Thursday, April 30, 2015

Aayatiin Ku Waar (hees)

Uurkiyo qalbiga 
Haddii aadan ku ool
Ubax iyo jacayl 
Ku lamaan unkeen
Eel-kaad wadnaha
Ku abuurtaa
Abid iga buskoon
Naf ku aammintaa
Sida eridhaban
Dayn wayday olol

Asaaggiisa kaan
Ku ildoogsadow
Ammaan iyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Aayatiin ku waar

Dawadii indhaha 
Haddii aadan ahayn
Ilmo socotiyo
Oohin u ma go'een
Argagixisadiyo
Arammida jacayl
Waa aawadaa
Anbadaye waxaan
Ayda u maree
Maxaad oran lahayd?

Asaaggiisa kaan
Ku ildoogsadow
Ammaan iyo ducaba
Waad istaahishaa
Inaan kuu tirshee
Aayatiin ku waar

Erayada:
1- Eel: dhibaato, arrin xun, hoog.
2- Eridhaban: xoolaha ilmahoodii laga reebay markay ku soo noqdaan oo u ciyaan; insaarax.
3- Ildoogsadow: ishu ama naftu jeclaato.
4- Aayatiin: waxtar mar dambe la helo.
5- Aramida: lahan ama xanuun qarsoon oo xanuun keenay. Halkaan jacaykaa keenay.
6- Anbadaye: jid ama meel ka-lumid ama ka-habaabid. 
7- Ayda: hawdka, kaynta, meesha aadka u dhir badan.




No comments:

Post a Comment