Friday, July 20, 2012

Axmad-Nuur Aden-Dinix Xasan (Qarnigii 19-20aad)

Axmad-Nuur Aden-Dinix Xasan

Waxaa lagu wadaa inuu Axmad-Nuur hilaaddii noolaa ragaalkii qarnigii 19aad ilaa caaraddii qarnigii 20aad. Wuxuu ahaa gabyaa heerka kowaad ah, wuxuu kaloo ahaa wiilkii gabyaagii weynaa Aden-Dinix Xasan Kooshin ee lahaa gabayo qiro weyn leh sida: "Cir tarraray rag waa toli karaa, taako labadeede" iyo "Gobonnimo haddii loo tartamo, tiigso ma iraahdo..Ha yeeshee haddii la isu tirsdo, kuma takoornaado". Qoraal la'aanta iyo la'aanta iska-xilqaanka aruurinta suugaantii quruxda badanayd ee labadaas nin oo is dhalay, waxaa ka dhashay inay lunto suugaan maanta ka mid noqon lahayd maansada aan ku dhaadanno. Waxaan halkaan ku soo qaadaynnaa tuducyo naga soo gaaray maansadii Axmad-Nuur;

Nin u dhashay tolka Gacan-Weyne (Ogaadeen) baa wuxuu la darsay nin la oran jiray Axmad-Godo oo ka mid ahaa xigtadii Axmad-Nuur. Hal madi ahayd oo uu lahaa Axmad-Godo lana oran jiray Lada baa waxaa la yaabay caanaheeda ninkii Gacan-Weyne, markaasuu maalintii dambe inta dhacay u la guuray bartamaha tolkuu ka dhashay. Axmad-Godo wuxuu u ergeeyay ninkii hashiisii dhacay. Aroortii markii geelii la maalayay buu Axmad-Godo soo horjoogsady xeradii geela oo codsaday in la siiyo hashiisii, wuxuuse ninkii hashu xeradiisa ku jirtay ku jawaabay meerisyadaan:

Mareexaan luggoo baan lahaa, laba jirkaygiiye
Nin qabiilki laan sare yahay baa, Loola soofsado e
Anigu luunkayga kuma seexan karo, lahanka jiilaale 
Axmad-Godo laxdiisa ha dhaqdee, Lado u yeeryeera

Axmad-Godo isagoo hungo ah buu degmadiisii ku soo noqday. Haddii waayo la joogay ayaa roob ka da'ay meel u ogog leh degmadii Axmad-Godo, kadibna waxaa meeshii u soo hayaamay qolooyin uu ku jiro ninkii Lada dhici jiray. Axmad-Godo iyo rag qoladiisa ka tirsanaa baa soo dhacay geelii ninkii Gacan-Weyne oo ay ku jirto hal madi ahayd oo la oran jiray Eyra. Ergo ka socota qoladii la dhacay baa u timid beeshii Axmad-Godo oo uu Axmad-Nuur ku jiro waxayna ka codsadeen geeloodii in la siiyo. Axmad-Nuur baa arrintaas uga jawaabay meerisyadaan: 

Gacan weyne ma aqaan inuu, yahay Ogaadeene
Isagaa uluugaysan kara, olol diraaceede
Ontaradiisa ha dubtee, Eyra u yeeryeera

Waxaa la yiri waxaa geelii Axmad-Nuur dhacay col uu hoggaaminaayay nin la oran jiray Faarax-Fooldheer oo ka soo jeeday qolada Ogadeen. Markii geela la dhacaayay waxaa lagu dhaawacay Axmad-Nuur sida gabaygiisa ka muuqata. Dhacaas kadib baa waxaa arrintii geela ka ergeeyay nin ay Axmad xidid ahaayeen oo la oran jiray Fagaase oo ay isku heyb ahaayeen colkii geela dhacay. Ninkaas ergayntiisii lama tixgelin gacmo maran buuna kala soo noqday tolkiis. Maalintii dambe ayaa wiil Axmad dhalay doonay inuu col dumo uu ku soo dhacsanaayo geeloodii. Axmad wuxuu wiilkiisii kula hadlay gabay tixdaan kooban naga soo gaartay:

