Tuesday, August 26, 2014

Igu Soo Dhawow (hees)


Wiilka:
Waan ku dheehdayaoo
Aan kula dhacee
Dhuuxaad gashee
Sida dhebigiyo
Dhul hareeri laan
Kuu dhuganayaa
Hameyn iyo dharaar
Halkii lay dhuftaan
Dhood-dhoodiyaa

Igu soo dhawow
Ii dhiib gacmaha
Dhiggaa baan ahoo
Kuu dhimanayee

Gabadha:
Waad i dhaaftayoo
Maalintii dhaweyd
Kuu ma dhibin wax bee
Waad dhaadan tee
Adoon dhaawac qabin
Dhib haw yeeranine
Hadday dhab kaa tahay
Kolkii lagu dhuftiyo
Ii dhammee warkoo

Kaa ma dheeriye
Waan kugu dhawee
Dhankee kaa maraa
Miyaan kugu dhegaa?

Wiilka:
Waad igu dheer too
I dhalaalisee
Igu dhereran too
Dhabarkiyo lafaha
Dhooddi iga dhigtee
Dhankaad eegtiyo
Dhinicii kastaba
Way jacayl dhabee

Igu soo dhawow
Ii dhiib gacmaha
Dhiggaa baan ahoo
Kuu dhimanayee


Gabadha:
Waad is dherer tayoo
Hadal dhaabadaad
Dhoqso ii tiree
Ma dhimmanee
Wuu kaa dhan yee
I dhegayso oo
Anoon dhego adkaan
Dhaqankiyo hiddaha
Aan kula dhisee

Kaa ma dheeriye
Waan kugu dhawee
Dhankee kaa maraa
Miyaan kugu dhegaa


Wiilka:
Waa lay dhuftoo
Dhelalowsanoo
Lagygu dhereran yee
Dhafoorrada hilbihii
Ka dhammaysayoo
Dadkoo dhaxan qaba
Dhedo qoysay baan
Kuu dhididayaa


Igu soo dhawow
Ii dhiib gacmaha
Dhiggaa baan ahoo
Kuu dhimanayee


Gabadha:
Way dhaafsan too
Dhan kalaad malaa
Dhaankaw rartee
Dhuyac iyo galool
Iyo sida dharkayn
U ma dhoohaniye
Dhinacaaga qabo
Mar kale i dhawr

Kaa ma dheeriye
Waan kugu dhawee
Dhankee kaa maraa
Miyaan kugu dhegaa?

No comments:

Post a Comment