Monday, August 12, 2013

Labxadayda Beerka (hees)

Sida laamo-looshaha
Dabayluhu ay lulaayaan
Anna laydha caashaqa
U laba lagdoodee
Sida laygu weyn yahay
Lurku iigu raran yahay
I soo leged jacaylkii
Laakiinna maahee

Labxadayda beerkiyo
Haddaanan laabta kugu qaban
Noloshay laciiftee

Sida layli geeddiya 
Oo loo raray hayaan dheer
Hadba layiigga socodkiyo
Leendada ma daayee
Kal laxiiba yeeshoo
Kaa leexan waayoo
Waa kaas lurkiisii
Laqanyadu i haysee


Labxadayda beerkiyo
Haddaanan laabta kugu qaban
Noloshay laciiftee

Erayada:
1- Layiig: jiitamaa; wixii jiitama
2- Leendo: barbarrayn; aan toos u soconayn.
3- Labxo: waa lafta yar oo shaf-sagaarada hoosteedka ku taal. 


No comments:

Post a Comment