Haddii Faarax-Fooldheer Faddooy, laga furfuri waayay
Anigiyo Fagaasaba haddii, la isku fududaystay
Asuu faashka dheer i gala helay, feerta dhinaceeda
Geelaygu waa faran cadhee, fiitada ha gaaro
Oo haatan meeshuu fadhiyo, feex ha ku ahaado
Reer Diinigaan kala fakaday, foodda ha is geliyo
Waa lay furmaatiyi hashaad, iga fogaynayso
Goonyaha haddii laga fagfago, dhagax fadhiidoobay
Isagaaba kuu soo fuqiye, fadacda aashaada...

Waa gabay aan maanta ku sheegi karno istraatiijiyad dagaal. Wuxuu wiilkiisii ku waaniyay inuusan degdegin ilaa inta dhibka loo geystay uu tolkiis wada gaarayo (faran cadho waa cadho bilaw ah, fiitaduna waa markay jirka wada saabato wuxuuna ka wadaa colaaddu tolkay ha wada gaarto hadda waa bilaw e, sidoo kale feex oo jirro xun ah wuxuu ula jeedaa godobta geelayga la dhacay ha cuslaato) wuxuuna markaas awoodi doonaa inuu abaabulo guluf xooggan. Wuxuu saadaaliyay, in gulufkaas xooggani geli doono qoladii dhacday kadibna inta geel badan laga soo dhaco loo furmaatiyi doono oo macnuhu yahay; waxaa marka geela la soo tubo la oran doonaa marka hore geelaagii kala bax inta kalana saami baad ka heli doontaaye. Wuxuu kaloo yiri samir baa la rabaa markaad rabto inaad dantaada ka gun gaarto oo waa sida dhagax weyn oo meel ku dhaggan oo aan la nuuxin karin in tartiib geesaha looga faago mooyee. Wuxuu ku gunaanaday wiilkayow, reeraha na dhacay ha ku didin fudaydkaagee, maandhow aayar orodka.

Nin lagu naanaysi jiray Waaleeye oo u dhashay qoladii Axmad-Nuur baa waxaa dilay nin qole kale ka soo jeeday oo malaha markaas utun tirsanaayay. Waxaa la yiri ninkaas la dilay markaas wuxuu ahaa nin aad u jirran oo degmadiisii oo guurtay gaari waayay. Waxaa soo dul-joogsaday baa la yiri ninkaas jirranaa col, waxayna ka yare maagteen inay dilaan ninkaas aadka u jirranaa, waxaase laga furfuri waayay barbaar colka kamid ahaa oo ay dhashay baa la yiri; gabar la oran jiray Ina Siyaad Allamagan Dalal oo xagga abtirsiga marka la eego, abti uu u noqonaayo Waaleeye. Markii sidaas wax u dhaceen baa waxaa aad ug caarooday sidii loo galay Waaleeye qoladiisii (Reer Kooshin Diini) waxayna go'aansadeen inay u aaraan oo waliba kaliya dilaan ninkii wax dilay oo reer abtiga loo ahaa. Ninkii wax dilay wuxuu ahaa baa la yiri; nin dhawrada oo feejignaan badan, aadna dagaal-yahan u ahaa, wuxuuna godobtuu galay awgeed gadaal ka maray tolkuu ka dhashay (Majeerteen, Reer Biciidyahan). Cali-JIir Khalaf Max'd oo ahaa hoggaamiyihii jifadii Axmad-Nuur ka tirsanaa baa wuxuu hor-istaagay qorshihii dhallintii ciddiisu maagganayd, asagoo ka baqaayay baa la yiri; in waxyeello weyn ka soo gaarto qolodiisa, maadaama ninkii wax dilay aad u fogaaday, maatay oo qolodiisii gadaal ka maray. Si uu arrinkaas u sii xoojiyana wuxuu ka qaaday Axmad-Nuur koorihii faraskiisii Malaw. Dhallinyaradii Reer Kooshin Ugaas baa markaas kadib waxaa si xirrib leh u abaabulay Axmad-Nuur, waxayna dirsadeen nin ilaalo ah si uu u soo ogaado halka uu ku sugnaa ninkay baadi-goobayeen. Markuu Axmad-Nuur xogtii helay si qarsoodi oo qorshaysan buu u la baxay ilaa soddon nin waana gulfeen, wixii dhacayna Axmad baa tix ku muujiyay:

