Thursday, May 7, 2015

Dadka Soomaaliyeed (maqaal)


  

Dabciga iyo abuurta dadka waxaa inta badan ababiya abuurta degaannada uu dadkaasi ku nool yahay iyo dhacdooyinka taariikhiga ah iyo waliba dhaqammada waayaha soo-jireenka ah.

Dadka S/liyeed wuxuu ayaankood noqday inay ku noolaadaan dagallo leh abuur cadaw ah. Wuxuu badi dhulkoodu noqday mid biyo yar, cammuud badan oo ciidda carrosanka ahi ku yartahay. Waxaa intaas sii dheer in si joogta ah ay abaaro uga dhacaan dhulka. Wuxuu kaloo dadka S/liyeed la kulmay dayac siyaasadeed, weerarro shisheeye, dagaallo sokeeye, shaqaaqooyin, afgambiyo iyo afgambiyo ka-hortaga. Wuxuu soo maray xilliyo xanuun weyn oo eexaysiga, musuqmaasuqa, laaluushka, dhiig-miiradka iyo qabyaaladdu hareeyeen noloshooda. Dhibihii is-daba-joogga ahaa waxay qof kastoo S/liyeed ku sunteen abuur ama shakhsiyad gaar ahaaneed.

Dadka S/liyeed oo jiray kumaankun sano, ahaana raacato waxay ku sifeeyeen dadkii u soo martiyay iyo sahamiyaashii ummadaha kalaba siyaabo kale geddisan oo togane iyo tabanaba leh. Dhinaca togan waxay yiraahdeen sidaan:

1-     Waa dad halwkara, awood leh oo tabar badan, waxaana mar walba ka muuqda rabitaan ah, inay qabtaan hawlo guulo keena.
2-     Habka raacatanimo oo ay ku dhaqmaan wuxuu u keenay inay socon karaan maalin walba masaafo dheer oo ay ku goobayaan baad iyo biyo. Wuxuu yiri nin Ingriis ah oo la oran jiray Drake-Brockeman: garan maayo dad reer guri ah (natives) oo ku gooshi kara dhul oommane ah oo qallalan oo u dhigmi kara S/lida oo wacnaantaas yeelan kara.
3-     Waa dad Eebbe ku mannaystay garaad abuurriina (natural intelligence) oo dheeraada. Xitaa kooda aan wax baran wuxuu garan karaa ujeeddada ninka qalaad, isla marka uu yiraahdo dhawr eray. Waxay yeesheen dareen saadaalin leh oo la dhihi karo wuxuu u dhigmi karaa kan casriga ah ee lagu soo koobo FFKI  (Future Focussed Role Image).
4-     Waa dad lagu bartay waxqabad, martigelin, soo-dhaweyn, maskax-furnaan, isku-kalsoonaan iyo daacadnimo.
5-     Waxaa dadka S/liyeed dunidoo idil maanta ku taqaan; u-gargaarka xigtadooda iyo saaxibbadooda. Waxaa qofka S/liga ah ceeb aan laga maadan karin ku ah inuu dheef iyo gabbaad siin waayo marti u soo hoyaadday.
6-     Qofka S/liyeed waa mid aad isu la door roon, wuxuuna dareemaa isla-weyni iyo qab. Xilligii gumeystaha Talyaanigu arlada S/liyeed joogay waxaa xabsiga lagu karbaashi jiray maxaabiista. S/ligii la karbaasho, marka xabsiga laga sii daayo, waxaa ka go’nayd inuu aarsado oo kii karbaashay naftaba ka qaado. Sidaas darteed, u-qebsanihii arrimaha S/liya Garsiani wuxuu joojiyay in S/lida la karbaasho.

