Friday, August 15, 2014

Hidde Maw Lahayn? (hees dhaqameed)

Wiilka:
Reer hodanahoo
Lagu hoydo oo
Golayow la haray
Hargo meelo dhigo
Hidde maw u lahayn?

Gabadha:
Ahey Hirow
Hiddaheenna wacan
Waa lama-huraan

Wiilka:
Gabar haybad loo
Halabaysatoo
Hanti laga baxshoo
Haasaawe gacal
Harka loola dhaco
Hidde maw u lahayn?

Gabadha:
Ahey Hirow
Hiddaheenna wacan
Waa lama-huraan


Wiilka:
Saantii martida loo hayniyiyo
Hariga iyo barkin
Hidde maw lahayn?

Gabadha:
Ahey Hirow
Hiddaheenna wacan
Waa lama-huraan


Wiilka:
Wiil hanadahoo
Halo soo rogo oo
Hanti iyo hunguri
Labadaba hiroo
Hubka aan dhigayn
Hidde maw lahayn?

Gabadha:
Ahey Hirow
Hiddaheenna wacan
Waa lama-huraan


Wiilka:
Wawga iyo ha'da
Oon ku hanuunniyo
Hadallada runta
Hidde maw lahayn?

No comments:

Post a Comment