Addin ka ma jabow Malaw miyaan, oogta hore fuulay
Afartiisa heensaha miyaan, kii afka u waayay
Soddon ubax hareeriya miyaan, Aw isaga yeelay
Naf intihiyaashii miyaan, ka arrin roonaaday
Waxba yaanan aarkiisa helin, Inankii Waaleeye 
Eedaaddayey Ina Siyaad, sow ma urugoonnin

Dhammaadkii qarnigii 19aad ama bilawgii qarnigii 20aad baa waxa dhacay dagaal weyn oo dhex maray labo qolo oo kala ahaa bah Habar-Celi (Ogadeen, Muuse Gumcadle) iyo Cumar Max'uud (Majeerteen, Max'uud Saleebaan). Wuxuu ka dhacay dagaalku meel la magac baxday Dhacdiid oo u ogog leh degmada Goldogob ee maanta. Sababtii keentay dagaalkaas waxay ahayd; waxaa la dilay nin la oran jiray Xasan-Weyne (reer Khalaf) oo lagu eedeeyay inuu gabar faro xumeeyay. Kadib, markii qolodiisii weyddiisteen tolkii dilay (bah Habar-Celi) mag, waxay ka oggolaadeen magtaas 40 halaad oo aan xul ahayn. Max'uud-Gaanni Faarax Samatar oo hoggaaminaayay ergadiii magdoonka ahayd wuu qaatay magtaas aan loo bogin, iyadoo raggiisii ku dhaliileen qaadashada, wuxuuse maagganaa inuu walaalkiis u aaro isago col weyn soo dumaya sahayna ka dhiganaya geelaas ka yaraa magtii nin la dilay. Max'uud-Gaanni intuu tolweynihiisii ku dhex dhacay buu soo kiciyay col mahiiggaan ah oo aad u hubaysan, wuxuuna dhigay goobtaas dagaallada tolalka S/liyeed caanka ku ah. Kadib dagaalkaas baa Axmad-Nuur (Marreexaan, reer Kooshin ugaas Diini) oo isagu aan ka tirsanayn labada qolo oo ay dirirtu dhex martay tiriyay gabaygaan caanka noqday waxaana la yiri markuu gabayga tirinaayay wuxuu u xiiraayay ama seemaayay gabadh yar oo uu dhalay waa Cawrala-Mushaax Axmad-Nuure. Gabaygu wuxuu u eg yahay mid istraatiijiyad dagaal ah iyo mid wacaalo-warran ah. Sida ka muuqata gabayga markii la jabiyay bah Habar-Celi waxaa laga dhacay xoolo badan, hase yeeshee jifadii reer Samatar Khalaf oo ku awood roonayd colku waxay isa siisay geelii, halka jifooyinkii kale oo ku weheliyay colka laga qadiyay ishkinkii. Ragga uu magac dhabay waxay ka soo kale jeedeen jifooyinkii colkii guulaystay:    

Cawrala-mushaaxey rag waad, wada maqalaysaaye
Malaha mawtigiis baa isku galay, mirana kala roone
Habar-Celi midgaa laga dhigay, duul madqlalla ahe
Waxa makaawigoodii ku jabay, miririgtii shalaye
Mar haddaysan soo noqon adduun, waa kan meerto ahe
Maandhay marta haw furfurin, milifna haw qaadin
Ibraahiinno manqadii aray, magac ku yeesheene
Cali-Yey muuquunaa ahaa, meetanay timide
Xiddig muusanowguu la tagay, maqalyay Daaroode
Ma maggowsan Goolnuug, wixii geel la soo tubaye
Ilma Jaamac-Alan looma qaban, qaalin moordiyahe
Geelii muggayskiyo ahaa, xero-u-meegaarka
Kuwii laga martiyaan ku siin, magan shaallaaye
Maqaawiirta reer Samatar Khalaf, anigu mooyaane
Nin kaloo is maxamuudiyaa, malihi waa beene
Mandhay martaada haw furfurin, milifna haw qaadin

