Bilawgii
Khilaafadda Islaamka…Q.1aad
(Runlowgii
Abu Bakar)
Intii
lagu jiray qabanqaabadii aasitaankii nabigii suubbanaa oo geeriyooday 8-dii Bishii 6-aad, 632-dii (MD) ayaa kooxo ka
tirsanaa Ansaar (Gargaarayaal) ku shireen guri la oran jiray Saqiifah Bin
Sacaada. Gurigaas waxaa adeegsan jriay baa la yiri; Reerkii Banu Sacaada oo ka
mid ahaa qolodii Khasraj ee reer Madiina. Waxay Ansaartii oo ka koobnayd
labadii qolo ee kala ahaa Aws iyo Khasraj u shireen sidii la yeeli lahaa
geerida nabiga kadib iyo sidii hoggaamiye loogu dooran lahaa muslimiinta. Sida
la sheegay kooxihii ka soo socdaalay Maka ee la yiqiin al-Muhaajiriin lama
ogeysiin kulankaas lagu qabtay aqalkii Bin Sacaada.
Kadib,
markii uu Cumar Bin Khaddaab helay warkii kulanka ayuu aaday aqalkii nabiga oo
ay qabanqaabadii aasitaanku ka socotay. Gudaha ma uusan gelin ee intuu irridka
istaagay buu fartiin u diray Abu Bakar oo gudaha ku jiray si uu ugu soo baxo.
Markii hore Abu Bakar waa ka cudurdaartay soobixitaankii arrimaha aasitaanka
awgood, hase yeeshee, markii labaad ee Cumar u diray fartiinta, Abu Bakar wuu
soo baxay. Waxay ka faqeen shirkii ka socday aqalkii reer Banu Sacaada, waxayna
isla garteen inay isla markaasba tagaan aqalkaas, kana qeybgalaan kulanka.
Markii
ay tageen aqalkii lagu shirsanaa, waxaa halkaas ka bilawday dood adag. Qaar
Ansaarta kamid ahaa waxay qabeen in la doorto labo hoggaamiye oo ka kala socda
Ansaarta iyo Muhaajiriinta. Dood dheer iyo bulaan kadib, waxaa kacay Cumar,
wuxuuna ku dheeraaday ammaanta iyo sooyaalka Abu Bakar, wuxuuna cod dheer ku yiri; waa inuu noqdaa Amiirul
Mu’miniin ama Khaliifkii Kowaad. Badi dadkii shirka joogay waa oggolaadeen
hoggaaminta Abu Bakar, waxaase jiray qaar qabay in Cali Bin Abu Daalib uu yahay
kan ku habboon jagada. Kooxihii sidaan dambe qabay, waxaa loo bixiyay Shiica oo
macnuhu yahay taageerayaashii Cali, waxaana halkaas ka unkamay kala
qaybsanaantii muslimiinta oo noqday labo dhinac, oo dhinacba dhinaca kale eedda
saaro.
Si
kastaba ha ahaatee, waxaa maalintaas la yagleelay habkii hoggaaminta
muslimiinta, waxaana maalintaas bilawday hoggaankii la magac baxay Khilaafatu
al-Raashidduun (Hoggaankii Kuwa Toosan). Waxaa hoggaankaas sidaan kor xusnay loo
doortay Cabdullaahi Bin Abu Quxaafah oo lagu naanaysi jiray Abu Bakar. Markii
dambe ee uu rumeeyay Hameynkii Dheelmitaanka (al-israa Wal Micraaj) waxaa la
siiyay naanays kale oo aad ugu hirgashay oo ahayd; al-Saddiiq oo macnaheedu
yahay Runlowgii.
Abu Bakar, bilawgii noloshiisa wuxuu ahaa ganacsade aad ugu dhex socdaalay dhulalkii Carabta iyo gobolladii Bariga Dhexe ee hareeraha ku yiil, wuxuuna noqday maalqabeen. Markii dambe waxaa loo gartay inuu noqdo duqii sare ee jifadiisii. Sida la sheegay isagoo ka soo noqday safar uu ku aaday Yaman baa loo sheegay in Nabi Maxammad caddeeyay inuu nabi xag Eebbe laga soo diray yahay. In yar kadib, wuxuu Abu Bakar qaatay diinta islaamka, waxaana loo aqoonsaday qofkii ugu horreeyay ee gala diinta islaamka marka laga reebo xubnihii qoyskii nabiga. Horraantii sannadkii 623-dii ee MD wuxuu Abu Bakar siiyay gabadhiisii Caasha Nabi Maxammad, xididnimadaasina waxay sii xoojisay xiriirkii labadii nin.
