Monday, April 16, 2012




BAL DAYOYDII 
SAYID MAXAMMAD CABDILLLE XASAN 

Dh/dhaqaaqii Daraawiish ee Sayid Max’d garwadeenka ka ahaa ee muddada 21ka sano ah loollanka adag kula jiray gumeystayaashii u haliilayey gumeynta dadka Soomaaliyeed iyo ku-gabood-falka dalkooda`wuxuu uga tagay ummadda S/liyeed dhaxal taariikheed  mug leh iyo suugaan xaanbaarsan xikmado ka soo burqaday maskax aad u maaxsanayd.

1919kii markii dawladda Ingriisku diyaarado ku duqeysay fariisinadii daraawiishta ee Nugaal, ciidamo lixaad lehna gow walba kaga keentay, lana dilay boqollaal qusuusidii daraawiishta ah iyo toddobo wiil oo ilma sayid Max’da, dad badan oo kalana rogmaday, duunyo diigaanyo ahna laga meersaday, rag badan oo daraawiishana ay ballan fureen oo dariiqadii ka leexdeen digasho iyo ku-diigdiigsina u dheeraatay ayaa sayid max’d tiriyay gabay hogo tusaalayn ah oo baraya dadka in dunidu guuraa tahay oo ay la gad tahay harka geedka ee labada gelin kolba gees jooga. Waxaa ka mida gabaygaas meerisyadaan aan halkaan ku faaqidaynno: 

Nin dalleensan inuu dookhayey, doqontu mooddaaye
In kastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo
Haw dayrin deeqii Alluu, dooc ka sugayaaye
qof hantidii u lahaa dhaaftay oo dani hayso, waxay doqontu mooddaa inuu wareersan yahay. Si kastuu u cayroobana, ha illaawina in deeqda eebbe badan tahay qofkaasina sadkii loo qoray uu helaayo.

Rabbi baw dawarin kaan lahayn, duunyo iyo maale
Asagoo dirriga jiifsaduu, dayrdhal soo heliye
Bal dayoy mar uun buu darfiyi, deeqa caanaha e
Ruux aan lahayn xoolo noola ama mooda, asagoo cayra oo bannaan jiifa baa eebbahay siiyaa geel dayrdhala oo caanihiisu weel walba uu buuxshaan.

Nin dayoobay deyr deyr hadduu, dawyada u jiiro
Mar uun baa daryaankii ka bi’i, doorshay madixiiye
Bal dayoy dalkuu fiiriyuu, dib ugu laabmaaye
Qof habaabay oo dawgii habboonaa ka bayray, hadbana jiho isku qaaday wuxuu habow ahaadaaba marka daryaanku ka ba’o ayuu dib u saxaa marin habaabkiisii .

Sengihii dirrow laga dhigee, dibintu boogowday 
Mar uun buu dakaamaha jaraa, soo durduriyaaye
Bal dayoy dabrada weerar baan, daaqad loo heline 
Faraskii bishinta xakamuhu gooyey sidii uu falgalka ugu jiray oo markaa kii lahaa ka daayey gaalibkii iyo gashlihii, marka dambe waxaa ka hara dakaankii/daalkii wuxuuna noqdaa midaan la waabin Karin markii uu weerar galo.

Dakankiis nin dawlad ahaa haddii, duudsi laga yeelo
Mar uun baa dawaarkii is rogi, diiqalyuu socone
Bal dayoy dawaaraha mar bay, daa’iruu kiciye
Nin door ahaa oo la dilay, haddii dhiiggiisii la duudsiyo waqtigu waa isrogi oo habisadu waa hari oo waxaa imaan xilli loo aaro halyeygii.

Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho
Mar uun buu dareemaa inaan, darajo loo hayne 
Bal dayoy markuu dido inuu, deryka jabinaayo
Nin dagnaan laga helay oo dhibaato loo geystay, hadduu ciil dartiis luqunta laalaadsho ka dib markii uu dareemay in wanaagguu waday mid le’eg u ool meesha ninkaasi wuu didaa oo dib dambe looma soo loodsho oo lama dago.

