Thursday, April 23, 2015

Nacaybka Afrika ee Kadhanka Soomaalida (Xenophopia of Somalis in Africa)


Waxaan waayahan dambe arkaynnay sida bahalnimada oo loo la dhaqmo dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah Koonfur Afrika. In kastoo maalmihii u dambeeyay aan arkaynnay dhibaatooyinka calculus ee lagu hayo dadka Afrikaanka ah guud ahaan, haddana mar walba waxaa carrabka lagu hayaaa Soomaalida. Dad baa waxay ku doodaan in dhaqanka Soomaalida ee tartanka iyo is-biimaynta badan uu u horseeday dhibabka. Sheekadu sidaas aad bay uga fog tahay, ugana qoto dheer tahay.

Nacaybka dadka Afrikaanka ahi, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika u qabaan Soomaalida wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Gumaystayaashii Reer Yurub ee sidii ayaxa ugu dagay qaaradda Afrika qarnigii 19-aad oo haddana ka la qeybsaday. Ingiriiska oo ahaa gumeystihii ugu itaal roonaa, uguna dhibaatayn badnaa, wuxuu si daran u waxyeelleeyay Isirka Soomaaliga. Sababta saldhigga u ah dhibaataynta Soomaalida ee Ingiriisku la beegsaday waaa: qofka Soomaaliga oo markii horaba diiday inuu ka hooseeyo cidna, caddaan iyo madow kuu yahayba, balse muujiyay qab dheeraada iyo in asagu dadkoo dhan ugu sarreeyo. 

Gumeystihii Ingiriiska oo si weyn u faafiyay in qofka madow sidiisaba uusan aadane ahayn ee uu la meel yahay xoolaha, si markaas gumayntiisu maangal iyo sharci u noqoto, waxaa amakaag ku noqotay in qolo madow waa Soomaalida e aysan qaayibayn ka-hoosaynta “inferiority” ninka cad. Sidaas darteed waxaa laf dhuun gashay ku noqotay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ku habsaday dhulalkii Soomaaliyeed, arrinkaan aysan ka filayn nin madow. Waxaa intaas dheeraa in Soomaalidu si ba’an u la dirirtay gumaystayaasha, meel walbana ku la dirirtay. Ingiriisku wuxuu dhibta uu ka la kulmay Soomaalida ku muujiyay warbixinnadiisii ku saabsanaa meelihii uu gumaystay.

Sidaas darteed, wuxuu gumeyste Ingiriis ku dhaqaaqay siyaalahaan:
1-    Wuxuu jarjaray dhulalkii Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhigay lix qeybood. Qeyb Itoobiyuu raacshay, qeyb Kenyuu raacshay, qeybna Yeman (Suqadra iyo jasiiradaha raacsan), qeyb isagaa qaatay, qeybna Talyaanigaa qaatay. Ujeeddada sidaas uu u yeelay waa kahortagga cudud midaysan oo Soomaali yeelato.
2-    Wuxuu si weyn ugu baahiyay dunida in isirka Soomaaliga ah yahay mid xun oo aan lala dhaqmi karin. Wuxuu si gaara ugu dhex-baahiyay Afrika xumaha Soomaalida ee isagu maleegay, si aysan Afrikaanku uga tusaale qaadan isirkaan gunnimo-diidka. Waxyaalaha uu u cuskaday dicaayadihiisa waxaa ka mid ahaa; in Soomaalidu tahay dad iska la weyn dadka madow oo ka faana.
3-    Wuxuu u hawlgalay sidii uu u xakamyn lahaa la-falgalka Soomaalida dadka Afrikaanka ah, wuxuuna dhinac walba ka horeeyay dhaqdhaqaaqyadii  Soomalida.

Xilliyadii kala dawanaa ee la soo maray arrimahaaas aan soo xusnay marna ma baabi’in, waxayse hadba lahaayeen qaabab kala duwan, ilaa ay gaartay in dawladnimadii Soomaaliya gebi ahaanteed la burburiyo 1991-dii, sidaas oo ahayd ku talagal.

