Friday, August 15, 2014

Had Maad Gacalle Soo Noqon? (hees..Yamyam "AUN")


Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) wuxuu ahaa hal-abuur dal-yahanimadu dhuuxa dhex qaadday. Sidoo kale wuxuu ahaa nin maansada laxawga ku badiya. Heestaan wuxuu ku male awaalayaa gabar jeclaatay inan degmadiisii ka ag fogaatay degaankeedii oo intaas ka goobaysa dhulalka carrosanka ee daaqsatadu u hayaanto mararka dhulalkaasi roobab ka da'aan. Heestu, mar waa cashar ku saabsan barashada degaanada iyo erayada, marna waa suugaan dareenka u bislaynaysa kalgacalka dhabta. Yamyam wuxuu ahaa ma'wiga suugaanta hodonka ee Soomaaliyeed, allow u naxariiso:

Geyigoo barwaaqa
Gaaroodi roob helay
Meel xareeddu galac too
Jeexiyo gelgelima
Oo geedihii baxay
Faraqii is gaaroo
Cidina ayna kala garan
Gomoshiyo ciidka
Waxaan kaa dhex goobaa
Goonyaha Nugaaleed
Beelaha u guuree

Gabbal dhiciyo waaberi
Kaa daba gucleeyoo
Way gaar dhibaatee
Had maad gacalle soo noqon?

Guryosamo haleel
Guban loogu sahan tagay
Oo yamaarug gaaxshiyo
Mareer daaqay geelii
Oo goosha naaxdiyo
Aaranku is garbinayaan
Cidina ayna kala garan
Galooftiyo irmaanka
Waxaan kaa dhex goobaa
Ceel-godan Sasabaniyo
Gebiyada Bullaalee

Gabbal dhiciyo waaberi
Kaa daba gucleeyoo
Way gaar dhibaatee
Had maad gacalle soo noqon?

Guulaamo rooboo
Aan la garan xilli uu da'ay
Oo helay galbeedoo
Leyl dhexe Galduur miray
Oo marada guudkiyo 
Geyruhu hareeyoo 
Dhirta gacaladeedii
Xiisa gaar leeday
Waxaan kaa dhex goobaa 
Kaymaha Gar-loogubay
Gosol iyo Mareerle

Gabbal dhiciyo waaberi
Kaa daba gucleeyoo
Way gaar dhibaatee
Had maad gacalle soo noqon?

Erayada:
1- Gaaroodi: waa dhul-daaqsimeed u ogog leh Hargeysa.
2- Gelgelimo: waa wadarta gelgelin waana goobta geelu ku galgasho.
3- Gomosh: waa geed hoosaad caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh.
4- Nugaal: waa dhul-daaqsimaadka caanka ah ee u ogog leh Garoowe, Laas-Caano iyo Qardho.
5- Gucleyn: orad aan la dheereynayn, gashle.
6- Guryosamo: dhul nabad iyo barwaaqo leh.
7- Guban: waa dhulka u dhexeeya Gacanka Cadmeed iyo buuraha Golis ee Soomaaliya.
8- Yamaarug: waa geed hoosaad geela waxtar fiican u leh.
9- Goosha: hasha aan dhalin ee naaxday.
10- Aaran: geela ubadnimana dhaafay, hal-weynna aan noqon, qaalmo.
11- Galoof: hal guran, aan irmaaneyn.
12- Sasabane, Bullaale: waa ceelal biyoodyo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed oo caan ku ah suugaanta Soomaalida.
13- Guulaamo: daruuro roob.
14- Galduur, Gar-loogubay, Gosol, Mareerle: waa dhul-daaqsimeedyo ku yaal Dhulka Soomaali Galbeed.
15- Geyre: Dabayl qabow oo xagga badda ka timaadda, cooli.

No comments:

Post a Comment