Friday, July 25, 2014

Bilawgii Khilaafaddii Islaamka…Q.2aad


Bilawgii Khilaafaddii Islaamka…Q.2aad

(Cumar Bin Khaddaab)

Cumar (579-644 MD) markuu qabtay taladii muslimiinta ee uu noqday Khaliifkii 2-aad waxaa la siiyay naanaysta al-Faaruuq oo macnaheedu yahay kan kala saara waxa qumman iyo waxa aan qummanayn. Cumar Bin Khaddaab Ibnu Nufayl wuxuu ka dhashay qolodii Banu Caddeey oo ahayd jifo Qureesh ka tirsan. Hooyadi waxaa la oran jiray Hantama Bintu Hishaam waxayna ka soo jeedday qolodii Banu Makhsuum.

Sida la sheegay Cumar yaraantii wuxuu ku raaci jiray geelii aabbihiis banankii ku dhawaa Maka. Waxaa kaloo la sheegay in aabbihiis ahaa nin mudnaan sare ku dhex leh qolodiisii, isla markaasna ahaa ganacsade heerka kowaad ah. Sida mar dambe Cumar laga wariyay; aabbahay wuxuu ahaa nin naxariis daran. Aad iyo aad buu iigu shaqayn jiray ilaa aan tabar gabo, haddaan shaqayn waayana wuu i garaaci jiray.

Cumar yaraantiiba wuxuu bartay sida wax loo qoro, iyadoo waayahaas ay yaraayeen dadka wax qori karaa. In kastoo uusan gabyaa ahayn wuu jeclaa gabayga. Sidii dhaqanka u ahayd Qureesh, Cumar isagoo kuray ah buu bartay tabaha dagaalka, fardo-fuulka iyo lagdinta. Wuxuu ahaa nin dheer, jir xooggan leh, wuxuuna isla markiiba noqday lagdamaa caana. Wuxuu kaloo ahaa aftahan garaad sarreeya leh, wuxuuna isla markii aabbihii dhintay qolodiisii u noqday maareeyaha xiisadaha dhexdooda.  Sidii dhaqanka u ahayd Qureesh, wuxuu Cumar noqday ganacsade, wuxuuna safarro ku tagay dhulalkii ay Faaris ka talin jirtay iyo kuwii ay Room ka talin jirtay, meelahaas oo uu ku darsay hannaanada bulshooyinkaas. Khamriga oo waayahaas hab-dhaqameed u ahaa Qureesh, Cumar  aad buu ugu sheegganaa.

610 MD markii Nabi Maxammad (NNKH) fidintii diintii islaamka la soo banbaxay Cumar wuxuu ka mid ahaa dadkii ka hor yimid, wuxuuna ku gooddiyay inuu dilaayo nabiga. Wuxuu aad u aamminsanaa midnimada Qureesh, wuxuuna u arkay inay diintii cusbayd qaybinayso tolkaas, sidaas darteedna wuxuu ka mid ahaa kooxihii go’aansaday in la dilo nabiga. Si kastaba ha ahaatee, Cumar wuxuu islaamay sannadkii 616-kii waxaana la sheegay inuu islaamay kadib markuu ka dhagaystay seeddigi Saciid Bin Sayd aayado kamid ah Suuradda Daxaa: Dhab ahaan, waxaan ahay Ilaah: Eebbe aan aniga ahaynna ma jiro; sidaas awgeed ii adeeg (kaligay), xusitaankaygana u oog salaadda (Qur’aan 20:14). Waxaa la sheegay kadib markuu dhageystay aayadahaas inuu ooyay, yirina; “Waxaa run ah in kani yahay eraygii Ilaahay. Waxaan marag ka ahay in Maxammad yahay nabi xagga Eebbe laga soo diray.”

Markii uu Cumar qaatay islaannimada wuxuu bilaabay inuu si cad ugu tukado Kacbada oo aysan markaas muslimiinta kale ku dhiirran karin, waxaana arrintaas aad uga carooday labadii hoggaamiye ee kala ahaa; Camar Ibnu Hishaam iyo Abu Sufyaan Ibnu Xarbi, ku mase dhicin inay farageliyaan. Sidaan dambe, waxay caawisay muslimiintii markaas laga taag roonaa.

