Thursday, July 14, 2016

Faallaynta Maqaalkii Sidii Itoobiya Uga Qeybqaadatay Burburintii Soomaaliya

Bishaan Toddobaad 1-deedii, 2016-ka, waxaan boggaan Tusmaaleey ku soo bandhignay maqaal tixraacayay xogo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, kuwaas oo ku saabsanaa sidii ay Itoobiya ugu lug lahayd burburintii J D Soomaaliya. 

Sida ku cad xogahaas wuxuu loollan ba'an ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya laga soo bilaabo 1950-aadkii (boqollaal sanaa colaaduhu jireen). Loollankaasi wuxuu ku salaysnaa gobolkii Soomaali Galbeed ama Ogadeeniya (sida dadka qaar ugu yeero) ee gumaystayaashii reer Yurub ugu deeqeen Itoobiya. Arrintaas gaboodfalka waxay u keentay Ummadda Soomaaliyeed dhibaatooyin lixaad leh oo ilaa hadda socda. 1960-kii markii ay dhalatay Jumhuuriyaddii Soomaaliya, tan iyo waagaas waxaa qorshe-hawleedyadii kowaad ee xukuumadihii Soomaaliya kamid ahaa, sidii qeybihii Soomaaliyeed ee la gumeysaanaayay loo xorayn lahaa. Labadii xukuumadood ee Soomaaliyeed ee mid rayidka ahayd, midna ciidanka, ku ma ka la tagsanayn siyaasadihii gobolladii Soomaaliyeed ee maqnaa. Waxay labaduba qaadeen tillaabooyin dibbolomaasiyeed oo xoog lahaa iyo dagaallo xoogganaa oo looga gol lahaa xorayntii dadkii Soomaaliyeed ee la gumaysanaayay. Xukuumaddii kacaanka ahayd ee uu hoggaaminaayay J/le M S Barre waxay qaadday ololayaal xagga dibbolomaasiyadda iyo dagaalkii weynaa ee 1977-dii. Waxay si aada oo qar-iska-tuurnimo ku jirto isugu dayday xorayntii gobolkii Soomaali Galbeed. Qamaarkii siyaasadeed (political gambling) ee taliskii kacaanka baa sababay burburkii dawlad qarameedkii Soomaaliyeed. 

Arrinta gobolladii Soomaaliyeed ee maqnaa kaliya maahayn qodob ku weynaa siyaasiyiintii S/liyeed ee wuxuu ahaa qodob ku cuslaa dadweynaha S/liyeed oo idil. Waxay arrintaasi tiiraanyo iyo walbahaar ku abuurtay quluubta Soomaaliyeed. Waxaa dadka S/liyeed dulqaad u yeelan waayay sidii foosha xumayd ee loo jarjaray dhulalkiisa oo loo ka la qoqobay dadkiisa iyo dhibabkii dilalka, dhaca iyo kufsiga lahaa ee sida joogtada loogu dhaqaayay dadweynihii hoos joogay dawladihii kalee lagu callaalay.

Dhanka kale, Itoobiya waxay samaysay wax kasta oo ay isku difaaci kartay, iyadoo u aragtay colaadihii kadhanka ahaa, in tii Soomaaliya ugu daranayd ama qatarsanayd. Waxay adeegsatay xeerarkii siyaasadeed ee gumaystayaashii hore ugu hiillin jiray u sameeyeen Afrika iyo kuwii UN-kaba. Waxay sidii dhaqanka u ahayd beer-laxawsatay xoogaggii reer galbeedka iyo kuwii reer barigaba iyo Israa'iiliinta oo ay iyagana Abasiiniyiintu isku lifaaqaan. Waxaa ugu darnaa tabihii ay adeegsatay, tii markii hore boqortooyadii Xayle Salaase habaysay ee u kaydsanayd si ay u noqoto, tabta ama xeeladda ugu dambaysa ee Itoobiya u adeegsan doonto Soomaaliya. Tabtaasi waxay ahayd in dhammaan Dawlad Qarameedkii Soomaaliya la tirtiro oo ifkaba laga waayo Dawlad S/liyeed. Sida ay Itoobiya qiratay qorshahaas waxaa meelmarintiisa la bilaabay 1977-dii markii Soomaaliya weerartay iyada. Aaladihii Itoobiya u adeegsatay burburintii ay u hawlgashay waxaa kamid ahaa kooxo ama ururro S/liyeed.