Sahamiyihii Ingriiska ahaa ee la oran jiray Sir Richard Burton wuxuu ka qoray dadka goballada waqooyi ee S/liyeed:
waa dad muujiya abuur san oo dabac leh, waxayna rajo ilbaxnimo u abuurayaan gobolkaan dambeeya…. Waa dad aan ku oran karo fikirkaygaan luudaya, waxay awoodaan inay kor u koraan sallaanka dadnimada….qof kastoo dhashoo xora wuxuu ahaaday mid la siman taliyihiisa, mana oggola kala-sarreyn ama wax xannibaaya xorriyadduu u dhashay. Iyagoo laxaw u leh madax-bannaanida, haddana, S/lidu waxay ku wanaagsan yihiin, oggol yihiinna amar-qaadashada."
7-     dadka S/liyeed intay jireen waxay lahaayeen hannaan guun ah oo dimuqraaddi dabiiciya leh (maaha kan galbeed). Waxay geedka shirka ku gorfeyn jireen arrin kasta oo la soo gudboonaata. Wuxuu dood- yahanka S/liyeed geedka shir ka soo jeedin jiray gartiisa isagoo adeegsanaya; hal-ku-dhigyo, maahmaahyo, gabayo, caddaymo, dhool-caddeyn iyo qaabsami uu ku jeediyo gartiisa. Wuxuu ku sifeeyay Burton: "waa ummad kulul oo jumhuuriya “fierce race of Rebuplicans”, wuxuuna ku taliyay inay garaad yari tahay in gees lala safto markay doodayaan. Waa in faragelinteennu dhammays tahay, ama inaan kaligeen noqonno garsoorka doodahooda oo dhan, ama waa in aannaan dheg u jalqin sheegashoo-yinkooda.
Gordon Waterfield wuxuu yiri: waxay S/lidu leedahay garaad abuura oo soo jiidasho leh, waxayna awoodaan inay arrintooda soo bandhigaan iyagoo dantooda eeganaya.
8-     S/lidu waa dad waaqici ah, iyagoo wax ku qaadanaya awoodda jirkooda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin, waxay awoodaan inay xaajadooda gutaan maalin walba.
9-     S/lidu waa dad hal abuura maansada. Dhaqankooda maanso waa kala jaad waana mid soo-jiidasho leh, wuxuuna Burton guud ahaan S/lida ugu yeeray qarankii gabayga (Nation of Poets).
 Reer guuraaga S/liyeed  wuxuu tiriya tixo gabaya, wuu qabtaa, wuxuuna ku balweeyaa murti farxad ku gelinaysa. Suugaantoodu  waxay xambbaarsan tahay madaddaalo-bulsheed iyo waxabarasho.
10-      Dadka S/liyeed waa muslim wuxuuna xurmo iyo qaddarin weyn u hayaa diinta islaamka. Waxayse ku dheeheen dhaqankooda gaarka u ah oo ay si aada  u weyneeyaan.
11-      Waa dad aad u jecel xoolaha siiba geela. Caanaha iyo hilibka ay ka helaan ka sakow waxaa geelu u ahaa gaadiidka ay ku dhex majiiraan dhulalkooda kulka iyo qallaylka badan. Geelu wuxuu noqday midka u gooya wax walboo qaaliya sida; gabadha la doono iyo bixinta magta.
12-      Waxaa erayadii Burton  ka mid ahaa; S/lidu waa dad u-fiirsasho badan, waxayna dhex gooshi karaan dunida, iyagoo ka shaqayn kara shaqo kastoo ay arkaan. Ma dareemaan inay ku xaqiran yihiin shaqo. Sababta waxaa laga yaabaa inay tahay iyagoo isla weyn una qaba inay uumiyaha ugu door roon yihiin.
13-      Waxay leeyihiin nafsiyad sare oo waddaniya, waxayna ku hammiyaan inay dhulalkooda la qeybshay mar isugu keenaan hooska dalladda S/li weyn.