Sannadkii 622-kii buu nabigu amray in loo qaxo Yasrib oo markii dambe loo bixiyay Madiina, waxayna ahayd in si qarsoodi ah loo qaxo, iyadoo laga cabsanaayay colaaddii ba’nayd ee Qureesh u qaadday islaamkii curdanka ahaa. Cumar oo uu weheliyo ina adeerki, seeddigina ahaa; Saciid Ibnu Sayd si muuqatay uga guureen Maka, asagoo Cumar ku dhawaaqaya sidaan: “midkii raba inuu asay u saaro afadiisa, rabana in carruurtiisu noqoto agoon ha iigu yimaado qarkaas gadaashiisa.”

Markii Madiina la tagay kooxihii Muhaajiriinta ee ka yimid Maka waxaa rumaynta diinta awgeed lala walaaleeyay kooxihii Ansaarta ee reer Madiinaha ahaa, waxaana Cumar lagu lammaaniyay walaal ahaan nin la oran jiray Maxammad Ibnu Maslamah. Cumar wuxuu ka qeybgalay dagaalladii muslimiinta sida; goobtii Badar.  Uxud. Dhufayska, dagaalii kadhanka ahaa labadii qolo ee Yuhuudda ahaa ee kala ahaa; Banuu Nadiir iyo Banu Quraydah iyo Heshiiskii Xudaybiyah. Wuxuu gabadhiisii Xafsa siiyay nabiga sannadkii 625-kii MD.    

Sannadkii 632-dii markii Nabi Maxammad geeriyooday, waxaa la sheegay in Cumar qaadan waayay inuu nabigii dhintay, wuxuuna ku gooddiyay baa la yiri; inuu madax ka goyn doono qofkii yiraahda, nabigii waa dhintay. Markaas kadib, waxaa la hadlay bulshadii muslimka ahayd Abu Bakar oo yiri oraahdiisii caanka noqotay; “Kii Maxammad caabudi jiroow, Maxammad waa dhintay, kii Alle caabudi jiroow Alle waa nool yahay waligiisna ma dhiman doono.” Markaas kadib, Cumar jilbuhuu dhigtay wuxuuna garwaaqsaday runtu siday ahayd.

Intii uu Abu Bakar talada hayay Cumar wuxuu ahaa la-taliye iyo madaxa xoghaynta. Intii ay socdeen dagaalladii Riddadu Cumar iyo Khaalid Bin Waliid waxay ahaayeen hoggaankii abbaanduulka ee dawladdii islaamka ee cusbayd.

Kahor intuusan dhiman Abu Bakar sannadkii 634-tii MD, wuxuu u sharraxay Cumar inuu noqdo khaliifkii isaga xigay, wuxuuna ku yiri baa la yiri madaxdii la shaqaynaysay; “Haddii Eebbahay i weyddiiyo yaad ku soo dhaaftay taladii, waxaan oran doonaa dadkaaga kii ugu fiicnaa.”

Khilaafaddii Cumar Bin Khaddaab
Cumar wuxuu ahaa baa la yiri, nin ku adag qummanaanta, maamul-wanaagga,  go’aan-adkaanta, eexo-la’aanta, xirribta, sinnaanta, caddaaladda iyo u-roonaanta saboolka. In kastoo markii hore, qaar kamid ahaa madaxdii islaamkii ay ka maageen hoggaanka Cumar adadeyggiisa awgiis, haddana dhammaadkii waxaa loo caleemo saaray inuu noqdo Khilaafkii 2-aad ee Dawladdii Islaamka, wuxuuna taladii la wareegay 22-kii bishii 8-aad ee sannadkii 634-tii. Madashii uu kala wareegay talada ayuu khudbaddaan ka jeediyay:

