Thursday, April 19, 2012

Geelyahow Qulciyo La Isu Diid iyo Cabdi-Galayax (Gabay)


CAANAHA QABOW IYO 

CABDI-GALAYAX MAXAMMAD AW-MAGAN

Gabayga iyo geelu waxay muddo dheer ka mid ahaayeen astaamaha lagu sooco dadka Soomaliyeed. Waxay noqdeen summad aan ka go'in intay jirtay. Gabaygu wuxuu ka caawiyey ummadda inuu ka difaaco afafkii qalaadaa ee doolka ahaa oo haddii kale dhaqan iyo dhawaaq rogi lahaa. Wuxuu kaloo gabaygu ahaaday xashinta kaydiisa hiddihii soo jireenka ahaa. Sidoo kale wuxuu ahaaday qalab isgaarsiin tayo wanaagsan leh. Geelu wuxuu ka caawiyey dadka S/liyeed ku noolaanta dhulkooda oomosoorka ah ee hawkarka badan. Mar gaadiid adkeysin badan buu ahaa, marna godol deeqsi ah buu ahaa, marna so'diisa iyo saantiisaba waa la intifaacsaday. Sidaas darteed waxaa caado noqotay in Soomaalidu weyneyso labadaas. Waxaana daliil u ah ruugcaddaaga gabayga Cabdi-Galayax oo badi maalmihii uu noolaa u go'ay geela iyo gabayga.

Markuu dhacay dagaalkii weynaa ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1977dii waxaa ka dhex-bilawday S/liya dagaallo sokeeye oo aad u kharaaraa oo dhammaadkii sababay burbur baaxad weyn. Daaqsatadii S/liyeed ee ku nooleyd dhulalka seeraha oo Cabdi-Galayax ka mid ahaa waxaa la soo darsay dhibaatooyin culus.

Waxaa la soo darsay dagalkac ballaaran oo keenay inay ka qaxaan dhulkii carrosanka ahaa, kuna furaan dhulal carroxun ah. Degmadii teedsaneyd dhulkii daaqa wacnaa ee Ceelgaab, berrinadii balliyadii G/gaduud ee Ceeldhiinle iyo Ceelhabreed lahaa, nawaaxiga Hiiraan, aagga balliyadii Doheed ee Shilaabo iyo Dhambacaad lahaa, aagga Doollood ee Wardheer iyo Walwaal lahaa, dhulkii hawdka ahaa ee buuro ee Xaaxi iyo Xindhowreed lahaa ilaa Caleen iyo Culaajeen ilaa aagga Ceelcad ee Gallaaddi iyo Dhudub lahaa, Ciid iyo inta ka soo rogan dooxada Mudug baa hal mar ruqday colaadihii dartood, ka dib markii ay dad iyo duunyo badan ku lumisay. Dagmadii aheyd damasha weyn waxay is biliqday dhulkii daalay ee ahaa daafaha ceelashii Ximan iyo dulihii Xagarley. Dhulkaas oo xaaluf ahaa, aad iyo aadna ugu yaraa qaxootigii soo dul habsaday, ahaana dhul qodax iyo qaniin badan.

Guuyadu, siiba geelu way kale taqaan dhulka oo waxay mar walbaba tebaysay daaqii Garasle, Toonyarey, burgeedle ilaa Qaaxa-wadeed iyo dhulalkii laaggooda ahaa. Sidaas darteed waxaa in badan dhacday in geelu u fakado dhulkii cosobka lahaa, markaasna raacdadii dabajoogtay uu u la galo cadawgii. Raacdadaas oo u badneyd midaan laga soo noqon. Ka dib, Waxaa la bilaabay in la dabro geelii sidii awrta oo kale. Markuu arkay dhibka heysta noolihii, duunyo iyo dadba, wuxuu Cabdi-Galayax Max'd Aw-Magan tiriyey gabay aad qaayo u leh oo uu ku la hadlaayay geelisii. Dhab ahaantii waa sarbeebe, wuxuu la hadlayay dadka oo uu tusaaleynayay dhibabka colaaddu leedahay iyo quruxda nabaddu leedahay. Gabaygaan waxaan ka heli doonnaa suugaan mug leh iyo erayo uu adeegsigoodu ku yar yahay oraahaha S/lida tix iyo tiraab kay tahayba, Wuxuuna yiri:


Geelyohow Qulciyo la isu diid, qolalkii xaarnaaye
Kobtii qadowga laga daaqi jiray, qoob la dhigi waaye
Qax baan kaaga soo waday dhulkay, qadadu kuu tiile


Waa kaas qiyaamuhu ka dhacay, qarankii toomoode
Qodqod iyo qallaalkii Higliyo, Quracshir oo doogtay
Qawdhaha Ardaayaale iyo, Qalax ka dheeraaday


Qurqurada caleentiyo dharjada, qubatayee hawle
Qajigii hareeriga ku yiil, qaranradii hawdka
Qulunquulka suubaankiyo, Qaaxa wadeheeda


Qurraar faraq leh qodaxtooshiyo, qaalalyada saarka
Intaas oo qashkii hoos ka baxay, qariyay baarkaaga
Adigoo qummaati u cunoo, qiro ku soo yeeshay


