa degaanka Baraawe. Duqowdii degaankii Banaadir
oo oggolaaday in Talyaanigu la wareego talada dhulkooda, iyagoo xeerinaayay awoodda ciidan ee Talyaaniga oo haddii la isku taago keeni kartay khasaare ballaaran oo naf iyo maal ah.
Baraawe waxay saldhig u ahaan jirtay
waxbarashada diinta islaamka, waxaana wadaaddo sare noqday arday ka soo
aflaxday dugsiyadeeda sida; Sheik
Aweys Al-Qadiri, Sheik
Nuurani Bin-Ahmed Sabir, Sheik Kassim Al-Barawa, Sheik Hajji Sadiq,Sheik
Moalin Nur Hajji Abdulkadir, Sharif Mubiidi, Akhwaan Cabdow Munye, Sheik
Omar Hiraale, Sheik Mohamed Gaduudow.
Waxay kaloo Baraawe ka soo jeeday labadii
halgame ee kala ahaa Abduikadir
Sheik Saqawadiin iyo Mohamed
Osman Baarbe. Waxay raggaasi ka mid ahaayeen 15kii xubnood ee gundhigay Ururkii horseeday Madaxbannaanida Soomaaliya.
Xigasho: Mohamed Kalif Babou
The Modern History of
SomaliLand by I.M. Lewis
The Shaping of Somalia by Lee V Cassanelli
The Story of Somalia by Shariif Aydrus
|
Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hir doog laa lagu socdaa, hoggaankuna waa cilmiga, naftaada lama hagrado, qeyrkaa ka har waa habaar...(War Helaa, Talo Hela)
Friday, May 4, 2012
WAAYIHII SOOMAALIYA/BARAAWE
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment