Thursday, July 31, 2014

Guuleed Ma Joogaa? (hees)


Waxyaalaha maansada Soomaaliyeed qiradeeda kordhiya waxaa kamid ah khiyaaliga ama male-awaalka, waxaana bila sarbeebta iyo culayska erayada, kuwaas oo lagu jaangooyay heestaan oo uu hal-abuuray Allahaw naxariistee C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam). Haddaba si uu u garto qof walba waxaan qaadaa-dhigaynnaa meerisyada heesta, isla markaasna waxaan hoos ku qeexaynnaa erayada aan is leenahay dadka qaar way ku adkaan karaan:

Xalay gelin dhexaadkii
Maraan mayrac-guuraha
Sheedda guriga faalalay
Oon himilo gaara leeyay
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacay
Sida gooni-daaq cawl
Gaaf meeray socodkii

Xalay fiidkii iyadoo caddo ah ayaan gurigaygii ka soo baxay waxaanna kaligay agagaarkiisa u mardaaddinaayay/mushaaxaayay sidii aan ahay cawl gooni u daaqa, waanna hamminaayay.  

Oon guud haldhaa iyo
Mililicay Gob weynoo
Midba gooni laamaha
Rucub mira guntaday
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexda deri garaaraha
Hadba gees u liicaan

Iyagoo hammigii iyo himiladii ay laabtayda ku jiraan, baan waxaan arkay hummaag ila noqday haldhaaga gorayada oo inta baallihii fidiyay is humbulay amase geed Gob ah u eg. Waxaan qalbigayga ka suureeyay hadduu yahay geed, waxayna ila noqotay inuu yahay geed laamihiisa mid walba ay la tiicayso rucubyo miro ah. Geedkaas laamihiisa sida ay hadba dhinac ugu liicayaan, waxaad mooddaa inay garaaro leeyihiin.  

Oon wali gar-eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo

Xididkiisa gaarrani
Deyrtoo gidaaddiyo
Gu' la waayay aragoo
Gondaha rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Harka geedku bixiyaa
Neecaw gaara leeyahay
Oon halaq-galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu guri Karin

waxaan male awaalay inaan geedkaas hoostiisa caddaalad-darro ka dhicin, waayo wuu qallali lahaa. Waxaan kaloo male awaalay inaan geedkaas gudin lala dhicin, waayoo wuu naafoobi lahaa. Geedkaasi waligi ma waayin roobabka guga iyo deyrta da'a, mar walbana waxay xididdadiisu dhex qotomeen ciid qoyan waa rayskee. Geedkaasi meelo halagqu galo ma laha, haaddu waxay ka cuntana wax-dhimaal u ma laha. Geedkaas hooskiisu wuxuu leeyahay neecaw aan laga heli karin geedaha kale hoostooda.


Oo meel gabbaadliyo
Sabad guri ku yaalloo
Leexa is galooshiyo
Ufo garame kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin

Geedkaasi wuxuu ku yaallaa meel dugsi leh oo heelad guri ah. Dabaysha is galoosha ee leexada la yiraahdo iyo duufaan roob wadataa midna ma rujin karo.   

Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuusta
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqa
Geed iiga dhigaye
Illeyn araggu waa gabar

Jamasho qalbigayga ku jirtay iyo dareenkii laabtayda labo-rogmaanaayay baa indhahayga ilmo ka buuxshay oo muuqaalka, geed iiga dhigaye illeen hummaaggu waa gabar.

Mase garanayee talo!
Guurti yaw mari laa?
Goob xaarashada yaa
Isagoon gesamin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogatay laabtee
Googgaale badanaa
Gudbi weyday socodkee
Ma god baa horteeda ah?

Sidaan moodaayay iyo siday noqotay awgood, waan garan waayay si aan yeelo oo heedhaha tanoo kale hadday dhacdo, qofkee kaligi go'aan gaari lahaa, isagoon helin caawin ama hamboorrin.? Markay halkaas arrintu maraysay waxaan jeclaystay inaan helo qof wax ii tilmaama, waxaa igu batay su'aalo aan naftayda weyddiinaayay. Fakarkii iyo isla hadalkii bay naftaydii la dhaqaaqi weyday sidii iyadoo uu ku gudban yahay hog aan la dhaafi karin. 

Inaan laba mid soo galo
Sow ila ma gudboonaan
Geesi waaya-aragi
Danti ka ma gaddoomee
Sow ardaaga gurigeeda
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereyo googgo’an
Goolbaar ku maan oran
Guuleed ma joogaa?

Waxay ila noqotay inaan labo mid yeelo; inaan iska daayo gabadha iyo inaan u bareero oo u tago. Dantaydu waxay ku jirtay inaan u tago oo la hadlo, qofkii geesiyihina dantiisa waw bareeraa. Markaas kadib, waxaan u imid reerkii gabadha, anigoo iska dhigaaya nin raadinaaya nin magaciisa Guuleed la yiraahdo. Gabadhii baan weyddiiyay in Guuleed joogo iyo in kale.

Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirrigelina
Googgaa ma oranoo
Sheekadii iga ma gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol ii ma soo dhigin

Gabadhii waxay garatay in aan Guuleed ku sarbeebtaye, qofka aan rabay yahay iyada laf ahaanteeda. Kadib, waxay igu la hadashay erayo kaftan ah oo ay ula jeedday dhiirragelintayda. Su'aalo bay i weyddiisay, jawaabihiina way iga gurtay, isla markaasna sidii lagu yaqaannay gaarida, gogol bay ii dhigtay wayna i soo dhaweysay.

Haasaawe guudoo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aan libin ku gaarnaa
Goobtaa ka may dhalan

Laxawgaa guntamay iyo
Faraxaa ka soo go’ay
Qalbigii gurnaa baa
Irmaanaaday galabtaa
Kulankii aniga iyo gabadhii waxaa ka dhashay is-barasho iyo kalgacal aan ku higsanno liibaan. Dareenkaas kalgacalka leh ee aan wada abuurnay iyo go'aannadii wada-jirka ahaa ee aan gaarnay, waxay nugleeyeen fiidkaas qalbigaygii markii hore adkaa ama gurnaa.

Gacma furan dhankaygee
Daalo geedaheedii
Diib aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu galeeyaan
Kuu geliyay qoortee

Deeq gacalle weeyee
Gobaad waxaad u dhiibtaan
Boholyo aan qof ii gelin

Intii aan gu' noolaa
Arrimahaas aan wada gaarnay xaggayga si niyad ah baan u soo dhaweynayaa, waxaanna qoorta u surayaa gabadhaas xirmooyin udgoon oo ubaxa oo aan ka soo guray Buurta Daalo. Idinkuna waxaad Gobaad (magacii gabadha) u geysaan fartiintayda xanbaarsan, jaceylka aan iyada u qabo, waxaadna u sheegtaan intii aan noolaa inaanan sidaan oo kale wax u jeclaan.

Saldhiggii xishoodkaay
Adiguna garaad badaneey
Maanku kaa ma guuree
Murtidaan la
goohay
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ka godladay ha gaagixin

Waxaan gabadhaas garaadka badan oo xishoodka huwan, maankeeda Ilaah ma doorshee, u sheegayaa in maansada aan sheegay ay iyadu ka mudan tahay gabdhaha kale in loo tiriyo, waxaanna ka codsanayaa inaysan caashaqa i galay igu gaagixin ama gurin.