Dhanka kale ee tabanaha ah wuxuu Richard Burton ka sheegay qolooyin S/liyeed; “dabciga qolada Ciise waa sida carruur oo kale oo nugula, mid abi’ la’aana, mid garsoor dhimman, mid naxariis durugsan leh, mid sharfan oo xasaasiya, mid qalbi diirran oo haddana caan ku ah cadawnimo iyo dhagar".  Sida Ciise dhagarlow u yahay waxaa ka jirtay Saylac maahmaah oranaysa; hadduu Ciise bidixda haruub caano ah kaa siiyo wuxuu midigta kaa siinayaa dharbaaxo.….saas oo ay tahay haddana Ciise wuxuu leeyahay dhinaciisa wanaagsan, waa dad aan beenta aqoon, beenna aan dhaaran. Waxay la yaabaan waxa la xado oo aan xoog lagu qaadan. Waa dad aad deeqsi u ah oo martigelinta ku wacan marka loo eego S/lida kale. Anigu qof ahaan ma hayo waxaan uga cabto. Waxay shaxaadaan tubaakada; waxaase ku filan jaallanimadooda takhsiin tubaaka ah. Waxay iga codsadeen inaan la dego.

Kii la socday Burton oo la oran jiray Speke oo ay S/li raacato ah weerareen wuxuu warqadihiisii mid ku qoray: “ haddii nin, rag soo handado, kuwaasoo qof kastooy awoodaan been u sheegaya ama dhagraya, in lagu dhex safro ha la daayo…”

Ralph E. Drake-Brockeman wuxuu qoray: “Burton wuxuu nooga tagay fikrad ku saabsan S/lida oo ah mid liidata, waa in aqoontii uu u lahaa S/lida lagu xusuustaa mid yar oo ku kooban qolooyin dega Waqooyiga S/liya, oo laga yaabo in badi kuwii kaloo ku dhex safray ay qaataan warkiisa. Qolooyinka Isaaq iyo Daarood ma ay yeelin sidii Ciise yeelay oo kale, oo ah inay rag iska dilaan si ay ruqsada guurka u helaan.

Sida uu qabo I.M. Lewis, oo ah nin Ingriisa oo aqoonta dadka S/liyeed ku xeel dheer: “ waa arwaax nugula, oo faraxsan, oo caadifad badan, iyagoon la malayn karin bay u gudbaan xaalad caro leh, kadibna waxay awoodaan inay sameeyaan dhib weyn.” Wuxuu kaloo yiri; sida ku badan dhaqammada dadka sinnaanta aaminsan, waxaa soo jireen ah inay awoodda iyo talisyada u arkaan kuwo aan la hubin. Sida Maraykanka oo kale bay S/lidu ka helaan boqornimada iyo magacyada isimmada, waxayna muujiyaan macangagnimo, taasoo dadka jumhuuriga ah oo qurihi ay awoodaan.”

Xilliyadii uu dadka S/liyeed dhex maquurayay maammul-xumada, qaska iyo qalalaasaha, waxaa ka lumay halbeegyadii mudnaanta. Waxaa ka lumay xurmadii waayeelka iyo waxgaradka. Waxaa ka lumay xurmadii da’ yarta iyo ragga diinta, wuxuuna ahaaday mid niyadjab weyn qaba oo muraayaddii qalbigu qaraxday. Shacabka S/liyeed, ma laha eedda halaakooyinkii yimid ee waxaa loogu dawgalay hoggaan-xumi iyo siyaasado marin-habaabis ah oo kallifay in sidii dad diyoobay la iska hor iyo gadaal yimaado. Waxaa kaloo culays aan loo adkaysan karin keenay dhibihii dhaqaale ee mashaqooyinka la soo darsay ay wateen. 

Dadka S/liyeed waa inuu is daahiriyaa soona ceshadaa dhaqammadii suubbanaa ee lagu bartay. Waa in sahamiyaasha waayaha soo aaddan ay ka tabiyaan warsan iyo wanaag badan.

















No comments:

Post a Comment