Wednesday, August 14, 2013

Ujeeddadu Maxaa Tahay? (hees)

Ayaamaha ilaahay
Eed ma leh middoodnee
Arbaco iyo isniin iyo
Axad ma iska dhaafnaa
Afti la isu diro iyo
Ergo ma iska deynnaa
Innaagaa isu oommane
Nacab ma iska oodnaa

Eeridhabanka geeluba
Ilmaha meesha lagu xiro
Ambade kama hallaabee
Innagoon is aragoo
Aan bixinnin ogeysiis
Sida uur-ku-baallaha
Ma isa soo abbaarnaa

Mise eerigo'an iyo
Anaa ay jafaayee
Alif-Camma nin jiriyo
Eber weeye hawshii

Aaway sheekadeenniyo
Jaceylkii irmaanaa 
Ibihii maxaa xiray
Ayaa eedda loo tirin
Irridihii bannaanaa
Ma dad ooday baa jira

Ma uurkaa la ii dabay
Ma af reer magaaloo
La igu aammusin baa
Ma anaa irdhooboo
Samir iga idlaadoo
Wax ka eegay meel kale
Ujeeddadu maxay tahay? 

Erayada:
1- Afti: weyddiinta ra'yiga qofka, codayn.
2- Ergo: qof ama ka badan oo dhambaal loo dhiibo.
3- Eeridhaban: geel ubadkii laga reebay, karreeb.
4- Ambade: ka habaaba halkii uu aadi lahaa, habaw.
5- Uur-ku-baalle: qof garta waxaan inta kale garan.
6- Eerigo'an: meel fog oo aan dad iyo duunyo ka dhaweyn, go'doon.
7- Ay: meel jiqa oo wax-araggu yar yahay, kayn, hawd.
8- Ibihii: duleelada yaryar ee naasaha naasleyda ama dhuunta yar ee surta.
9- Irdhooboo: cabsi lala cararoo lala feejignaado, baydad.

No comments:

Post a Comment