Haddaba, iyadoo ay si fiican u muuqato sababtii abuurtay colaadihii lagu hoobtay ee labada dal dhex-maray iyo tabihii ay isu adeegsadeen, waxaa mugdi weyn ku jira ujeeddooyinkii jabhadihii ama kooxihii Soomaaliyeed ee la soo saftay Itoobiyadii qorshaheedu ahaa baabi'intii iyo tirtiriddii jiritaankii dawlad qarameedkii Soomaaliya. Mar haddii ay Itoobiya caddaysatay inuusan marna qorshaheeda ku jirin in xukuumaddii Soomaaliya lagu beddelo mid iyada gacansaar la leh, maxay arkayeen kooxihii ama jabhadihii ka qeybqaatay burburintii dawladnimadii Soomaaliya?

Saraakiishii iyo aqoon-yahannadii wax ku bartay canshuurtii danyartii S/liyeed ama wax ku bartay magaca ummadda S/liyeed sidee ugu dhiirradeen inay hubka qaataan oo la soo duulaan cadawgii qorshahiisu ahaa tirtiriddii dawladnimadii S/liyeed? Haddii Itoobiya caddaysatay inaysan kooxihii la safnaa la doonayn inay xukunkii dalka la wareegaan, maxay ahayd iyaga dantii ugu jirtay kaqeybgalkii ololayaashii kadhanka ahaa dalkoodii hooyo? 

Hoggaamiyaashii kooxihii S/liyeed ee la soo saftay Itoobiya, ma waxaa ka caqli batay kuwii iyaga dhiggooda ahaa ee Itoobiya? Hadday si ka loo dhan wax u garan waayeen, maxaa maankooda ka tiray wixii labada dal ka dhexeeyay iyo waddaniyaddii Soomaaliyeed ee dhiigga badan loo qubay? 

Mise waxaysan ka la garanayn dawlad ama state (dal mad/bannaan oo leh kaabayaal, calan iyo seerayaal la aqoonsan yahay) iyo xukuumad/talis (kooxda maamusha dawladda)? Hadday rabeen inay talada ka tuuraan M S Barre, maxay u baabi'iyeen unugyadii dawladnimadada, maxayse uga talagaleen qorshihii Itoobiya ee burburinta ku salaysnaa? Hadday ka la sooci kari waayeen, talis iyo dawlad (state) maxay mugdiga ugu guureen?

Hadday kooxahaasi ku dhaceen debin qarsoonaa, halgankoodiina kaliya horseeday guushii cadawga iyo burburintii ba'nayd ee dalkoodii hooyo, maxay tahay mudnaanta la siiyaa xubnihii kooxahaas? Haddii falalkoodii lagu miisaamo waddaniyadda, miyaysan ku sifoobayn qaran-dumisyo ka mudan dalkooda ciqaabo culculus? Mise nuxurkii waddaniyadda baaba ka tirmay quluubta Soomaaliyeed?  

Waxaa su'aalahaas jawaabahooda laga jeeqaaqayaa waxyaqaanka Soomaaliyeed ee maankiisu madaxbannaan yahay oo isagoo xor ah ka la sooci kara qummanaanta iyo qaldanaanta. Waxaa garran iyo garowshiiyo looga fadhiyaa xubnihii ka tirsanaa ururradii burburinta iyo kuwii taageersanaa. 

   

Maalin xumi waa hartaa, taariikh xunse ma harto

  

No comments:

Post a Comment