Abu Bakar, bilawgii noloshiisa wuxuu ahaa ganacsade aad ugu dhex socdaalay dhulalkii Carabta iyo gobolladii Bariga Dhexe ee hareeraha ku yiil, wuxuuna noqday maalqabeen. Markii dambe waxaa loo gartay inuu noqdo duqii sare ee jifadiisii. Sida la sheegay isagoo ka soo noqday safar uu ku aaday Yaman baa loo sheegay in Nabi Maxammad caddeeyay inuu nabi xag Eebbe laga soo diray yahay. In yar kadib, wuxuu Abu Bakar qaatay diinta islaamka, waxaana loo aqoonsaday qofkii ugu horreeyay ee gala diinta islaamka marka laga reebo xubnihii qoyskii nabiga. Horraantii sannadkii 623-dii ee MD wuxuu Abu Bakar siiyay gabadhiisii Caasha Nabi Maxammad, xididnimadaasina waxay sii xoojisay xiriirkii labadii nin.
Abu
Bakar wuxuu noqday wadeey aad ugu dhow Nabi Maxammad iyo la-taliye lagu kalsoonaa.
Wuxuu si firfircoon uga qeyb qaatay dhaqdhaqaaqii xoojinta islaamka, wuxuuna ka
qeybgalay; goobtii dagaal ee Uxud, goobtii dagaal ee Dhufayska, weerarkii Banu
Qurayda, goobtii dagaal ee Khaybar, goobtii dagaal ee Xunayn, goobtii dagaal ee
Tabuuk, go’doomintii Daa’if iyo
Furashadii Maka.
Abu
Bakar wuxuu talinaayay abbaaraha 2 sano iyo 3 bilood. In kastoo muddadii uu
talinaayay ay yarayd, haddana wuxuu qabtay hawlo waxtar lahaa, wuxuuna qeyb ahaan horseeday
qotomintii dawladdii islaamka ee saabatay meelo badan oo dunida. Waxaa kamid
ahaa hawluhuu qabtay:
1. Ladagaallankii
Kuwii Gaddoomay (riddoobay): Markii nabigu geeriyooday qolooyin badan oo Caraba,
baa ka noqday diintii islaamka, sakadiina way diideen iyagoo ku macneeyay inay
raacsanaayeen hoggaankii Maxammad, hadduu dhintayna ay dhammaatay
raacsanaantii. Waxaa u darnaa kooxahaas Musallayma Bin Xabiib oo ka dhashay
qolodii laandheeraha ahayd ee Banu Xaniifa. Ninkaas oo markii dambe la siiyay
naanaystii; al-Kaddaab waa Beenlowgiiye wuxuu sheegtay nabinnimo, wuxuuna soo bandhigay aayado
uu ku sheegay qur’aan xagga Eebbe looga waxyooday. Wuxuu kaloo ahaa sixirlow
aad u yaqaan hawlaha sixirka. Ninkaas waxaa raacay dad badan, cudud xoog lehna
wuu diyaarsaday. Waxaa kaloo jiray nin isna sheegtay nabannimo oo la oran jiray Duleyxa Bin Khuweylid oo duq sare u ahaa Reer Aswad. Dhanka kale, waxaa jiray qolooyin kale oo riddoobay oo markaas degganaa
dhulalka maanta kala ah; Cummaan, Baxrayn, Mahaara iyo Yaman. Si arrimaahaas halista wax looga qabto wuxuu Abu Bakar abaabulay ciidankii dawladdii islaamka ee cusbayd , wuxuuna ka dhigay 11 guuto. Guutadii u xoog badanayd waxaa abbaanduule ka ahaa dagaalyahankii Khaalid Bin Waliid. Guutadaas waxaa lagu beegay kuwii riddoobay dhinacyadii ugu xoog badnaa sida, dhinicii uu hoggaaminaayay Beenlowgii Musaylama, waxaana lagu jabiyay goobta la yiraahdo Yamaamah, halkaas baana lagu dilay Musaylamah, dhammaan kuwii gaddoomayna waa laga adkaaday.
2. Aruurintii iyo Qoristii Qur’aanka: dagaalladii Riddada ee xoogga badnaa waxaa ku dhintay rag qur’aanka qaybsanaa, qur’aankana waayahaas inta badan dushaa laga xafidsanaa. Sidaas darteed, Cumar Bin Khaddaab baa ka codsaday Abu Bakar in qur’aanka la wada qoro oo hal meel lagu aruursho. Arrintaas waxaa markii dambe loo xilsaaray guddi uu guddoomiye ka ahaa; Sayd Bin Taabid, hawshaasna waa lagu guulaystay. Kahor intuusan geeriyoon Abu Bakar wuxuu kitaabkii qur’aanka lagu aruurshay u dhiibay Cumar Bin Khaddaab. Intii uusan Cumar geeriyoon wuxuu kitaabkii u dhiibay isna Xafsa Bintu Cumar oo kamid ahayd xaasaskii nabiga. Sida la sheegay markii dambe ee Cusmaan Bin Cafaan uu diyaarinaayay qoritaankii musxafkii qur’aanka waxaa la tixraacay kitaabkii ay Xafsa Bin Cumar haysay.