Waxaa la sheegay markii magta la weyddiisanaayay qolodii dhiigga qabtay oo ay diideen inay mag fiican bixiyaan, in nin isla qoladaas ka tirsanaa oo la oran jiray Indho-Sarsar tolkiis ku la taliyay inay magta si fiican u bixiyaan ama ragga mag-doonka laayaan waana laga diiday. Indhosarsar wuu ka taloobay tolkiis oo waa ka guuray. Markii gabaygaas Axmad shaac baxay baa waxaa la yiri ninkii hoggaamiyaha u ahaa qolodii la jabiyay oo la oran jiray Caynab Hoori oo ka madax adaygay bixintii magtii Xasan-Weyne tiriyay tix ay intaan naga soo gaartay oo uu ku la hadlaayay afadiisii: 

Lixaad waxaan lahaa maalintii, labigii dheeraaye
Lurtaydu ha hartee waxaan ku lumay, leexadii shalaye
Xamar lalashka ii saar adduun, laacibki dhigaye...

Maalin kale ayaa Axmad-Niir waxaa la wariyay inuu arkay nin xigtadiisa ka mid ahaa oo qalqaalinaaya col duullaan qaada oo dhallinyaradii tolkiisa ku qancinaaya fiicnaanta uu duullaanku leeyahay. Axmad-Nuur baa markaas kadib wuxuu tiriyay tix ay naga soo gaartay labadaan tuduc:

Rag la dumay inuu duullaami, anoon kugu diidaynin
Ha ku daalin dooyada dambaa, dumarku ooyaaye.

Bilawgii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Max'd hoggaaminaayay waxaa u bogay ujeeddadiisii qeybo badan oo tolalkii Soomaaliyeed ka mid ahaa. Jifadii Axmad-Nuur ee reer Kooshin Ugaas Diini waxay xoog ugu riyaaqday halgankii daraawiishta, hase yeeshee intaysan ku biirin daraawiishta waxay ergo xograadin ah u dirtay xaruntii Sayid Max'd fadhiyay oo markaas tiil dhulka Ceelcad la yiraahdo. Xogtii ergadu keentay waa la isku khilaafay oo rag uu ka mid ahaa nin la oran jiray Xaryan Nuurre oo markii dambe la waayay meeluu jaan dhigay waa diideen in lagu biiro, intii badnaydse waxay u guurtay xaruntii, dhammaadkiina badi waa ku tirantay dagaalladii daraawiishta. Kahor intii aysan guurin, Axmad wuxuu ku walaacay geeddiga reer tolkii iyo aayahooda, wuxuuna arrinkaas ka tiriyay gabay tixda hoose naga soo gaartay. Tuduca ugu dambeeya wuxuu u la jeedaa la-jeeraarinta nimanka Jaciireed degmo gooyo ahayd oo xigtadiisa ka mid ahayd oo tiil meel la yiraahdo Jaciir oo aan iyadu ku biirin geeddigii loo lallallabay. In kastoo Axmad ka maagtay markii hore geeddigii jifadiisa haddana waa uu ku biiray halgankii dheeraa, aakhirkiina isaga iyo rag badan oo xigtadiisa ka mid ahaa waa ku baxeen halgankaas, waxaana la sheegaa inuu Sayidku u bixiyay Gabay-Shinni:

Jilbo-geeljirayn baan ku jiray, xalay intaan jiifay
Arrin jiicamaa i helay, iina jabi waayay
Mid markaan jalleecaba mid baa, joog i oranaysa
Dhulka waxaan jifeeyaba waxay, igaga jaw beeshay
Waa inaan la jeeraariyaa, nimanka Jaciireede.....

No comments:

Post a Comment