Waayihii ka dambeeyay burburkii weynaa ee 1991-dii waxay Soomaali ku firirtay goonyaha dunida, meel kasta oo ay tageenna waxay ka muujiyeen firfircooni aan lagu arag dadka Afrikaanka ee kale, tusaalaha ugu fiican waa Soomaalidii u qaxday Kenya. In kastoo qaxootigii ku susumay Kenya uu ahaa cayr faromaran, haddana muddo 20 sano gudaheeda waxay si aada uga muuqdeen ganacsiga Kenya, waxayna Soomaalidii cayrta ahayd ka dhigeen xaafadda Islii (Eastleigh) ee kamid ahayd xaafadaha ugu hooseeya Nayroobi, xarunta ganacsiga ee Bariga Afrika oo dhan, waxaana la oran karaa waxay ka dhigeen Islee, Manhattan-kii Afrika. Sidoo kale waxay Soomaalidu ka muujisay meel walba oo ay tagteen awood ganacsi iyo karti yaab leh. Waxay kaloo Soomaalidu isir kasta oo kale, ugu duwaanatay deeqsinnimo iyo u-dabacsanaanta dadka danyarta ah, ilaa lagu naanaysay; “dadkii lacagtu ka da’i jirtay” iyo “dadkaan lacagta waayi jirin”. Dadkii Afrikaanka ahaa ee saboolka ahaa ee Soomaalidu la dhaqantay waxay ka heleen waxtar aysan waligood arkin. Mar kale waxaa tusaale ah Islii oo Soomaalidu ka shaqaalaysay kumannaan qof oo qowmiyadaha Kenya kamid ah.  

Deeqsinnimada iyo is-taakulayntu, waxay Soomaalida u keeneen tixgelin iyo in loo arko dad ka sarreeya dhiggooda, waxayna u muuqdeen kuwo waxtarkooda marti loo yahay. Waxay kaloo dhaqammadooda fiican iyo dhalankooda qurxoon u keeneen xiqdi iyo xaasidnimo. Kuwaan dambe, waxay sii kordhiyeen nacaybkii horaba u beernaa.

Arrinta kale, oo yaabka leh waxay tahay; qofka isir ahaan Soomaaliga ee ku dhasha Kenya, Itoobiya ama dalkoo kaloo dunida iyo kan ka soo jeeda jumhuuriyadda Soomaaliya isku si baa loo arkay loolana dhaqmay. Macnuhu waxaa weeye; isirka (race) Soomaaliga waa mid oo meel uu ku dhashay iyo daluu u dhashay midna wax ma dooriyo.

Marka la tixraaco astaamaha ka muuqda meelo kale geddisan oo dunida, dhibaataynta Soomaalidu waa midaan ku ekaan doonin meel iyo goor, ee waxaa dhici karta inuu isirkaani noqdo mid si weyn loo dulmiyo ama duudsiiyo.

Maxaa La Gudboon Soomaali:
Mar haddii uummadihii kale aysan dadka Soomaaliyeed kala soocayn, waxaa ku habboon dadkaan la danleeyahay inuusan isaguna is ka la soocin ee uu isu arko mid qura oo isu baahan mar walba.

Mar haddii Soomaali cadawnimo soojireena iyo mid cusub loo hayo, waxaa ku habboon inay xaaladdeeda aad u ogaato una qiimayso, waana inay ogaataa in sida kaliya ee ay u jiri kartaa tahay talo-dhexe ama dawlad xooggan oo ay yeelato. Waa inay Soomaali ogaataa inaysan wax is tari karin, cadawna iska celin karin haddii aysan ka gudbin kala-qeybsanaanta baahsan ee ka dhex jirta maanta. 
   
·        Dhiigga wilic leh waagaan gadneen, qalannay willkeenna
·        Waddammada shisheeyaha maxaa, walimo loo doontay
·        Alla maxaan shir lay naga waciyo, gogol weytaynnay
·        Alla maxaan wax lay inoo qaliyo, weelashii marinnay

·        Wuxu maxay ahaayeen maxaa, laba is weydiisay
·        Alla maxay xumaan waartay iyo wari, na soo gaadhay
·        Muxuu inagu wiirsaday nimaan, hor uga weynaannay

·        Kolleey sharafkii webi buu ku dhacay, waanan aragnaaye
·        Waan-waan ha loo raadiyee, talo is weyddiiya
·        Haddii kale warjeefkiyo xiqdiga, abid wanaag mooda
                              Max’uud Max’d Firin (AUN)

No comments:

Post a Comment