Oo qadi madow wada noqdoo, qaarka wada deyshay
Ama qaayo uga soo darmaday, qararka hoostooda
Inuu kurusku qaab kuu baxiyo, qurux ma weydeene


Eeggana Qoraaleey waxaa, qululka kuu yeelay
Waxa qaalmahaagiyo rimayda, qoday baruurtooda
Waxa aarankaagaan qallalay, wada qaluuseeyay


Waxa qoor-qabkaagu uu cashiyay oo, qooqi kari waayay
Jiiraha qaniinkoodiyo, qori-jabkii yiile
Kobtay shilintu qoodayn jirtaa, qiil laguu bidaye
Qarrar iyo dhukaan iyo siday, qaaxo kugu raagtay


Waxa qulufaddaadii geddiyay, quudka kaa maqane
Anigubase waan kula qabaa, qiimaha aad tahaye
Waa waxa jirkaygii qayiray, qulubka maanta ahe


Markuu laylka qaarkiis tagaan, qaraw la toosaaye
Sidii ruux qof uu dilay dhintoo, qaantii lagu yeeshay
Ama loo qisaasanahayoo, qool la gelinaayo


Anigoo qarqarayaan arkaa, Qoran daraaddaaye
Qoodhuu ka jabay geel ninkii, qolo ka xoogtaaye
Hadduu cadow ku qaybsado anoo, la iga kaa qaaday


Caanaha qabow iyo haddaan, qalaxsigii waayo
Sidaydaba qarracan baan u dhiman, qaybna waan gabine
Arlaa'iga qoyaan meel leh iyo, qolof ma weydeene


Qaxarkaad maraysiyo waxaan, qalawga kuu geeyay
Qawlaha ku raadinahayaan, kaa qarsanayaye
Qarfadaada meer waa danbuu, qiil inoo bixiye!

Erayada:
1-Qulco, Qodqod, Higlo, Quracshir, Ardaayaale iyo Qaaxa-Wadeed: waa meelo ku yaal degaanka Ceelgaab iyo aagagga u dhaw.

2-Qalax : waa buur caana oo ku taal Ceelgaab.

3-Qadow: waa geed ka dulbaxa geedaha waaweyn siiba quraca

4-Qaran: wixii wada jira ama midooba. Wuxuu uga jeedaa Qarankii toomood; toomo is heysta.

5-Qallaal: waa meel biyo ku jiraan oo qarsoon. Inta badan waxay ku taal dhulka hawdka dhexdiisa.

6-Qawdhaha: dhir baxday xilligii roobka oo aan la daaqin.

7-Dharjo: waa geed ka baxa meelaha ciidda jilicsan, siiba togogga.

8-Qaji: waa geed sida qadawga oo kale ka dulbaxa hareeriga.

9-Qaranro:
waa geed hawdka ka baxa oo mayrax leh.

10-Quraar: waa geedkii aan laamo toosan laheyn.

11-Qodaxtool: waa geed nagaara oo qodxo leh. Wuxuu ka baxaa dhulka seliga ah, geela kaliyaana daaqa.

12-Qaalalyo: waa laqanyada geela, wuxuuna ku qaalalyooda dhirta qaarkeed, sida geedka saarka ah.

13-Qadi madow: geela hoorka ah baa madow.

14-Qaarka wada deyshay: geelu markuu sannad barwaaqa joogo wuu habeed badan yahay, qaarka dambeyna madoobeysaa ama deyshaa.

15-Daran: waa geed-hoosaad leh caleemo biyo dhanaan. Hadduu waayo geelu waa u jeelaa. Wuxuu ka caawiyaa cunista cawska, quruxna wuu ku yeeshaa.

16-Qulul: kuris janjeersaday. Mar buu yahay baxaali, marna waxaa keena janjeersiga rafaad.

17-Qaluus: waa qaabka wixii caatooba ay yeeshaan.

18-Qarrar: waa dillaaca labada suul dhexdooda.

19-Dhukaan: waa cudur xun oo geela ku dhaca.

20-Cashi: waa rafaad ay la kulmaan xooluhu, siiba marka shilinto cunto.

21-Qoodeyn:
socod nafley badan is daba galaan.

22-Qiil: sharci la cuskado (af carabi)

23-Qulufad: muuqaalka guud ee jirka naflaha.

24-Qaaxo: wuxuu u la jeedaa dhugatada oo ah cudur sida qaaxada oo kale ah, geelana ku dhaca.

25-Qulub: hammi, walbahaar, murugo

26-Qoran: hal magaceed

27-Qool:
suun ama xarig il leh

28-Qoodh/qoor:
labnimada ama raganimada

29-Qalaxsi: dhamid lagu dhammeysto caanaha iwm, qurquro.

30-Qaxar: dhibaato

31-Qalaw: waa cudur kalagoysyada u dhexeeya cududda iyo garabka ku dhaca ama waa meelaha qarsoodiga ah ee aan muqaal iyo raad toona la arki karin neefka.

32-Qawle: dad wada socda oo si xatooyo ah dadka xoolihiisa u qasha. Waxaa inta badan la arki jiray xilliga abaaraha iyo xoolo-yaridu jiraan.

33-Qarfo: dhul oomosoore ah oo kulul.

34-Qash:
dhir aad u doogsatay oo kale jaada, iskuna baxday

35-Qulunquul: jaadad dhirta kamida.





No comments:

Post a Comment