Thursday, June 11, 2020

Xasan Sh. Max'uud iyo Hadal-Xumadiisa


                            


Xasanow, waxaad dhaqan ka dhigatay inaad isu soo min guuriso Taliskii J/le M S Barre iyo kan M C M (Farmaajo), iyadoo la og yahay inay waayo kala fog ka taliyeen dalka.
Waxaa tiraabtaada laga garan karaa; inaad u dan leedahay ama tooganayso qabiilkooda. Hadday abtirsiinyo ahaan, yihiin wiil iyo adeerkiis…...So What?

Qof hoggaamiye ah marka la qiimaynaayo waxaa loo cuskadaa toganihiisa iyo tabanihiisa ee loo ma cuskoodo qolodiisa. Haddaba, intaan u dhaafo qiimaynta hoggaamintii Barre iyo Farmaajo wadaniga dhugmada fiican leh ee Soomaaliyeed, aan ku xusuusiyo dhibcaha adiga taariikhda kuu galay oo waligaa lagugu xusuusan doono; 
1. Waxaad tahay ninkii isagoo M/weyne u ah Qaranka Soomaaliyeed ka degay Jigjiga oo fagaare ka yiri; Gobolka Soomaali Galbeed Itoobiyaa leh, xoogaggii halganka hubaysan ku jirayna ku sheegay injirrey uraysa. Markaad sidaas tiri waxaad duud siisay; halgaankii Soomaaliyeed ee kadhanka ahaa weerarradii cadawgii Abasiiniya ee bilawday qarnigii 13-aad ilaa maantana hakasho mooyee aan wali gabagaboobin. Waxaad duud siisay dhiiggii Soomaaliyeed ee ku qulqulay goobihii dagaal ee waaweynaa, sida;
Goobtii Ay-Faras (1434-1468) oo ahayd goobtii lagu dilay halyeygii weynaa, Garaad Maxfuud, Goobtii Shimbira Kore (1529 AD) oo ahayd goobtii lagu dilay Boqorkii kibirka badnaa ee Lebna Dengel, 5 kun oo Soomaaliyana ku shihiidday, Goobtii Weyna Daga (1543) oo ahayd goobtii lagu dilay Imaam Axmad-Gurey, Goobtii Antukyah (1531), Goobtii Ambo Sel (1531), Goobtii Wofla (1542) oo ahayd goobtii lagu dilay Christopher De Gama oo Boqrtiiqiiskii hiillinay madax u ahaa, Goobtii Godey (1977), Goobtii Jigjiga (1977), iyo qaar kaloo bdan. Sidaas aad yeeshay waxay taariikhda ku galeysaa, inaad tahay khaa'in weyn oo ummaddiisa godob culus ka galay.

2- Kiinya oo ah gumeyste madow oo ku soo duushay Dalka Soomaaliya, markii askarteedii lagu Jaray Ceel Cadde, waxaad ka dagtay Nayroobi waxaad-na ku dhex sujuudday tacsidoodii, waxaana lagaa hayaa inaad tiri; qarax Muqdishow waxaan uga naxdin badnahay qaraxa Nayroobi!
Maalmahaas aad sidaas u dhaqmaysay, waxay diyaaridhii Kiinya duqanayeen Gobolka Gedo oo ay ku jarayeen dad iyo duunyo naflihii halkaas ku dhaqnaa, adigoo M/weyne u ahaana waxba ka maad oran!

3- Waxaad ku tiraabtay oo u hawl gashay sidii gabdho Soomaaliyeed loogu dhoofin lahaa Sacuudiga, waxaad-na tiri; gabadhaha la rabaa waa in da'doodu u dhaxeyso 17-21 sano. Soo u ma eka in qaxbeysiga Sacuudiga loo xulay labeentii hablaha Soomaaliyeed? Habka noocaas ah qofka ku dhaqma waxaa loo yaqaan dayuus (ديوث).

4- Iyadoo Dadweynihii Soomaaliyeed la dirgan la' yahay gaajo iyo silic kalaba, ayaa adigoo M/weyne ah lagugu bartay xaabsashada hantidii ummadda iyo u-xoolaynta xigtaada. Mar haddaad, mas'uuliyaddiii iyo xilkasnimadii lagaa filaayay aad ka dooratay beesaysi, waxaad ku sifowday gunnimo, horayna waxay u ahayd; nin soori kaa qaadday, waa nin seefi kaa qaadday!

Adigoo sidaas iyo sidaas ku sifoobay, baad la soo maqiiqan tahay madaxnimo-doon ku salaysan qolaysi. Maanta, oo Ummadda Soomaaliyeed hiyigeedu kacsan yahay, oo ay higsanayso qaranimadeedii oo dib loo yagleelo iyo hoggaan suubban oo maareeya danaheeda, ayaad ku la dhex meeraysanaysaa qabyaalad iyo in qolonimo wax lagu raadsho. Alle magane, Xasanow, way kaa hoostaye, maandhow aashaa meel fariiso oo Eebbahaa cafis weyddiiso, Shacabka Soomaaliyeedna hannaan-xumada ka la dhex bax.

 Aan ku soo af jaro qoraalkaan labo meeris oo kamid ahaa gabay uu tiriyay Aden-Dinix Xasan Kooshin (aun) labo qarni kahor: 

Gobonnimo haddii loo tartamo, tiigso ma iraahdo
Ha yeeshee haddii laysu tirsado, ku ma takoornaado...

Aden-Dinix wuxuu yiri; haddii dadku ku tartamo laandhiirnimo ama qolonnimo, anigu maahi nooca is muujiya, laakiin haddii si dhaba loo xisaabtamo qolo laga itaal roon yahay oo loo caga jugleyn karo maahi.

3 comments:

  1. MashAllah afkaga cano laguqabay
    Your are good guy somali taught

    ReplyDelete
  2. Afkaga cano lagu qabay
    You are good man somali tough

    ReplyDelete
  3. Xanuun Weeye waxa uu na baday Xasan Alle mid ka wanaagsan ha noogu baddalo

    ReplyDelete