3. Furashadii Imbaroodooriyaddii Sasanayd ee Faaris: dawladdii islaamka ee cusbayd waxaa ku meersanaa labo imbaraadooriyadood oo waaweyn oo midi ahayd tii Faaris, tan kalana ahayd Bisandiiniya oo ahayd qeybtii bari ee imbardooriyaddii itaalka weynayd ee Room. Taliskii muslimiinta ee markaas uu Abu Bakar hoggaaminaayay culaysyadii labadaas awoodood walwal bay ku hayeen, haddaba wuxuu go’aansaday taliskii islaamku si loo adkeeyo amnigii Dawladdii Islaamka ee cusbayd in la hawl galiyo qolooyin caraba oo daris la ahaa dhulalkii labadaas xoog. Nin la oran jiray Musannaa Bin Xaarisa oo duq sare u ahaa qolooyinkii Carbeed ee degganaa waqooyi-barigii Jasiiradda Carabta ayaa la hawlgaliyay wuxuuna ku gulfay meelo Ciraaq ku yiil oo markaas ay Boqortooyadii Sasanaydku ay ka talinaysay. Guulo ayuu ka soo hooyay Musannaa weerraradii dhuumaalaysiga ahaa. Markii dambe ,Abu Bakar wuxuu goostay inuu Weerar culus ku qaado Boq. Sasanaydka. Sidaas darteed, wuxuu amray Khaalid Bin Waliiid inuu weeraro Boqortooyadii reer Faaris, wuxuuna Khaalid oo wata ilaa 18,000 nin, weerar ku qaaday Ciraaq. Ciidankaas 2000 oo nin waxay ka socdeen qolooyinkii waqooyi-bari degganaa, ciidanka intiisa kalana wuxuu ahaa cududdii xoogaggii muslimiinta oo lagu soo abaabulay si is-xilqaan ahayd. Duullaankaas caanka ahaa waxaa la qaaday bishii 3-aad ee sannadkii 633-dii (MD). Isla markii uu Khaalid galay Ciraaq wuxuu ku guulaystay dagaallo xiriir ahaa. Bishii 4-aad ee 633-dii (MD) wuxuu ku guulaystay goobtii Silsiladaha (Kaadimiyah), toddobaadkii 3-aad ee bishii 4-aad isla sannadkaas wuxuu ku guulaystay Goobtii Wabiga, bishii 5-aad ee isla sannadkaas wuxuu ku guulaystay Goobtii Waljah, isla bishaas wuxuu ku guulaystay Goobtii Ullays. Toddobaadkii u dambeeyay ee bishii 5-aad ee 633-dii ee MD waxay muslimiintu qabsadeen al-Xiirah oo markaas ahayd caasumaddii qeybihii galbeed ee Ciraaq. Bishii 6-aad ee 633-dii (MD), Khaalid wuxuu qabtay al-Canbar , kadib dhawr toddobaad oo go’doomina. Toddobaadkii u dambeeyay ee bishii 7-aad ee isla sannadkaas, muslimiintu waxay qabsadeen Cayn al-Tamar. Sidaas bayna muslimiintu ula wareegeen galbeedkii Ciraaq.
Asagoo Khaalid ku sii jeeda Qaadisiyah oo ahayd qalcad ka soo horreysay caasimaddii Faaris ee waagaas oo ahayd Tesafoon (Madaa'in) ayuu Khaalid dhambaal ka helay Abu Bakar loogu sheegaayo inuu hoggaansho duullaan loo qalqaalay Suuriya oo Bisadayn markaas haysatay.