"Kuwaan rumeeyow! Abu Bakar wuu galbaday. Wuxuu ku qanacsanaa inuu ku hoggaanshay markabkii Dawladdii Muslimiinta meel nabada kadib markii uu ka gudbiyay baddii kacsanayd.. Wuxuu si libin leh u qaaday dagaalladii Riddada waana uga mahad naqaynnaa. Maanta islaamku waa kan ku baahsan dhulalka Carabta. Abu Bakar kadib, hoggaamintii islaamka anigaa u xilsaaran. Waxaan ilaahay hortiisa dhaar ku marayaa inanan doonayn xafiiskaan.Waxaan rabi lahaa in xilkaan uu qaado qof kale oo aniga iga mudan. Hase yeeshee, hadda danta guud awgeed, anigay i fuushay hoggaamintii muslimiintu, waxaanna idin ka ballan qaadayaa inaanan ka carari doonin mas’uuliyaddayda iyo inaan ku dadaali doono intii awooddayda ah u-fulinta hawsha sida uu okobban yahay islaamku…Waxaan u ciirsan doonaa Kitaabka Kariimka ah, waxaanna raaci doonaa hab-dhaqankii Nabigii Dhawrsanaa iyo siyaalihii Abu Bakar. Si aan hawshaan u fuliyo waxaan idin ka rabaa kaalmo. Haddaan qaado dhabbaha qumman i raaca, haddaan ka leexdo dhabbaha qummanna i toosiya si aannaan u habaabin.”

Cumar wuxuu ahaa nin la siiyay aftahannimo weyn arrintaas oo uu ku soo jiitay quluubtii dadkii muslimiinta ahaa. Wuxuu aad xoog u saaray arrimahii ku saabsanaa saboolnimada iyo dadkii danyarta ahaa. Wuxuu xoreeyay dhammaan dadkii lagu qabsaday dagaalladii Riddada oo addoonsiga la kaxaystay, taas oo u keentay in si gaara uu taliskii Cumar taageero uga helo dadyowgii reer guuraaga ah.

Dawladdii Cumar waxay u qeybsanayd gobollo iyo maamullo khaliifka hoos imaanaayay laakiin lahaa madaxbannaani gaara sida Asarbijaan iyo Armiiniya. Gobol walba waxaa maamulaayay Waali, waxaana dooran jiray Cumar laf ahaantiisa. Gobol walba waxaa uu u sii qeybsami jiray degmooyin waxaana khilaafaddu lahayd ilaa 100 degmo, waxaana degmo walba maamuli jiray guddoomiye la oran jiray Caamil, inta badanna waxaa magacaabi jiray Khaliifka, marmarse waxaa magacaabi jiray guddoomiyaha gobolka waa Waaliga e. Dhanka kale, waxaa gobol walba ka jiray xilal:

1-    Kaatib, oo ahaa Xoghaynta Guud.

2-    Kaatib al-Diiwaan, oo ahaa Xoghayaha Ciidanka.

3-    Saaxib al-Kharaj, oo ahaa Canshuur Aruurshaha. 

4-    Saaxib al-Axdaas, oo ahaa Madaxa Booliiska.

5-    Saaxib Baitul Maal, oo ahaa Xafiiska Hantidhawrka.

6-     Qaadi, oo ahaa Madaxa Garsoorka.

Aalaa Waaliga ayaa ahaa taliyaha ciidanka, laakiin meelaha qaar waxaa jiray taliye ciidan oo madaxbannaanaa. Mar walba qoraal baa madaxda lagu magacaabi jiray, marka saraakiisha la magacaabayana waxaa guddoomiyaha ama Waaliga laga rabay inuu dadweynaha masaajid isugu keeno, waxaana halkaas saraakiisha lagu fari jiray siyaalihii looga fadhiyay inay ku dhaqmaan. Tilmaamihii guud ee Cumar fari jiray saraakiishaas waxay ahaayeen:

Xusuusnaada, idiin ma magacaabin inaad noqotaan taliyayaal ku jawrfala dadka, waxaanse idiin diray inaad noqotaan hoggaamiyayaal, dadku ay tooda ku daydaan. Muslimiinta xaqooda siiya, hana garaacina, iskaba daa inaad u geftaane. Si aan habboonayn ha u ammaanina, iskaba daa inay kibir ku dhacaane. Ha ka xiraninna albaabadiinna, iskaba daa in kuwooda xoogga badan cunaan kuwooda taagta yare. Ha ula dhaqmina sidii idinkoo ka sarreeya iyaga, taasoo ah sida jawrfaluhu iyaga ku sameeyo.”

