Sidaan marar hore u soo xusnay waxay beelaha Soomaaliyeed ka soo jeedaan Bahweynta *Kuush. Waxay beelahaasi muddo dheer lahaayeen habab dhaqan-bulshadeed, dhaqaaleed iyo siyaasadeedba.
Waxay dadka Soomaaliyeed
dhaxleen xeerar taxanayaal ahaa, oo ahaa kuwii awoowayaasha. Waxay xeerarkaani noqdeen
hannaanka lagu maamulo dhan kasta oo taabta nolosha qolo kasta oo
Soomaaliyeed. Qolo walba oo Soomaaliyeed
waxay ka bilaabataa qoys…waxaa xiga beel…waxaa xiga jifo…waxaa xiga qolo. Qaybahaan waxaa loo habeeyay si
loo fududeeyo maamuulka reeraha, kamana ujeeddo duwaneyn gobolkii degmooyinka
loo qeybshay, balse dhab ahaan waxay qoladu aheyd dawlad goboleed dhammeystiran
oo madaxdeeda iyo distoorkeedaba leh. Sidaan waxay dadka Soomaaliyeed ku
heleen xasillooni muddo dheer soo jirtay. Hadday tahay colaad iyo hadday tahay
nabadba waxaa jiray xeerar lama dhaafaan ah oo la wada dhawro. Xeerarka la
dhawraa waxay ahaayeen waayo-aragnimo la aruurshay oo ka soo
fushay waxgarad waayo kala duwan noolaa. Waxaa xeerarkii soo jireenka ahaa
dheehay xeerarka diinta Islaamka oo wixii ka dambeeyay qarnigii 7-aad si buuxda
ugu baahday dagallada Soomaaliyeed oo idil. Diintu waxay ka murdisay xeerarkii
sooyaalka intii gef ku aheyd isla diinta. Xeerarka qolada si joogta ah baa
loo kabi jiray oo waxaa dhici jirtay in dhacdo timaaddo oo qodob lagu gorfeeyo
loo waayo. Marar-kaas oo kale, guurtida ayaa xeeri jirtay mid ugub ah, waxayna ahaan
jirtay ka-fac ka-fac mid la tixraaco oo qeyb kasta oo tolka ka midihi
meel ay joogtaba xurmayso. Xeerarkaan waxaa ugu
caansan xeerka bixinta magta oo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yeela qeybo
isku tiirsan oo la yaqaan Mag-wadaag. Xeerkaani wuxuu saameeyaa dhinacyada
dhaqaalaha, Siyaasadda, nabadgelyada IWM.
Qarnigii 19aad markii
dawladahii reer Yurub sidii Ayaxa ku dageen geyiga Afrika waxay goob walba ka
nuugeen nacfigii yiil, waxay gumeeyeen dadkii, waxyeellose, waxaa ugu
darnaa dhaqan- guurkay ku rideen bulshooyinkii ku noolaa Afrika …oo qaar la
dhalan rogay..oo qaar la afduway..oo qaar la xeertiray. Bulshada Soomaaliyeed inta
badan way ka badbaaday, waase la xeertiray.
Gummeysigii yimid wuxuu la
yimid aragtiyo cusub oo ka soo jeeda fikradihii SOCRATES (469-399 BC), ARISTOTLE
(384-322 BC) iyo PLATO (428-347BC). Nimankaani waxay ahaayeen
niman Giriik ah oo u fakaray qoloday ku dhex-noolaayeen iyo bahweyntooda. Waxay ka
fakareen waxay ahaayeen waxay arkahayeen ama ka dhex-maqlayeen dadkooda, fikradahoodii bayna ku qotomaan hababka siyaasadeed ee dadyowga reer Yurub
iyo W. Ameerika ee maanta.