Ninkii diricyadiisii kufrigu, daabaca u qaaday
Mar uun buu dirramayaa intuu, duubiyaal dhalo e
Bal dayoy da’ uun bow kacdoo, dooyo geliyaaye
Ninkii wiilashiisi cadawgu laayey, eebbaa siiya durriyad waliba noqota madax/duubab, ka dibna asagoo weerar ah oo u aaraya raggiisii buu dooyo/ilaalo bixiyaa.

Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho ku raacsho
Mar uun baa deddadu ka ba’daa, diifihii cudure
Bal dayoy dawaa’iga mar buu, diirsimaad heliye
Nin ku dilay adoon ka filayn, hadduu digashana kuugu daro cudurkii ku hayey ee taagdarrada kuugu wacnaa ama dammanaantii kaa dabooshay dhiillada lagula maagay mar bay ka bi’I oo adoo fayow la faltantaa cadawga.

Doonyaha shimmaalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Mar uun baa dabaylaha sidaa, kor u dandaanshaane
Bal dayoy dunjiga fuushan baa, daraxu caynshaaye
Dooni badda gooshaysay xilli ay jirto dabaysha waqooyiga ka timaadda ee badda kicisa oo shimmaaliga loo yaqaan, hadday jabiso dakhligii doonida maamul-socodkii baa ka luma mawjaddaana aakhirkii burburisa doontii, waxaase cibaaro ah dadkii saarnaa dunjigii/giddigiis waxaa caynsha burburkii doonta .

Dakhal waa tiir dheer oo looxa ama bira oo doonyaha ama maraakiibta dhexdooda laga taago oo celiya faarmanka(qori dheer oo lagu duubo shiraaca) iyo shiraaca. Waayahan dambe maraakiibta casriga ah dakhalku wuxuu celiyaa wiishashka dajinta iyo saarista loo adeegsado iyo qalab kale.

Dad qaraabo nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo
Mar uun baa dafaarkii fakaday, dabin ku rooraaye
Bal dayoy nabsigu waa wixii, daaha yuururaye
Qof ku xigay hadduu naxariis iyo qaddarin la’aan kugula dhaqmo uuna ka waantoobi waayo ama laga waabin waayo, daalimkaas marbuu abaalkiisa heli, ogaadana nabsigu kadinkuu/albaabkuu yuururaaye,  oo loola jeedo abaalmarinta daalimku waa dhawdahay.

Hadduu daawadii furay nimaad, deris xigaal moodday
Mar uun baa mid duunkaaga jecel, dow ka soo bixiye
Bal dayoy dar uun baad heshaa, daacad kuu noqone
Nimaad xigaal ood-wadaaga ahaydeen, wacadna kala qaadateen oo aad aammintay hadduu ballan furo, waxaad heli doontaa kuwo ahaantaada jecel oo aan wacadka ka bayrayn daacadna way kuu noqon.

Tol dulloobay oday doora laa, loogu dowgalaye
Mar uun baa duqeydii xumayd, danabba dhaafaane
Bal dayoy rag caro duuban baa, dib u guhaadoone
Tol dulloobay waa tol talada suuban seegaye, waxaa dulliga ugu wacan madaxdii tolkaas oo aan garaad hagid lahayn ama daacad u ahayn dadkooda, waxaase dhici doonta in tolkaas diricyo u kacaan, kuwaas oo xumaha ka dhiidhiyi doona/ ka guhaadoon doona.


Bal dayoyda sayid max’d waa xikmado baaxad leh oo cibaarooyin wax ku-qaadasho leh huwan. Doqonse dug ma leh oo ka diimmoon dawaarka noloshu ku daban tahay iyo tusaalooyinka daawada leh.


















No comments:

Post a Comment