Friday, August 9, 2013

Baar Baan Wareystoo (maanso)


Maansadaani waxay soo baxday 10/04/2009. waxay la xiriirtaa maanso hore oo aheyd “Badbaado Alle Gabar yahay”. Tan waxaa lagu male awaalay gabadhii Baar oo dalkii hooyo joogta oo aan anigu ku booqday meel ka mid ah dalkii, ka dibna kulankayagii baa sidaan u dhacay:

Bilawgii bishii hore
Safar baan u baxayoo
Waxaan booqday Baaroo
Subuxii bariisada
Soo bannaan baxaysoo
Qorraxdii bidhaantay
Midab bood ku daahdoo
Boor dahab la moodaa
Giddigeed ku baartoo
Indho soo belbelaayiyo
Fool aan basaasneyn
Ilko wada birqaayiyo
Boqorkay xirnayd iyo
Cunnaabigii birdhaayiyo
Biifeysan maradiyo
Baxaalkaan la yaaboo
Quruxdaan u bogayoo
Beerkay dillaacoo

Biciriirsigii iyo
Bidaalkay i mooddoo
Kuwii biraha wadan jiray
Baacugyadana qali jiray
Boocyadana goyn jiray
Markay yaraha booddoo
Gurigii ku baydhaan
Bawdkooda tagayoo
Waxaan iri bariidooy
Daahay bashiicdoo
Way yare basaastoo
Bardadkii dhammaayoo
Soo baraarugtoo tiri;
Boowow ma nabad baa?
Beernugeyl daraaddiis
Boholyowga awgiis iri;
Baayoy ma nabad baa?
Raar marriiman biliqdoo
Balashina sameysoo
Dadku wada bashaashyoo
Balki baan ahaadoo
Way baajinyeenoo
Baryaqaadka hilib iyo
Buqbuqo iyo ciir iyo
Garoor buuxa dhaafiyo
Burcadkii iyo subaggii
Dhaydii badneyd baa
Barbarkay la dhooboo
Waa lay baxnaanshoo
Biyo wada xareedaa
Burqanaayey goortaas

Baldhoolaan saldheystoo
Booyaankii sheekada
Baar baan wareystoo
Waxay tiri baarriyow
Baaqii horeetiyo
Waan helay boostadii
Cabdow waa barteedii
Dhulku waa bacaadoo
Buuro iyo hawdoo
Bakool weeyo maranoo
Burshaan waa halkiisii
Buuhoodda hoosiyo
Ciid wada bataaxaa
Wali lagu bardooddaa
Baadxumi ma taallee
Baydad baannu nahayoo
Wadaadkaan ka baqannaa
Baallayare ma diidine
Dhaqankooda baas baa
Bartamaha hameynkii
Beelaha agteenna 
Baroordiiqda joogtiyo
Boohintaan la deyneyn
Baa laga dagaagaa

Bahwadaagga aan nahay
Raggu waa biddoodoo
Beesaa u talisoo
Karbaashkaa u beegane
Wiilashaan ku baannaa
Hadba nala ka baartaa
Anna baaluq baan ahay
Hormoonkaa i buubsaday
Dareenkaa i baacsaday
Xishoodkaan ku baaqsaday
Baashaalka noloshana
Kii aan la baran laa
Waa baafiyaayoo
Wali baadigoobaa
Waa laba bogleeyaa
Badankaygu samir diid
Boogtaydu sii dheer
Boqollaal hablood baa
Ku ba’naaday meeshaan
Ma baddaannu jeexnaa?
Birri kale u doollaa?

Haddii aad boqooshoo
Biibeyso raacdoo
Bilaadkii shisheeyaha
Bulshadeenna gaadhaba
Biimadaannu nahay iyo
Baylahda aannu jaalnay
Ballantayda qaadoo
Bayuurtayda sheegoo
Badi oo warkaas badi
Badi oo warkaas bidi’


ERAYADA

Bood: waa midab ilwaad fiican oo goraygu yeesho. Caddaan cawl yar ku dheehan yahay.

Belbel: marka dabka la shido neefta casaanka ah, olol.

Birqaaya: aad u dhalaalaya, nuuraaya.  

Basaas: aan nadiif aheyn, dayacan.

Boqor: dhuub maro ah oo dumarka S/liyeed dhaqan ahaan dhexda ku xiran jireen.

Cunnaabi: qool kuul ah oo dumarka S/liyeed dhaqan ahaan qoorta gashan jireen.

Birdhi:  iniin kasta oo inta badan dhalaasha.

Biifeyn:  caddeyn, qurxin

Biciriirsi: indhaha oo la isku dhajiyo waxna lagu eego

Bidaal: wax la maleeyo oo aan la hubin, tuhun.

Baacug: caloosha dhasha ilmaha aan caano mooyee wax kale gelin. Halkaan calool oo dhan.

Booc: hunguri, cune.

Bashiicin: si yar daboolka, albaabka ama daaha u furid.

Bardad: cabsi kadis ah la wareerid, argagax.

Marriin: dhuub maro ah ama mayrax la midabeeyay oo rarada lagu qurxiyo.

Bilqid: firirin, daadin, kale dhigid.

Balashi: sooryeyn weyn, diyaafadin.

Balki: tusaale, halqabsi.

Buqbuqo: caano dhay ah oo ciir lagu daray dhadhan fiicanna leh.

Baryaqaad: wax kastoo la cuno oo ilkaha iyo gawsaha lagu dhaqdhaqaajiyo, calalis.

Burcad: subag iyo caano iksu dhafan oo aan wali la kale miirin.

Baldhoole: nooc ka mid ah cawska oo caleemo balballaaran leh.

Booyaan: hadal badan oo la isku taxo. Daroori.

Bakool: dhul carradiisu caddahay. Didib ama dhooddi.

Burshaan: buur yar oo ciid ah, burco, taag, kood.

Buuhood: dhulka meelihiisa jilicsan ee ruubta ah.

Bataax: ciid furfur ah ama quruurux ah.

Bardooddi: cayaarid, boodbood iyo dhaqdhaqaaq kale oo la cayaarayo.

Baydad: cabsi lalala cararo oo aan la aqoon meel loo jeedo.

Baallayare: kitaabka qur’aanka, jaamac.

Baroordiiq: qofka laga dhinto waano ama waxqabad loola tago, baroor la wadaag, tacsiyeyn

Bidde: qof aan xor aheyn, addoon.

Baaluq: qofku markuu gaaro guursi, qaangaarid.

Hormoon: dhacaan dadka jirkiisa ku jira oo maamula dareemmada qaar “Hormon”.

Buubsi: didid, carar, orod, dheereyn.

Baacsi:  ka dabo ordid, ceyrin.

Badan: oogada qofka, sarduub.

Dool: meel ka tagid oo meel kale aadid.

Biibeyso: mid duuleysa, diyaarad.

Biimo: galay meel khatar ah, halis.

Baylah: jooga meel cidla’ ah, aan lala joogin, dayacan.

Bayuur: ceebaal weyn, jiciir, jac.

Bidi’: hawada lagu sii daayey si uu u duulo. Waxaa bida walxaha cufka yar sida suufka.





                             


No comments:

Post a Comment