Erayada:
1- Mayrac: daajinta xoolaha fiidka hore. Halkaan wuxuu leeyahay fiidkii horaan socday ama warwareegay. Marka la yiraahdo mayrac-guure; wuxuu macnuhu noqonayaa socdaal wax lagu raadinaayo ama socod ujeeddo leh.
2-Sheedda: meel durugsan, kor, fog.
3- Galsho: godad laga ag sameeyo balli guraaya oo xareeddu ku soo miiranto. Halkaan godka ama galka uu dayaxu galo.
4- Galalacay: kaahay, iftiimay.
5- Gaaf: kob la qurxiyay oo arooska iwm lagu dhigo. Dibad; hareer. Gaaf meeray; wuxuu ula jeedaa, si wareegaalaysi ah baan u soconaayay.
6- Rucub: cuntub miro ah ama ubaxa oo hal laan ka lusha.
7- Raamuhu: Raamo oo ah wadarta raan; waa timo qeyb-qeyb isugu maran. Halkaan waa laamo isku maran.
8- Gardho: dhogorta ubadka geela; timaha jilicsan oo rigrigada yeesha marka la firo. Halkaan wuxuu u jeedaa qeybaha jilicsan ee geedka. 
9- Gaarrani: daboolan, dahaaran. wuxuu u jeedaa laantii waxaa qariyay caleemo iyo hoobaan.
10- Gidaad: geyrasho; dhirfid; caro.
11- Gabbaad: wax looga gabbado dhaxanta iwm.
12- Sabad: guriga agagaarkiisa; heelad
13- Ufo: dabayl roob wadata oo xoog leh
14- Gilgil: ruxruxid; liiliijin.
15- Godol: marka naasleyda caanuhu candhada soo buuxshaan.
16- Gadaf: wax qaab wareegsan leh. Halkaan wuxuu leeyahay waan wareegaaleystay.
17- Gondaha: cago, lugo. Halkaan xididadda geedka 
18- Googgaale: waa eray fure u ah su'aalo sarbeeban ama daboolan oo la is weyddiiyo.
19- Gaashaan: waa aalad waayihii hore la isaga dhigi jiray waranka iwm oo laga samayn jiray; harag, geed, macdan iwm. Halkaan waxaan arrinkaygii ag dhigay gabadhii aan jeclaystay.
20- Goolbaar: su'aal si dadban loo weyddiiyo oo looga jeedo in jawaab saxa la helo; duur-xul.
21- Sarbeeb: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoon tahay.
22- Haasaawe: sheeko ama hadal la isku maaweeliyo.
23- Gardaadin: xus loo sameeyo ilmaha afartanka maalmood jirsada; qof wanaag lagu yaqaan baa qaada oo la orda ama faras baa lagu taxaabaa. Halkaan sheekadii lammaanuhu bilaw fiican bay yeelatay ama wanaag baa lagu gardaadiyay.
24- Laxaw: dareen xanuun ama kaar leh.
25- Gesamin: aan waxba quudan, aan waxba dheefsan. Halkaan aan kaalmo helin.
26- Galeeyaan: gal waa wax daboolmi kara oo ka samaysan warqad, loox, bir iwm. Halkaan warqaddii gacalisada uu u diray buu ku xareeyay gal xaashi ka samaysan. 
27- Deeq: wax la isa siiyo oo aan xoolo iwm la dhaafsan ama lagu doorsan.
28- Gobaad: magac gabdhaha ama hasha loo baxsho.
29- Boholyow: tebidda wax la jecel yahay; hiloow; jamasho.
30- Gogatay: Gogasho waa arrin aan la dayn sidii habboonaydna aan loo qaban; taataabsho. Halkaan wuxuu u jeedaa laabtaydaa ku walaacday.
31- Gunno:  wax si dheeri ah la isu siiyo sida; wax la qeybsaday oo qof ka mid ah saamileydii loogu daray wax dheeri ah; buro. 
32- Gaaggixin: godol-baabi'in wax la qoonsaday darteed. Halkaan wuxuu leeyahay jeceylka curtay ha baabi'in ama gaaggixin.
33- Diib: wax udgoon.

No comments:

Post a Comment