Friday, August 29, 2014

Haddana Ma Dhul-Badeedkii Baa? (maqaal)


                                                       

    Sida lagu wariyay Hey'adda War-tabinta ee FB shalay oo ahayd bishii 8-aad 28-keedii, sannadkaan 2014-ka waxay Soomaaliya u gudbisay dacwad Maxkamadda Garsoorka Caalamiga (ICJ). Sida la xusay waxay Soomaalidu ka dacwoonaysaa is-mariwaaga ku saabsan seeraha badda ee ka dhexeeya iyada iyo Kenya. Waxaa kaloo la xusay in dhul-badeedka la isku haysto ee u dhexeeya labada dal oo uu ka buuxo shidaal ay Dawladda Kenya mar hore heshiis kula gashay shirkadaha shidaalka baara ama soo saara. 

    Arrinkaan ku saabsan seere-badeedka labada dal iyo muranka la aloosay wuxuu soo jiitamaayay dhawr sano. Sida muuqata waa shirqool looga gol leeyahay in lagu xalaalaysto qeybo kamid ah dhul-badeedka Soomaaliyeed oo waxtar badan leh. Dawladaha reer galbeedka oo waligoodba ku danaysta, Kenya maantana dabaday ka riixiyaan si ay u gaaraan ujeeddooyin dan u ah dalalkooda. Tabo kala duwan bay adeegsanayaan si ay u gaaraan ujeeddadooda. Intii Soomaaliya ay lahayd taliskii xoogga lahaa marna iyo meelna lagu ma sheegin is-afgaran-waa noocaana oo dhex yiil labadaas dal, waxaase sheekadaan la soo saaray markii Soomaaliya burburtay, lana ogaaday barwaaqada baddeeda dhex ceegaagta. Waxaa kaloo la abuuray sheeko beena oo oranaysa argagixisada Soomaaliya ayaa khatar ku haysa Kenya, kadibna ciidammada Kenya oo hiil iyo hoo ka haysta bahweynta reer galbeedka ayaa duullaan nin-tooxsiya ku soo qaaday dalkii Soomaaliya oo sharci ahaan, ahaa dal xor ah. Markaas kadib ciidammadii Kenya ee gardarrada ku soo duulay baa la huwiyay sharci goboleedka loo yaqaan IGAD, kaas oo Kenya daw u siinaya inay siday doonto uga faltanto Soomaaliya, gaar ahaan aagaggay danta ka lahayd.

    Dhammaan inahaaas kore waxay kamid ahaayeen tillaabooyinkii bilawga ahaa ee lagu higsanaayay yoolka ah yeelashada qeyb kamid ah dhul-badeedka Soomaaliyeed oo lagu wado inay dhan tahay 40,000 ilaa 100,000 kiilo mitir oo labo jibbaaran. Maantana waxay maraysaa in la yiraahdo maxkamad caalami ah baa ka garsooraysa. Maxkamadda ICJ ee Hague ku taal, waa la og yahoo waxaa gadaal ka fadhiya awoodda dawladaha reer galbeedka. Isla dawladihii kharashyada ku bixinaayay sidii Soomaali loo kala dhantaali lahaa baa haddana garsoore u ah. Is la dalalkii duullaanka ku ahaa ummadda Soomaaliyeed ilaa qarnigii 16-aad oo mar walba la safnaa nacabka Abasiiniya iyo Kenya baa maantana garsoor loo siman yahay laga sugayaa. Is la dalalkii ka la qoqobay ummaddii Soomaaliyeed ee shanta qeybood u ka la ooday, intii hartayna sii ka la daadinaya baa la yiri; garta iyagaa idiin qaadaaya. Sow go'aanka maxkamaddaasi maaha mid la og yahay, intaan dacwadaba la qaadin? 

    Dhanka kale, saldhigga cabbirka soohdin badeedka, waxaa ka mid ah in diillin gudban laga xarriiqo meesha ugu hooseysa xeebta la rabo in la qeexo xadka badeedkeeda, kadibna lagu qotomiyo diillin, tan hore la sameyneysa xagal 90 darajo ah, markaasna dhererka diillintii qotontay laga mala awaalo xadkii la rabay, tan hadda la filaayo in dunida laga hirgashana waa 350 mayl badeed. 

    Labada dal ee Keenya iyo S/liya waxay leeyihiin xeeb isku taxan oo ku dhereran badweynta Hindiga. Wuxuu qofkii ku safra xeebtaas ama khariiddadda si wacan u dhuuxaa arkayaa in baxaaliga labada dal xeebahoodu kala duwan yahay. Tan Keenya ayaa dhulka sii gashan.

    Waxay tahay, marka la hadoodilaayo qorshaha xadeynta labada soohdimood, in diillimaha gudban ay noqdaan barbarro (parallel). Haddaysan noqon barbarro, waxaa hubaal ah inay kuwa qotomaa oo cabbirkii la rabay lagu beegayo ay is goyn doonaan. Waxaa dhici karta in diillinta qotonta ee Keenya ay soo abbaarayso dhanka soohdinta badda S/liyeed. Sidaasna ay labadii qotomay isku jaraan gudaha xad-badeedka S/liyeed, halkaasna lagu waayo hanti qaran. Arrintu sideedaba waxay ku xiran tahay halka diillinta gudban (horizontol) la marinaayo, waana xeesha ay wataan xoogagga la duuban Kenya. 

    Iyadoo dhinac walba looga soo duulay Soomaaliya oo sidii la doono loo faanbinaayo ayaa ummaddii lagu mashquuliyay kala-oodashada dagmooyinka iyo tuulooyinka. Waxaad mooddaa in ummaddaas looga dhigay gobolladeedii iyo tuulooyinkoodii qalab-carruureed (toys) ay ku ciyaarto, intay ciyaaraysana waxaa lagu talagalay in dano gaara la fushado.


    No comments:

    Post a Comment