Nin
walaalo toolmoon leh yaa, tuu yiraah helo e
Aan
tilmaamo neefkaan Nugaal, uga tub qaadaayo
Tubta
wabi tumuunnada Galduur, aradka Taameelle
Maroodigu
halkuu tuban yahee, garigu tooreeyo
Tub
dheer baan geela u marnaa, waannu tamadinaaye
Meeshii
taxaabo leh fardaha, waw turannaaye
Ayuu
jaraha igu taabanine, ha iska tabaqleeyo
Neefkii
kadlaha kugu tumaataa, taharo kaa gooye
Tooraynta
kooraha abtow, ha iska takhantookho
Toomaha
hareeriga hadduu, Teeyo ka eryoodo
Abtow
tagoogta ha ku wado, Talax walaasheeda
Waa
aar-tarrari neef jeedal, kuugu tooxsamaye
Caynaanka
oon taabo iri, talax ha eeraamo
Riddada
tii fog warankaa ninkii, kaa la tagayaaye
Meeshaan
tummaati u qabsado, tolow ha ii geeyo
Tol
weyn iyo tol weyn labo qoloo, taarijiin wada ah
Daraan
la isu turayn haddii, tuurta la iska arko
Waa
aar tarrari jeedal neef, kuugu tooxsamaye
Caynaanka
oon taabo iri, talax ha eeraamo
Tunka
iyo tarada jeenigiyo, turuqu ha buuxo
Foodduna
sidii toon abqo leh, ha iska taagnaato
Nin
tilmaaman baan ahay haddaan, tago Marreexaane
Meeshii
tusmo ah jeedal bay, igu tuhmaayaane
Tafogaabka
nadi kuma dhacee, tiigar ha ahaado
Sidii
taanigii aan fuuli jiray, ha u tilmaannaado
************************************************
Aar
kama rug siiyow dorraad, Xamar sidee u rooray
Muxuu
raafo-erigii ugaar, kay is kala raacay
Saryankii
Raraameed miyuu, labada ruug saaray
Raxantii
hadday sii ridnayd, raydabka agtiisa
Dhulka
lama rabbaasee muxuu, raanta kor u laacay
Rugta
iyo duleedkii haddii, reefadna u raacay
Marka
inaan naftana ka rabo, yaa ragga u sheega?
Labo
haatan dhashiyo
Labo
haatan dhalaysiyo
Mid
kaloo dhexroora
Iyo
gaashaan dhiig wiyileeda
Iyo
dhaameel baa
laga dhiibayoo
Kii
lahaana dhul-xarriiqiyo
Dhacsiinuu ka ahaa...
Ama waa siddeed jir
Ama
waa sagaal jir
Ama waa isla sidiiyoo
Tobankaa u sugmay
Ninkuu
seedda ka gooyo
Ama
suulka ka gaabsho
Ani
la ima su’aalee
Sin
ha looga wareego...
No comments:
Post a Comment