Waxaa kaloo jiray hab-dhaqameedyo waayahaas la qaayibay sida in guddoomiyaashu xilliga Xajka soo aadaan Maka, markaas oo dadweynaha loo jideeyay inay guddoomiyaasha dacwo ku soo oogaan, haddiiba ay jirto eedayn.

Si looga hortago musuqmaasuqa wuxuu Cumar go’aamiyay in shaqaalaha la siiyo mushaarooyin sarsare. Tusaale ahaan, guddoomiyaha gobolka waxaa loo gartay in la siiyo 5 ilaa 6 kun oo dirham sannad walba, waxaana u sii dheeraa saamigiisa wixii la soo furto waqtiyada dagaalka, hadduu markaas yahay taliyaha ciidanka ee aaggaas.

Dhulalkii uu Cumar ka talinaayay waxaa loo qeybshay sidaan:

1-    Carabta waxaa loo qeybshay labo gobol, Maka iyo Madiina.

2-    Ciraaq waxaa loo qeybshay labo gobol, Basra iyo Kuufa.

3-    Dhinacyada sare ee Dijlah, Furaad iyo Jasiira waxaa laga dhigay gobol.

4-    Siiriya waxay ahayd gobol.

5-    Falastiin waxaa laga dhigay labo gobol, Iiliyaa iyo Raamallah.

6-    Masar waxaa loo qeybshay labo gobol, Masar Sare iyo Masar Hoose.

7-    Faaris waxaa loo qeybshay seddex gobol, Khorasaan, Asarbijaan iyo Faaris.

Cumar wuxuu markii ugu horreysay sameeyay hey’ad baaritaanno ku samaysa eedaha kadhanka ahaa saraakiishii dawladda. Hey’addaan waxaa madax looga dhigay Maxammad Ibnu Maslamah oo uu magaacaabay Cumar aadna uu ugu kalsoonaa. Sidoo kale, waxaa la abuuray hey’ad xuuraanka ama dhuhlaynta qaabbilsanayd si loola xisaabtamo madaxda dawladda.

Khilaafaddii Cumar waxay keentay in horumar laga gaaro dhinacyo badan sida:

-        Waxaa la fidiyay lana cusboonaysiiyay Masaajidka al-Xaram ee Maka iyo Masaajidka al-Nabawi ee Madiina.

-        Wuxuu u oggolaaday in Yuhuuddu dib u degi karaan Baitul Maqdis, halkaas oo markii hore talisyadii Masiixiyadda rumaysnaa ay u diideen inay soo galaan magaaladaas.

-        Waxaa la jideeyay in muslimiinta iyo kuwa aan muslimka ahayn ay caddaaladda iyo arrimaha kalaba u sinnaadaan.

-        Waxaa la gundhigay hababkii garsoorka waxaana Cumar lagu tiriyaa inuu Fiqiih weyn ahaa oo aad ugu dadaala caddaaladda.

-        Sannadkii 641-dii baa la aasaasay Bait al-Maal oo ahayd hey’ad-dhaqaaleed, waxaana la bilaabay in sannad walba la siiyo gunnooyin muslimiinta saboolka, agoonta iyo waayeelka dadyowga aan islaannimada qaadan.

-        Sannadkii 639-kii MD ee ku beegan 17-kii Hijriyada wuxuu amray in la gundhigo taariikhda islaamka iyadoo laga bilaabaayo maalintii muslimiintu u qaxeen Madiina, sidaasna waxaa ku hirgalay taariikhda Hijriyada.  

-        Intii uu Cumar uu talada muslimiinta hayay waxaa lagu guulaystay in Khilaafaddiisa la hoos keeno dhulalka; Shaam, Masar, Cyrenaica, Tripolitania, Fezzan, Bariga Anatolia, inta badan Imbaraadooriyaddii Faaris, Qooqaas iyo Makraan. Sidaas darteed intii Cumar talada hayay horumar lixaad leh baa laga gaaray dhankii furashooyinka ama gaarsiintii islaannimada dhulalkii kale. Markii uu Cumar geeriyooday sannadkii 644-tii waxay Khilaafaddii ama Dawladdii Islaamku fidsanayd; dhanka galbeedka Liibiyada maanta ilaa dhanka bariga wabiga Indus iyo dhanka waqooyiga wabiga Oxus.

No comments:

Post a Comment