Tuesday, April 21, 2015

Dhul Aan Ceel Lahayn (hees)

Heestaani waxay si sarbeeban uga hadlaysaa labadii qeybood ee Soomaaliyeed ee xorowday sannadkii 1960-kii oo la burburiyay sannadkii 1991-dii, isla markaasna la kala raray. Waxay labada gabdhood ee ku luuqaynaya heestu kala matalayaan labadaas qeybood, waxayna isu muujinayaan siday wax walba u wadaagaan oo aysan marna u kala maarmayn: 

Gabadha I

Dhul aan ceel lahyn baan
Dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaad iyo
Dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay
Dhankaan anigu kaa xigo
Dharka la ma yaqaannee
Dhuub baannu xirannaa
Adna dhogorta xoolaha
Malaha waad ka dhigataa

Buuraha dhexdoodiyo

Dhagax baan ku seexdaa
Adna wax i ma dhaantide
Dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa

Dhulkaan kala fogaadiyo

Labadeenna kala dheer
Yay isu soo dhaweeya?

Gabadha II

Kolkaad adigu dhimataa
Naftu iga dhaqaaqdaa
Kolkaad adigu dheregtaa
Dhibaatadu i daysaa
Dheehaaga wacan baan
Aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii aad reebtaa
Dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhawaadana
Waad iga dhaqaaqdaa
Anna ku ma dhagaystee
Dhegahaan kaa furaystaa
Dhaandhaan haddaan ahay
Adna dhoohanaad tahay

Dhulkaan kala fogaadiyo

Labadeenna kala dheer
Yay isu soo dhaweeya?

Wadajir

Kool haddaan dhuuxiyo
Dhiiggii ka siman nahay
Midabkiyo dhawaaqiyo
Diintiyo dhalashada
Iyo dhaqan-wadaag nahay
Dhudhunkaad i goysaa
Waa dhantaalan-kaagee
Labadeennu dhuun iyo 
Dhogor baan ka dhigannee

Dhidibkaynnu taagniyo

Dhismihii adkaan jiray
Inaan kala dhantaalnaa
Dheg-xumiyo yaab iyo
Talo dhacantay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee
Aayaha dhasheenniyo
Midnimada ma dhawrnaa?

Erayada:
1-Dhuub: xirmo; waxyaalo la isku duubay ama daliig mayraxa.
2- Dheeh: waxa oogada birta iwm la mariyo si loo dhawro tayada shayga. Sidoo kale labeenta iwm oo oogada dadka la marsho.
3- Dhaashtaa: oogada marsadaa dufan ama labeen.
4- Dhoohan: qof jooga oo haddana waxa dhacaya ama socda war u hayn; qof laab la'.
5- Dhaandhaan: qof uu ka muuqdo rafaad dhinac walba; sacsac, dhabqalalo, sawir.
6- Dhudhun: qeybta gacanta ee u dhaxaysa calaacasha iyo suxulka.
7- Dhantaalan: wax u dhimman yihiin, qabyo.
8- Dhidib: qori meel lagu mudo si wax loogu xiro; tigin.
9- Dhaxdin: meel la wada joogo.
10- Dhito: wax la dhigo si mar dambe loo dheefsado.
11- Dhacar: meesha ay dhirta biyaha kaydsataa ka baxdo oo xoolaha la daajiyo, mana oomaan xoolahaasi.

No comments:

Post a Comment