Friday, February 1, 2013

Gabbaldaye (hees)

Adoo gole ka-maagle oo
Haweenkaba ka gaabsaday
Sow taan ku gado baray
Garta iyo tusaalaha
Adigoon gorfeyn karin
Sow taan geesi kaa dhigay

Go'e halaq miyaad tahay
Hadba marada ii gala
Gododleyntu waa maxay
Waad iga gardarantee
Waan kaa gaddoomee
Ha goohin
Waana kugu gelaynine
Ha guuxin
Waan guurayaaye 
I gees mar!

Gurgurkii la dhaanshee
Loo tiriyay guulkee
Intuu maatidii gabay
Gibisha iyo heeryada
hilkii kula gadoodiyo 
Abaalgabe ha noqonine

 Go'e halaq Miyaad tahay
Hadba marad ii gala
Gododleyntu waa maxay
Waad iga gardarantee
Waan kaa gaddoomee
Ha goohin
Waana kugu gelaynine
Ha guuxin
Waan guurayaaye 
I gees mar!

Eryada:
1- Maagle: diidaa, dhaafaa, ka-tage.
2- Gado: xeelado, xirribo, tabab.
3- Godadleyn: jirjirleyn, gadgaddoomid, la gurta ama la xintama dumarka. 
4- Gooh: Ci', jaad ka mid ah codadka nafleydu samayso. 
5- Gurgur: awrka hayinka ah ee reerku ku guuro.
6- Gibisha: marka awrka rarka la wada saaro, sarta kor looga dado.
7- Hil: agagaarka wabiga, dar, jiin.


No comments:

Post a Comment