Aragtida sameynta dawladda
(state making) iyo qaabka loo doorto xubnaha maamulka dalka ee la yiri
dimuqraadiyaadda (democracy) oo ay ku sheegeen kuwa door ah bay u soo
dhoofsheen geyiga Soomaaliya iyadoo nuqul ah, waxayna ku toleen dadkii oo aan
qeexi karin erayada oo qura. Aragtida dawlad sameyntu
waxay xaggooda hab-wadaag ka dhigtay beelo beeraleeya, ma-guurto ah oo soohdin-yaqaanno wada ah.
Hannaanka doorashaduna
wuxuu xaggooda hore u mariyay beelo ku doorta qofka kartida iyo waxqabadka, halka ay beelaha Soomaaliyeed
ayna aqoon soohdin joogta, doorashaduna ay ku saleysnayd walina ku salesan
tahay abtirsiinyo, dawlad sameyntuna ayna wali ku qeexnayn xeerar dhaqmeedyada
Soomaaliyeed.
Ma aha in kuwaan dambe ay
ahaayeen dad dambeeya ee arrintu waa la kala dhaqan nololeed
duwanaa. Haddii loo danaynayay dadka Soomaaliyeed waxay aheyd in la kabo
fahamkooda oo la waafajiyo qaabka ay wax u arkaan iyo sidii dantoodu
tahay, waxayse aheyd in aan loo daneyn ee laga danaysanayay.
Markii xornimada la helay
ee 1960-kii oo rag Soomaaliyeed oo gumaystuhu tababaray uga tagay taladii dalka, waxay u dhaqmeen sidii odagii diirka caddaa ee tagay, iyagoo midabka iyo
muuqaalka maahee, inta kaloo idil kala socday hannaankii maamulka ee reer Yurub. Waxgaradkii dhaqan-yaqaanka
Soomaaliyeed ahaa iyo odagii talo adduun wax laga weydiin jiray waaba la yasay
oo afkaa laga jufeeyay. Waxaa lagu jajuubay inuu
raaco sharciga dawladda isagoon aqoon waxa dawlad looga jeedo. Waxaa lagu
jajuubay inuu raaco xeerarkii Rooma iyo Landhan, isagoon reeraha dagaba aqoon. Waxaa loo sheegay Wasiirka iyo Wasaaradda, isagoon midna micneyn karin. Waxaa
loo sheegay Hantiwadaagga iyo horumarka bulshada hore-u-socodka ah,
isagoon arki karin miisaanka ay ku leeyihinn erayadaasi dhaqankuu khabiirka ku
ahaa.
Wixii la fahmi waayo waa la
mala awaalaa, ee garaadkii Soomaaliyeed wuxuu arkaayay oo maqlayay wuxuu ku
macneystay kuwuu yaqaanay; Dawladdii waxay u noqotay
hal geela oo uu u bixiyay Maandeeq. Madaxweynihii dalka wuxuu u arkay
Odayga Soomaaliyeed ee Maandeeq xeradiisa ku jirto. Wasiirka la sheegay wuxuu u
arkay wakiilka qoloduu ka dhashay. Aqalka mudanayaasha wuxuu u arkay geedkii shirka oo
dhagax laga dhigay, hadduu ka waayay geedkaas bahdiisiina wuxuu u arkay meel
shisheeye ku tashanayo iyo in bahdiisa godob weyn laga galay.
Dhanka kale, waxaa dhexda
iyo qoortaba caymiyay aqoonyahan/jaamici. Kaas oo ay la noqotay, walina la tahay in dalka maamulkiisa iyo horemarkiisu ku jiro in la raaco hababka dawladaha hore u maray, waxaana halhays u noqotay erayadii halyeyadii reer Yurub, maahmaah iyo murtina waa kuwii Talyaaniga iyo/ama Ingriiska, aqoonyahanimadana waxaa halbeeg u ah sida afafkooda loogu hadlo.
