Tuesday, June 9, 2020

Kalitalisnimo (Dictatorship)





Marka hore aan yare qeexno erayga: waa hab kamida hababka dal loogu taliyo ama xukuumaddiisu ku salaysan tahay. Waxaa taladu ka soo fushaa ama go’aannada qaata hal qof ama koox, waxaana loo qeybshaa:

-   1- Jiitaa Buuxa (autocratic): waa hab uu hoggaansho taliye aan laga daba hadlin.

 2- Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy): waa hab maamuleed ay talada dalka ku uruursan tahay koox. Aalaa waxay kooxdaasi ku salaysan tahay reer boqornimo, hantiley, aqoon-yahanno, shirkado, urur diimeed, urur siyaasadeed ama xoog ciidan kuwaas oo koox walba si gooniya isu bahaystay. 

 3-Dimuqraadiyad Kaligoosata (absolute democracy): waa hab maamuleed la is doorto, laakiin ay aalaa qeybta/qoloda u badan dadweynaha dalkaas ay taliso inta laga badan yahaynna la iska indho tiro xuquuqahooda.

Waxtarka iyo Dhibka Kalitalisnimada:

1-   Wartarka: marba haddii talada dalku aruursan tahay, waxaa yaraada musuqa, waxaa kordha waxqabadka, waxaana si degdeg ah loo gaaraa hormarkii la tiigsanaayay. Waxaa la sheegaa in hormarka habkaan lagu gaaro uu ka degdeg badan yahay 10 sano kan lagu gaaro dimuqraadiyadda dhabta.

2-  Waxtar-La’aanta: wuxuu habkaani horseedaa in dadweynaha la cadaadiyo laguna qasbo inuu qaato go’aannada taliska. Wuxuu talisku dadweynaha ka soocdaa kuwa uu u arko inay si fiican u okobban yihiin taliska/taliyaha, iwm.

Waxaa xusid mudan in kalitalisnimadu ay soo jireen ahayd oo waxaa la xusay waayihii Aristotle (384-322 CH/BC) ilaa maantana si weyn bay uga jiraan hababka kor sheeggan dunidoo dhan.

Soomaaliya iyo Kalitalisnimada:

Sannadkii 1960-kii markii Soomaaliya xorowday waxaa talada dalka qabtay xisbigii SYL oo hayey ilaa la af gambiyay sannadkii 1960-kii. Marka lag run sheego maamulkii xisbigaas, wuxuu hoos tagayaa qeybta kalitasnimada ee Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy). Waxaa aad looga war qabaa in xukuumadihii SYL ay si daran ugu tagrifaleen awooddii iyagoo ka go’doomiyay xisbiyadii kale taladii dalka, hantidii guudna si gurracan bay u adeegsatay. Waxaa SYL xeer aan qornayn u ahaa in tusaale ahaan, mudanaha imaanaya golaha shacbiga uu ahaado xubin SYL ah waxaana soo-bixitankiisa loo adeegsan jiray miisaaniyaddii dawladda. 

1969-kii waxaa taladii dalka ku qabsaday xoog, Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS). Marka miisaan la saaro wuxuu taliskaasi hoos tagayaa qeybta xukunka ee Jiitaa Buuxa (autocratic). Xukunkaas ciidammadu wuxuu noqday kii xukunkiisu ugu mudda dheeraa, wuxuuna ahaa maamulkii ugu waxqabad badnaa.

1991-dii waxaa dhacay qalalaase ba’an, burbur baaxad weyn iyo dhiig badan oo daatay. 

Markii qalalaasihii iyo dagaalladii yaraadeen, waxaa la abaabulay dawlado kumeel-gaarro loogu yeeray. Dhammaan dawladahaasi hab xukun ahaan, waxay hoos tagayaan qeybta Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy). Tusaale ahaan, Xukuumaddii Sh. Shariif waxay ka dhalatay qeyb ka go’day Urur Diimeedkii loogu yeeri jiray; Maxkamadaha. Xukuumaddii Xasan Sh. Maxamuud waxay ku salaysnayd Urur Diimeedkii Dammul Jadiid. Hadda, Xukuumadda M C M (Farmaajo) iyo kuwii ka horreeyay-ba waxay ku salaysan yihiin hab kooxeed loo yaqaan 4.5.

Marka la soo koobo, dhammaan maamulladii iyo doorashooyinkii dalku soo maray waxay ahaayeen kuwo hoos tagaya qeybaha kala duwan ee kalitalisnimada, mana jirin dimuqraadiyad dhaba oo dalkaani soo maray.

Iyadoo sidaas ah, baa waxaa caado noqotay in siyaasigii ama siyaasi-lamoodkii meel ka istaagaba uu yiraahdo; Kalitaliyihii M S Barre. Kaasi wuxuu moog yahay ama is illowsiinayaa in isagu ahaa kalitaliye aan ka xishoon kutumashada xuquuqda waddaniga iyo ku-jawrfalka hanitda shacabka. Waxaa intaas dheer, in qaarkood ku gooddiyo inay samayn doonaan wixii ay sameeyeen 1991-dii. Ridistii Dawlad Qarameedkii Soomaaliya iyo hooggii iyo habro-kufsigii xigay miyey u arkaan libin lagu geeraari karo? Haddiise siday ku hadaaqayaan ay noqoto oo la diriro oo la kala dido, qoloda maxasta oo lagu tuman doonaa xaggee bay deggan tahay?

Wax walba waa lagu soo holliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maantana waxaan maraynnaa in habar waalan oo tafaha haysataa noo  humbaalleyso!

Xaqiiqdu waxay tahay, dadweynaha Soomaaliyeed waa isku wada dan, mana kala maarmi doono. Qolo ama gobol walba waxaa laga helayaa tiro badan oo waxgarada. Sidaas darted, waxaa waxyaqaananda Soomaaliyeed la gudboon inay ka dhiidhiyaan qofafka ku xad gudbaaya magacooda, sharaftooda iyo danahooda.

No comments:

Post a Comment