Muran kuma jiro inuu da' weyn yahay, in kastoo aannaan wali arag tilmaamo muujinaya in waayo hore la qoray, haddana waa la tuhunsan yahay inay jireen marar la qoray. si kastaba ha ahaatee, afkaani wuxuu leeyahay hodontinimo yaab leh, waxaana ka mid ah sida xeeladaysan ee uu isu kaydiyay. Waxaan hoos ku muujinaynnaa erayo isku lammaan oo hab-dhac suugaaneed leh:
Shaqallada
A, E, I, O, U:
Af iyo addin (qof kuu hadlaya oo kula hawl gelaya)
Abaar iyo aaran If iyo aakhiro Arrin iyo adduun Ajar iyo abaal Il iyo oof Il iyo ishaaro, Abaar iyo ooda-lul Oon iyo omos Aayo iyo ayaan Ab iyo isir Ab iyo abti Omos iyo abaar Axan iyo agas (xoolahaa lagu haaraamaa)
Shibbanayaal
B:
Bad iyo berri Buur iyo bannaan Bur iyo bahal Bog iyo beer Biyo iyo baad Bar iyo buuryo Bari iyo bogox Bash-bash iyo barwaaqo Belaayo iyo baas Baad iyo barwaaqo
T:
Tiro iyo tayo Togane iyo tabane Tix iyo tiraab Talo iyo tacab Tuur iyo tarbiico Talo iyo tusmo Tol iyo taag Tamar iyo tanaad Tiro iyo tammuux Tiiraanyo iyo taws
J:
Juuq iyo jaaqla' jin iyo jaan Jiif iyo joog Jiir iyo jibaad Jaan iyo jiib
X:
Xidid iyo xigaal Xoog iyo xawo Xeer iyo xaagaan (xeer hoosaadkii) Xin iyo xaasid Xilo iyo xoolo Xan iyo xamxam Xas iyo xajiin xalaal iyo xaaraan Xuf iyo xaf Xayo iyo xishood xoog iyo xeelad xawli iyo xawaare KH:
Khayr iyo khaatumo
khaakh iyo khuuro
S:
Soon iyo salaad
Silic iyo saxariir So' iyo saan Samo iyo sareedo SH:
Sheeko iyo shaahid
Shib iyo shaamareer Shar iyo shayddaan DH:
Dheg iyo dhaban
Dhib iyo dheef Dhur iyo dhaqan Dhab iyo dhayal Dhidid iyo dheecaan Dhagar iyo dhiig Dhul iyo dhallaan Dhalaal iyo dhalanteed C:
Cidla’ iyo ciirsila'
Calaf iyo cawo Ciil iyo caro Col iyo cadaawe Cood iyo caano Carruur iyo cirroole Ceeb iyo caari Cir iyo caad Cilmi iyo caado Candho iyo caano G:
Garre iyo guntane
Godol iyo gaadiid Garab iyo gaashaan Gun iyo gob Gar iyo garowshiinyo Guul iyo gabanimo F:
Faan iyo foodho
Faq iyo fagaare Ficil iyo falaad Far iyo fool Fud iyo faar Furuq iyo fanto Fuulmo iyo fara-ku-hayn Q:
Qoob iyo qaylo
Qurun iyo qashaabiir Qulub iyo qasaawesel Qur iyo qoon Qadaf iyo qallooc Qab iyo quursi Qosol iyo qoonsi Qabno iyo qooroole (qabno: xoolo, mag degdeg ah oo xeryaha laga soo gurayo, si hadhow loogu qaybsado qoorole) K:
kaaf iyo kala-dheeri
Kor iyo kal Kun iyo kaakac Kur iyo kaafaan Kab iyo karin Kud iyo kabbax Kud iyo kaare Kar iyo kulayl Koore iyo karbaash Kac iyo kuf Kadab iyo kimis Kaar iyo kulayl L:
Laf iyo lud
Lag iyo laguug Lur iyo leeleel Lug iyo laan Laac iyo labeen Lis iyo laga-lulay Luuf iyo laacdan Laab iyo lubbi M:
Magac iyo muunad
Magan iyo mooro Mug iyo maax Muddac iyo muddaacaleyhi Muruq iyo maal Magac iyo manfac Milge iyo maamuus Marriin iyo masruuf Madax iyo minjo Muuq iyo maqnaan Marwo iyo mudane N:
Naq iyo negaadi
Naq iyo nabaad Nabsi iyo naqsi (nabsi iyo tar-sheegasho, nabsi iyo wisin aabbe galay) Nabad iyo nolol Naf iyo nacfi Neecaw iyo naruuro W:
Wadaad iyo waranle
Wadaad iyo wabiin War iyo wacaal War iyo waayaale Werwer iyo walaac Wir iyo wiirsi Wed iyo wadeeco Wahan iyo wareer Wiil iyo walaal War iyo weer-san H:
Hiif iyo haaraan
Hayal iyo heemaal Habar iyo habeynkeed Haad iyo haanraawe Hoog iyo halaag Hiil iyo hoo Hadal iyo hawraar Hungo iyo habaas Hunnu’-hunnu’ iyo hadal Y:
Yuug iyo yamaanyuug
Yur iyo yal Yaab iyo yaabkiis Yoon iyo yeer Yulqan iyo yooyootan Yabooh iyo yaahdin
Waxa jirta bad kale oo iyana tan la halmaasha, hase yeeshee ka
yar duwan marka la eego dhanka qaafiyadda, waxana tusaale loo soo qaadan
karaa:
Sal iyo baar
Kal iyo laab
Gun iyo baar
Sal iyo raad
Sir iyo
caad
Yar iyo weyn
Kas iyo maan
Xumaan iyo samaan
Dab iyo naar
Baga iyo kama'
Mas iyo kala-maan
Gar iyo xoog
Ul iyo diir
Hoodo iyo ayaan
Khayr
iyo barako
Dameer iyo labadiisa daan
Cidliyo ciirsila'
Tin iyo cirib
Far
iyo suul
Il iyo baal
Kab iyo xaarkeed
Tab iyo xeel
Dan iyo xarrago
Dhif
iyo naadir
Dan iyo hadal
Weger iyo ka-waasacan
Car iyo wir
Run iyo been
Qaraar iyo macaan
Amakaag iyo yaab, iwm.
Xeerka Tolka S/liyeed ee Ciisaha si aan loo illoobin ama aanu u lumin qodob walba wuxuu ku fadhiyaa maahmaah lagu xasuusto. Tusaale ahaan, haddii ay lab iyo dheddig gogol-dhaaf sameeyaan, waxaa Xeerka Ciisaha lagu yiraahdaa
"xayn gogoli, xeer ma leh", halka haddii uu nin qabsado gabar laga takooraayo inuu guursado gabar Ciise ah, ninkii gabadhiisa siiya kii wax qabasadayna la ganaaxaayo 15 halaad oo dhogor ah.
|
No comments:
Post a Comment