Wiilkii Soomaaliyeed ee
lagu carbin jiray abtirsiinyihiisa wuxuu aqoonyahan u sheegay in qabiilku
yahay jahli iyo dibudhac ee uu ka fogaado maqalkiisa iyo macaamilkiisaba. Hadduu
koray wiilkiina wuxuu u ekaaday dhurwaa waa ku baryay oo hadba dhan buu
rooray. Wuxuu aaday oo aaday galbeedkii aabbihiis waxsan uga sheegay isagoo ka
fogaanaya qabiilka iyo qurunkiisa, waase qaban waayay dhinacna, waxtarna waa u
yeelan waayay qolana.
Aragtida odaygii asal-sidaha
ahaa iyo tan aqoonyahanka talada hayay ama aamminsanaa inuu talada dalka mudan
yahay, waxaa ka dhex dhacay is-harddin weyn oo keentay in xeerarkii horana laga tago
kuwii dambana lala qabsan waayo. Sidaas buuna ku lumay xeer walboo idil oo
markaas gayeysiiyay Soomaaliya oo idil qas iyo qalalaase iyo waliba in la waayo
xeer wax lagu beego illeyn dhaqan suul baa dhacaye.
Gar loo ma sinna ee gefka iyo gardarradaba waxaa leh aqoonyahan. Aqoonyahankii la rabay in aqoontiisu nolosha qoyska Soomaaliyeed ee geeddiga joogtada ah ku jira kor u qaado oo biyo iyo baad la hubo u helo, wuxuu ku mashquulay jaakadaha iyo filimada galbeedka. Wuxuu abuuray bulsho cusub oo Soomaaliyeed oo aan ku xirnayn teedii asalka ahayd Wuxuu isu hibeeyay hantida qaranka iyo taladiisaba, isagoon waxtar muuqdaba u lahayn dalka iyo danta dadweynaha.
Aqoontu waa inay goobta
wax-soo-saarka ka muuqataa ee ma aha inay wax-ku-doon iyo ku-faan
noqoto. Bulshadii hantideeda yar aad wax ku baratay ma aha inaad ka faanto oo
fongorto, deedna isla qummanaato oo sidaas ku abaaddo. Sidaasi soo maaha godob
culus oo laga galay ummadda S/liyeed?
Godobta kale waa hababkii
gumeystaha iyo dawladihii reer guriga ahaa ee dhaxlay ay ugu carbiyeen kaadir
badan qaabab u adeegayay danahooda. Waxaa maanta laga dhex
arkaa bulshada S/liyeed dhaqammo waayihii hore ahaan jiray foolxumo iyo falal
sheydaan oo ay ka mid yihiin nifaaqa, imlaaqa, beenta, boobka, dicaayadda iyo isku-dirka. Dhaqammadaan oo
ilaa imminka ay ka wadaan kaadiriintii la carbiyay ummadda S/liyeed dhexdeeda, waxay si bareera ah ugu macneeyaan siyaasad.
Siyaasaddu sida ku qoran qaamuuska waqooyiga Ameerika: waa aragtida habaynta iyo socodsiinta ururro la xiriira maamul dawladeed. Maamul dawladeedna waa koox dada oo awood u leh inay sugto nabadgalyada dal ama meel, qabatana adeegyada kale duwan. Ma dhici karto maamul dawladeed oo fayoobi inuu ugu adeego dalkiisa dhaqammo keenaya kala daadasho bulshadeed iyo aayoxumo.
Siyaasaddu sida ku qoran qaamuuska waqooyiga Ameerika: waa aragtida habaynta iyo socodsiinta ururro la xiriira maamul dawladeed. Maamul dawladeedna waa koox dada oo awood u leh inay sugto nabadgalyada dal ama meel, qabatana adeegyada kale duwan. Ma dhici karto maamul dawladeed oo fayoobi inuu ugu adeego dalkiisa dhaqammo keenaya kala daadasho bulshadeed iyo aayoxumo.
Dhabcaalka dhalanteedka
aamminsani wuxuu wali qabaa aragtiyo lagu sheego kuwa siyaasadeed oo uu
qaayibay oo ah kuwii diimaha lagu dhaleeceeyay.
No comments:
Post a Comment