Thursday, August 15, 2013

Aaminaay Xusuusnow (hees..... 'Yamyam')

Qeybtii dambe ee qarnigii 20aad waxaa Soomaaliya ka jirtay dawlad kacaana oo marar xoog badnayd. Wax-ka-sheegga taliskii waayahaas jiray ma banaaneyn, qofkii ku dhiirradana xabsi iwm buu la kulmi jiray. Haddaba halabuurro badan baa u adeegsaday maansada laxawga ama jaceylka dhaliilidda taliskii markaas jiray. Waxaa markaas adkaatay in la kala sooco maansada kalgacalka dhabta, khiyaaliga ama male-awaalka. Si kastaba ha ahaatee, waxay dhammaantood muuqaalka guud uga ekaayeen kuwo ku salaysan kalgacal ama jamasho labo dhex martay. C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) allaha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa halabuurradii waayahaas calan walleynaayay, isla markaana si walba uu tiriyay maanso qurux iyo qiro leh. Gabadhii Aamina, dhab ha ahaato ama dhalanteede, waxaa ku soo arooray heeso dhawra sida;

Aaminaay xusuusnoow
In kastoo ayaamahaan
Arrintaadu adag tahay
Aadmigu siduu qabo
Ama aniga ila tahay
Ifka intaan ku noolahay
Kaa oolli maayoo
In nin kale arooski
Kuu abaabulaayoo
Ooridiisa noqotaa
Waa midaan ahaaneyn

Arrin waxaan ku goynaba
Soo uruuri taladoo
Isu imaashadeennii
Arbacada hameynkii
Afar saac markay tahay
Ha inoo ahaatee
Aaminaay xusuusnoow

Aaminaay xusuusnoow
Hadal wuxuu ammaan yahay
Inta aadan oranine
Afka hadduu ka soo baxo
Adigu uma arrimiside
Ummadduu u dhexeeyaa
Arkaa-qaadna weeyoo
Ooddiisu kaa rogan
Doqontii is mooddee 
Arooskeed ka heestiyo
Indhawgarad ha noqonine
Iska hubi ujeeddada

Arrin waxaan ku goynaba
Soo uruuri taladoo
Isu imaashadeennii
Arbacada hameynkii
Afar saac markay tahay
Ha inoo ahaatee
Aaminaay xusuusnoow

Aaminaay xusuusnow
Inta kalaba waa sahal
Iyo arar sokeeyoo
Afka baarki weeyee
Sida laba olo'lood 
Iska helay afmeerrada
Waxay eedi joogtaa
Ama aafo ay dhici
Anoo adiga kuu maqan
Eynigana kuu jecel
Markaad awrta meel kale
Ambaqaad u guurtee

Arrin waxaan ku goynaba
Soo uruuri taladoo
Isu imaashadeennii
Arbacada hameynkii
Afar saac markay tahay
Ha inoo ahaatee
Aaminaay xusuusnoow

Erayada:
1- Oolli: meel ku ahaansho, meel ku sugnaan.
2- Oori: naag la qabo, afo, xaas, marwo.
3- Arar: horudhaca hadalka, qoraalka ama maansada.
4- Olo'lood: ciidan la soo abaabulay, col.
5- Afmeerro: wareegyada wax ama meel, seerayaal.
6- Aafo: dhibaato culus, balo, dhib.
7- Eyni: wax jira wixii la mid ah, la-nooc, la-siman.
8- Ambaqaad: is-qaan, tabaabusho socdaal iwm.
9- Arkaa-qaad: qof xanbaara ama tebiya wuxuu arko.

No comments:

Post a Comment