4. Duullaankii Muslimiinta ee Bisandayn: Abu Bakar wuxuu ku aruuriyay afar ciidan meeshii la oran jiray Du Qisah waxaana ciidammadaas loo diray si ay u weeraraan Suuriya oo markaas ahayd gobol ka tirsanaa Imbaraadooriyaddii Room qebteedii bari ee ahayd Bisandayn, isla markaasna ka koobnayd dhulalka maanta loo yaqaan; Urdun, Falastiin, Lubnaan iyo Koonfurta Turkiga. Ciidammadii muslimiintu markay heleen xogtii cadawga oo ahayd in cadawgii ciidammo lixaad leh dhoobay meel la oran jiran Ajanddayn way hakadeen waxayna gurmad u dirsadeen Abu Bakar (EHN). Markaas kadib, waxaa la amray Khaalid Bin Waliid inuu hoggaansho dhammaan ciidammadii islaamka ee weerarka ku ahaa Suuriya. Khaalid xilligaas wuxuu ku sugnaa Ciraaq si uu u gaaro ciidammadiisii Suuriya ku beegnaa, waxay ahayd inuu labo waddo kala doorto, mid waxay ahayd inuu qaado dhabbe maraayay Dawmatul Jandal, midda kalana waxay ahayd inuu qaado dhabbe maraayay al-Riqah. Khaalid wuxuu ku xeel dheeraa tabaha ciidanka, haddaba wuxuu go’aansaday inuu qaado dhabbe aan marna laga filayn. In kastoo la sheegay in ciidankii la socday uu labo maalmood dhex jiiraayay dhul oommane ahaa, haddana tabtaasi waxay ku noqotay kadis iyo amakaag ciidammadii Roomaanka. Khaalid wuxuu gaaray Waqooyigii Suuriya bishii 6-aad sannadkii 634-tii ee MD, isla markiina wuxuu qabtay qalcadihii Sawa, Caraq, Tadmuur, Sukhnaha, al-Qaryatayn iyo Xawaariin, wuxuuna u sii gulfay dhankii Dimishiq asagoo sii qaaday marinka hadda loo yaqaan Ciqaab. Wuxuu ka leexday Dimishiq wuxuuna aaday dhankii Bosra, taas oo caasumad u ahayd boqortooyo Carbeed oo masiixiga raacsanayd lana oran jiray Qasaana, hoos imaan jirtayna taliskii Bisandayn. Goobtii dagaal ee Maraj al-Raxaab buu ku jabiyay ciidankii reer Qasaan, caasumaddoodii Bosrana waxay is dhiibtay bishii 7-aad sannadkii 634-tii (MD).
Goobtii
dagaal ee la oran jiray Ajanddayn ayay muslimiintu ku jabiyeen ciidan lixaad
lahaa oo Bisaddayn ka socday bishii 7-aad 30-keedii sannadkii 634-tii. Markaas
kadib, Khaalid wuxuu go’aansaday inuu weeraro Dimishiq oo uu markaas ka
talinaayay Boqorkii Bisanddayn Heraculius nin uu seeddi u ahaa oo la oran
Thomas. Markii uu Thomas ka warhelay guulaha muslimiinta iyo inay ku soo aaddan
yihiin Dimishiq ayuu si aada isugu diyaariyay difaacii Dimishiq. Wuxuu u dirsay
gurmad Heraclius, si uu waqti ugu helo gurmadyadana wuxuu u sii diray ciidammo
waabiya muslimiinta. Mid ka mid ah ciidammadaas waxaa lagu jabiyay Yaquusa oo
90 km u jirtay Dimishiq una dhawayd Harada Tiberias bishii 8-aad 634-tii.
Ciidan kale oo waabinaayay muslimiinta waxaa lagu jabiyay Maraj al-Safiir
19-kii bishii 8-aad 634-tii. In kastoo muslimiintu goobihii dagaalka ku
guulaysteen, haddana Thomas wuxuu waqti u helay abaabulkiisii waxayna
gurmadyadii soo gaareen Dimishiq. Si
kastaba ha ahaatee, Khaalid wuxuu galay Dimishiq 20-kii bishii 8-aad ee isla sannadkaas wuuna
go’doonshay magaaladii. Si daran buu Khaalid isaga caabbiyay weerradii loola
dan lahaa go’doon-kaqaadiddii Dimishiq, wuxuuna 30 bari oo go’doon ah kadib
qabtay Dimishiq 18-kii bishii 8-aad 634-tii.
Markii
la qabtay magaaladii dadkii waxaa lagu soo rogay canshuur –sannadeed waa Jisyee waxaana
loo oggolaaday diimahoodii iyo arrimahoodii kalaba inay maamushaan. Haraadigii
ciidammadii Roomaanka waxaa loo oggolaaday inay guuraan helaanna 3 maalmood oo
nabada. Muslimiintii oo markaas kadib qaaday waddo aan hore loo aqoon waxay
ciidammadii Roomaanka ku jabiyeen Goobtii Maraj al-Dibay oo 190 km u jirtay
Dimishiq.
Intii
ay Dimishiq go’doonka ku jirtay buu geeriyooday Abu Bakar, Cumar Bin Khaddaab
baana noqday Khaliifkii Labaad. Cumar wuxuu u diray warqad lagu faraayay Abu
Cubayda Bin al-Jarraax inuu talada ciidammada la wareego. Sida la sheegay Cubayda ma soo bandhigin
warqaddaas ilaa magaaladii la qabtay kadibna hoggaamintii isagaa la wareegay.
No comments:
Post a Comment